Ciyaartoyda Soomaaliya Kaga Qaybgalaysa Ciyaaraha Olonbikada Aduunka Oo Rajo Ka Qaba Inay Guul Ka Soo Hooyaan Ciyaarahaas


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Samsam Maxamed iyo Maxamuud Xasan Maxamed ayaa waxay yihiin labada ciyaar yahan ee Soomaaliya u matalaya ciyaaraha Olonbikada aduunka ee bishaan Jully ka furmaya magaalada London ee xarunta wadanka ingiriiska.

Ciyaartoydaan ayaa haatan waxay xareesanyihiin mudo 7 bileed ah waxayna ku taba bartaan xarunta iskool bulusiyo ee magaalada Muqdisho.

Labadaan Ciyaaryahan oo ka qayngalaya ciyaaraha fudud ee orodka ayaa waxay qabaan rajo ah in ay kaalin wanaagsan ka galaan ciyaarahaan isla markaana ay guul u soo hooyaan wadanka.

Maxamuud Xasan Maxamed ayaa ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan xaga ciayaaraha ficaaraha fudud ee Soomaaliya, wuxuuna guulo ka soo hooyay tartamo badan oo uu kaga soo qaybgalay wadanka dibadiisa.

Sadaxdii Sano ee ugu danbaysay ciyaaryahankaan guulaha uu gaaray ayaa waxaa ka mid ah, inuu kaalinta shanaad ka galay tartan lagu qabtay magaalada Dubai kaasi oo ay ka qaybgaleen dhamaanba wadamada carab, sidoo kale wuxuu kaalinta afaraad ka galay tartan kale oo asna kaasi la mid ah oo lagu qabtay wadanka qadar, kaalinta tobanaadka wuxuu ka soo tiigsaday tartan lagu qabtay wadanka Jabuuti, haatana wuxuu mar kale rajaynayaa in guul ka weyn guushaasi uu sanadkaan ka keeno ciyaarahaan caalamig ah.

Samsam Maxamed sanadkii hore ayay ku guuleesatay tartanka ciyaaraha orodada oo lagu qabtay garoonka jaamacadaha ee magaalada Muqdisho haatan markii aad eegto rajada ay ka qabto ciyaaraha londana aad ayay u wanaagsantahay, waxaan waydiiyay waxaa ku dhaliyay kolsoonida badan ee xiligaan ka qabto in ay ciyaarahaan ku guuleesato maadaama aanan soomaali looga baran sanadihii ugu danbeeyay in ay ku guuleesato tartamadaan oo kale.

Axmed Cali Abuukar oo Ah macalinka labadaan ciyaaryahan ayaa asna wuxuu sheegay in ciyaartoydaan dadaal iyo tababar dheer lagu bixiyay, inkastoo uu tilmaamay in tartankaan ay ka qaybgalayaan ciyaartoy wax badan diyaargaroobayay oo looga danbeeyo ciyaarahaan ayaa hadana wuxuu sheegay in uu aaminsanyahay in Soomaaliya ugu yaraan ay ka mid noqon karto 10 wadan ee ugu horeeya.

Soomaaliya taariiq ayay ku leedahay ciyaarahaan waxaana markii ugu horaysay oo ay ka qaybgalaan ay ahayd sanadii 1960, Natiijadii ugu wanaagsaneedna waxay ka soo hooyeen sanadii 1987, markaas kaalinta koowaad uu aduunka ka galay ciyaaryahan Cabdi Bile Cabdi.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

6 Responses for “Ciyaartoyda Soomaaliya Kaga Qaybgalaysa Ciyaaraha Olonbikada Aduunka Oo Rajo Ka Qaba Inay Guul Ka Soo Hooyaan Ciyaarahaas”

  1. [...] Continue Reading: Ciyaartoyda Soomaaliya Kaga Qaybgalaysa Ciyaaraha Olonbikada Aduunka Oo Rajo Ka Qaba Inay Guul Ka So… [...]

  2. garowe says:

    war inay engiriiska iska dhiibaan bay rabaan yaysan somalida sharaftooda ku cayaarin mida kale kan kaalinta 10n jabuuti ka galay baa aduun u wadaan war ka reeba

  3. jaah says:

    waa cajiibe somaliya ma xaafadaha xamar oo kaliya miyaa , duraan waxan islaha waxbuu ka badalaya arintaas lakin isagaaba ka daran kuwiihore , somaliya ma waxaa matalaysa xamar oo kaliya ,

  4. xaawo says:

    asc allaa dadkan xasisanaa oo xamar necbaa wax matare yaal waxna looma tarayaal kkkkk hady dan orday asan laydiin ordayn hade maxaa lasameeyaa marheedhe wax isa quura oo dhaha waydad daalen haday calankii baluuga ahaa ka kaor babiyeen caalamka knaan ba waad ogeeden meeshow gayay calankeen mansha allaah

  5. Asc dhamaan shaqaalaha sharafta leh ee bbcsomali.com wxn ku farax sanahay ka qayb galka soomaliyeed ee dhalin yarada somaliyeed utartamaya tartanka Olonbikada ee 1500 ka wxn dhalin yartaas u rajeenayaa Guul wcn ka qayb galkana waa muhiim by MAHAMUD HOSNI

  6. Guul wacan soomaliyeey meel walba oo aad joog taan Qqasatatan Orodyahaanada dhalin yarada soomaaliyeed ee samsam iym maxamed

Leave a Reply