Ciyaartoyda Soomaaliya Kaga Qaybgalaysa Ciyaaraha Olonbikada Aduunka Oo Rajo Wanaagsan ka Muujiyay Inay Guul Ka keeni karaan Ciyaarahaasi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Ciyaartoyda Soomaaliya Kaga qaybgalaysa ciyaaraha Olonbikada aduunka ayaa waxay Rajo wanaagsan ka muujiyeen in ay guul ka soo hooyaan ciyaarahaasi.

Samsam Faarax iyo Maxamed Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay ka qaybgalaan ciyaaraha caalamiga ah ee ka socda magaalada London ayaga oo matalaya wadankooda.

Labadaan ciyaaryahan oo ka qaybgalaya ciyaaraha Orodka ayaa waxay sheegeen in ay rajaynayaan in Soomaaliya ay u keenaan gool ay ku faraxdo oo la mid ah tii uu horay ciyaarahaan oo kale uu kaga soo hooyay ciyaaryahankii Soomaaliyeed ee Cabdi Bile Cabdi.

Maxamed Axmed ayaa wuxuu ka qaybgali doonaa ciyaaraha orodka gaar ahaana wuxuu ordi doonaa oradka 1500-oo mitir, sidoo kale Samsam Faarax ayaa iyana waxay ordi doontaa Orodka 400-oo mitir.

Labadaan ciyaaryahan ayaa mudo waxay tababar ku qaadanayeen magaalada Muqdisho, waxaana la sugayaa natiijada ay ka keeni doonaan ciyaarahaan caalamig ah ee ka socda wadanka England.

Ciyaaryahan Maxamed ayaa asagu horay wuxuu kaga soo qaybgalaya ciyaaro badan oo lagu soo qabtay wadanka dibadiisa gaar ahaan Dubai, Dooxa, iyo Jabuuti wuxuuna ka keenay guulo wanaagsan.

Sidoo kale Samsam Faarax ayaa iyana sanadkii hore waxay ku guuleesatay tartanka ciyaaraha Oradada Soomaaliya oo lagu qabtay garoonka jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

4 Responses for “Ciyaartoyda Soomaaliya Kaga Qaybgalaysa Ciyaaraha Olonbikada Aduunka Oo Rajo Wanaagsan ka Muujiyay Inay Guul Ka keeni karaan Ciyaarahaasi”

  1. [...] Visit link: Ciyaartoyda Soomaaliya Kaga Qaybgalaysa Ciyaaraha Olonbikada Aduunka Oo Rajo Wanaagsan ka Muujiyay I… [...]

  2. Waayeel says:

    War masaakiiinta maxay u lugeynayaan?Way fiicnaan lahayd in ay jiraan dad soomaaliyeed oo si fiican u tabo bartay oo ka qeyb gala cayaaraha adduunka.Laakiin hadda ma jiraan dad aad u tabo bartay oo la is leeyahay guul bay ka keeni karaan cayaaraha hadda London ka bilawday.

  3. DR TAKAR says:

    better than nothing!! Meesha yaa la idinka waayin.

  4. seerjito says:

    uf xoolooow katag meesha guul ayaan urajeena samsam iyo maxamed wayna kaynayaan

Leave a Reply