Ciyaartoyda Soomaaliya U Mataleysa Tartanka Olombikada Adduunka Oo Loo Sameeyay Xaflad Weyn [Sawirro & Warbixin]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

London (RBC) Waxa xaflad si heer sare ah, loo soo qaban qaabiyay loo sameeyay ciyaartoyda Soomaaliya uga qeybgaleysa tartanka ciyaaraha Olombikada adduunka ee 2012 oo lagu qabanaayo bariga magaalada London.

Xafladana ayaa ciyaartoyda Soomaaliya ka sakow waxa iyana xaflada ka qeybgalay ciyaartoyda dalka Colombia iyana uga qeybgalaya tartanka Olombikada adduunka oo 27-ka bishan si rasmi ay u furmi doona.

Xaflada oo ay ka soo qeybgaleen Soomaali badan oo deggan Lodon iyo kuwa kale oo ka yimid dalalka qurbaha, ayaa waxa ay meesha ku soo bandhigeen sidda ay ugu faraxsan yihiin in arkaan ciyaartooy Soomaali mataleysa oo ka qeybgaleysa ciyaaraha Olombikada adduunka.

Dadka ka qeybgalay xaflada oo xirnaa dhar ka sameesan calanka Soomaaliya, waxa ka mid ahaa ciyaar yahan hore uga tirsnaa xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda kolayga Xaawo Sheekh Taako iyo Dahabo Xasan Axmed oo iyaga wadatay calanka Soomaaliya intii ay socotay xafladda.

Kooxda Soomaaliya uga qeybgalaysa cayaaraha olombikada adduunka ee arbacadii hore London gaartay.

Dadkii meesha ka hadlay waxa ka mid ahaa gabar 19-jir ah oo ku dhalatay dalka UK, Xafsa Faarax waxa ay saxaafadda u sheegtay in aysan qiyaasi karin dareenkeeda waayo waxa aan la kulmay ayey lee dahay ciyaartoyda oradada Soomaaliya, kuwaas oo wadankeyga matalaya.

“Maanta aad ayaan u faraxsanahay, waxa lee yahay soo dhawaada kooxda Soomaaliya uga qeybgaleysa tartanka Olombikada adduunka 2012″ ayey tiri Xafa oo farxadeeda aan la soo koobi karin.

Waxa sidoo kale goobta ka hadlay Gabyaa Soomaali ah Cabdulaahi Bootaan Xasan, kaa oo Soomaaliya u matalaya in uu ciyaaraha Olombikada adduunka ee London ka qaado gabay Soomaali ah.

Soomaaliya waxa ay ka mid noqotay ilaa 17-wadan oo ka qeybgalay tartan xagga gabayga oo loo qabtay dhowr iyo tobaneeyo gabyaa oo addunka ka socday oo loo qabtay tartan bishii June 26-July.

Madaxa hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya u matalaya tartanka ciyaaraha Olombikada adduunka Cumar Cabdulaahi Baarajab ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sidda wafdiga Soomaaliya loo soo dhaweeyay,waxana uu sheegay in ay tahay wax aad cajiib u ah.

Sidoo kale Baarajab oo ka mid ahaa xidigii ugu caansanaa kubadda kolayga dalkeena Soomaaliya ayaa aad u ammaanay jaaliyadda Soomaalida ee dalka UK, waxana uu sheegay in si weyn ay u soo dhaweeyeen walaalhooda ka socda Soomaaliya”

Waxa kaloo uu mahad-celiyay dowladda UK iyo guddiga ciyaaraha Olombikada adduunka, sida wanaagsan ay u martigalinayaan dhacdan weyn,

Si kastaba, Soomaaliya sannadkan waxa cayaaraha olombiga uga qeybgalaya laba cayaartooy oo kaliya kuwaasi oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax.

Maxamed Xasan Maxamed waxa uu ordi doonaa tartanka 1500m iyo 5000m, halka Samsam Maxamed ay iyana ordi doonto 800m iyo 1500m.

Waxa aan u rajeeneynaa labadaas ciyaartooy ee Samsam iyo Maxamed guul iyo in ay taarikh ka soo hoyaan tartanka Olombikada adduunka 2012-, waana markii ugu horreysay ee Soomaaliya ka qeybgasho ciyaarahan tan iyo burburkii dalka 21-sanno ka hor.

RBC Radio
==============
Xafiiska Wararka London

Share

Tags:

4 Responses for “Ciyaartoyda Soomaaliya U Mataleysa Tartanka Olombikada Adduunka Oo Loo Sameeyay Xaflad Weyn [Sawirro & Warbixin]”

  1. [...] View original post here: Ciyaartoyda Soomaaliya U Mataleysa Tartanka Olombikada Adduunka Oo Loo Sameeyay Xaflad Weyn [Sawirro... [...]

  2. Jawaabe says:

    Inshaa allah waxaan u rajaynaynaa guul dhamaan dadka soomaaliyeed mid ay ku farxaan

  3. Mowlid says:

    Skipping over the bulk of the Somalia and Eritrea Monitoring Group’s (SEMG) flawed recent report on the weapons embargo on Somalia, we were able to get a general idea of the length to which the state of Puntland has gone to safeguard its economic future. What we found was a well-equipped (by all legal means) authority that could handle the security needs of the region.

    Puntland is not at all wrong for wanting security for these oil and gas interests, Al-Shabaab militants repeatedly threaten the region’s vital oil exploration project with attacks. We have looked through the data provided by the monitoring group in their latest report and found out that the security of the oil and gas exploration program in Puntland is taken very seriously.

    A special outfit called the Exploration Security Unit (ESU) is now fully operating in Puntland. The ESU is a relatively new project that was founded with the help of Eric Prince, founder of the Abu Dhabi-based private military company Xe, formerly known as Blackwater.

    The ESU likely operates alongside the Puntland Maritime Police Forces (PMPF), and is based in a camp in Qaw just a few dozen miles west of Bosaso, the long-rumored end destination of a pipeline serving the Dharoor Valley. The camp has over 70 tents, and is outfitted with a modern operational command center, a control tower, an airstrip, a helicopter deck, and has enough capacity for 1,500 men–about 1,000 of whom are already trained in the program. These are assets not seen among any other conventional force in Somalia, including the African Union forces and the Ethiopian forces.

    Equipment is flown into the base from Uganda, Ethiopia, South Africa, and the United Arab Emirates. All of this is of course within Puntland’s legal right as a signatory of the Somali roadmap and an ally in both the War on Terror. And the fight against piracy, and the places of origin of these weapons are proven partners of Somalia and the international community.

    The top financier of this entire program is the UAE, which provides $2 million a month for operational costs, making Puntland’s military budget almost equal to Djibouti. With its air assets, Puntland’s military capability is greater than that of the AU peacekeeping mission in Somalia, though just as necessary if not more so. And though the UAE denies its direct involvement, some of its highest-ranking figures, including the crown prince, have been reported to maintain close ties with the development of the Puntland security initiative.

Leave a Reply