DAAWO SAWIRADA: Haweenka Maanta Isaga Baxay Shirka Golaha Ansixinta Dastuurka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Maanta ayaa shirka golaha ansixinta Dastuurka Cusub ee Soomaaliya waxaa isaga baxay haweenka qaybta kahaa Ergada ayagoo ka cabanayay in la doonayo in meesha laga saaro xaqa Haweynka oo ah in 30% ay ku yeeshaan awooda wadanka.

Hawenkaan ayaa maanta u baxay gaar ayagoona sheegay inaysan ansixindoonin Dastuurka ilaa laga cadeeyo in aanan lagu tumanaynin xaqa Hweynka Soomaaliyeed.

Waxay sheegeen in ay ogaadeen liisaska beelaha Soomaaliyeed ay ku soo gudbiyeen baarlamaanka cusub inaysan ku jirin wax Haweyn ah oo ay dhamaantoodba yihiin Rag.

Waxay sheegeen in arintaasi ay tahay mid aanan loo dul qaadanaynin oso ay ka soo horjeedaan haweynka Soomaaliyeed in awooda wadanka oo dhan ay isku koobaan Raga oo kaliya.

Wasiirada Haweynka iyo arimaha Qoyska oo la hadashay Haweynka Shirka isaga baxay maanta ayaa waxay ku boorisday inay isdajiyaan isla markaana aanan la ogolaanaynin in meesha laga saaro kaalinta Haweynka.

Maryan Aweys Juma ayaa waxay intaa ay ku dartay in ay ayaan daro tahay in odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay soo gudbiyaan oo kaliya Rag, ayna iska fogeeyaan haweynka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka Dastuurka iyo deb u heshiisiinta C/rixmaan Xoosh Jabriil ayaa carabka ku adkeeyay in aanan loo dul qaadanaynin in la soo xulo baarlamaan ka kooban Rag oo kaliya.

Wuxuu sheegay wasiirka in loo baahanyahay in Haweynka Soomaaliyeed ay xaqooda Helaan, Horayna loogu balamay in Haweynku ay yeeshaan 30% Talada wadanka.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share

Tags:

13 Responses for “DAAWO SAWIRADA: Haweenka Maanta Isaga Baxay Shirka Golaha Ansixinta Dastuurka”

  1. Mohamed Abdi says:

    gabdhaha ayaa ka fiican raga meesha soo buuxinaya kana naxariis badan gabdhoow dagaalka wada

  2. hani says:

    naa naagana wax umahaysaane yaan ramuudka laydin qaban sidalka sidalka mar labaad loo burbursho gabdhahana ragu ayga dhallay idinkana jecel tas la socda

  3. [...] Excerpt from: DAAWO SAWIRADA: Haweenka Maanta Isaga Baxay Shirka Golaha Ansixinta Dastuurka [...]

  4. Rooraaye says:

    Dhibaatada waxaa ugu wacan dumarka xaqooda la duudsiyo war si walba raga hada ayagaa ka wanaagsan dagaalama oo xaqiina dhacsada

  5. ASC ramadaan kariim waa aakhurisamaan maxaa markii horeba meesha keenay may guryahooda canjeerada u dubaan khaladka horaba waxaa leh dadka yidhi halatala geliyo oowadanka taladiisa wax halaga waydiiyo taasaa khalada dumarka waa in uun waxlaga waydiiyo siday ubadka u xanaanaylahaayeen bes guryahoodana haku ekaadeen waa maxay xaqan iyo waxay kahadlayaan

  6. real maakhiri says:

    somali women should be respected and given what they deserve, not to treat them as a second class citizen people. anigu waxaan ku talin lahaa in dhamaan xubnaha baarlamaanka cusub laga dhigo dumar sababta oo ah wey istaahilaan shaqadaa in ay qabtaan madaama ragii ku fashilmay siyaasadii wadanka, marakaa maxaynu ku diidaynaa in dumarku ina hogaamiyo oo fursad siino then we’re gonna see what they do.they have right to lead us.
    thanks guys,

  7. Ismahan says:

    Kkkkkkkkkkkkkk waxbadan ayan maqalnay ragba gobta kabaxay lkn manta wayka duwamtahay hoyaoyinkiba gobta kabaxay Gabdhow hakakasiwada marna umamalaynayo in dhicidonto in sixalal ah wax lomamulo khiyano miiran waye dowlda ilahy hano hagajiyo

  8. khadija says:

    dumarka gurigooda ayaa u roon weliba qolooyinka aan meesha sawirkooda ka arkayo waxay joogaan wakhtigii la khaatumeysan lahaa oo tusbaxa la rabey iney gacanta ka hayaan oo tusbiixsadaan ee dumaroow gabdhaha yar yar siiya fursada oo xishooda sh shariif baa been idin sheegay si aad codka u siisaan ee meel fariista oo guryihiinii aad soo beylihiseen dib ugu noqda waa iga talo.

  9. Wadani says:

    War ahweenkeenii iyo Gabdhehenii way waasheen war Diintu meesha ay dumarka gaysay ma meel ka wanaagsan baa jirta? ma cid ilaahay ka cadaalad badan baa jirta? somaliyey ilaah halaga cabsado waxa qaranjabku inoogu dhcay waa waxasoo kale

  10. axmed says:

    Waa in iminka xaqqa ay dumarka Soomaliyeed oo dhibaatada inteeda badan xambarsan in kuraasta loo gu qeeybiya formula cusub oo logu magac daro 4.5 oo dumarka loogu talagalay.oo ah 4 kii waa in ay la yimaadan 5 haween kuwa kalena la yimaadaan hal hal =30 % .

  11. axmed says:

    dagaalka halkaa ka wada-oo xaqqina raadsada-

  12. Mohammed says:

    Khadija: Haddaad adigu ku faraxsantahay gurigaaga, ku ekow gurigaaga. Balse haweenkan waa kuwo raba inay u adeegaan dalkooda iyo dadkooda, kana soo bixi kara shaqo walba oo raggu kasoo bixi karaan, kana roon raggan dalka dhacay. Dumarku waa kuwa daryeela shacabka, kor u qaada dalka, tusaalana u ah ragga. Dumarkani waxay tusaale wanaagsan u yihiin gabdhaheena soo koraya, taariikhdana baal dahab ah ayay ka gali doonaan.

  13. SIHAAM says:

    @WADANI AYAN KU RAACSANAHAY ILAAHAY CIDINA KAMA CAADILSANA SIDA UU DUMARKA ASAGU UGU TALIYEY DUMARKU INAY RAACAAN AYAAN KUTALIN LAHAA….HADIISE TAN RABBI AAN LAYEELIN WANAAG SOO KORDHI MAAYO DHIB MOOYEE.WAA JIRTAA IN RAGII SOMALIYEED FASHILMEEN WADANKANA IYO DADKANA GABDHAHA SOMALIYEED UU KU DHISANYAHAY MAANTA UGANA WAXTARBADNAAYEEN RAGUNA QORIGA WATEEN DUMARKA LAFTOODA MAYSAN DHIBYAREYNE RAGGA AYAGAA SHILINKA LADABA TAAGNAA UUKU DAGAALGALAYEY CANJEERADANA UDUBAAYEY.HAWSHII DUMARKA LAHAAYEE YAA INOO BAYLAH TIRAYA?

Leave a Reply