DAAWO SAWIRADA: Musharax Xasan Sheekh Maxamuud : Madaxda Dowlada Ha Cadeeyaan Halka ay ka Baxday Lacagta Lagu Eedeeyay In Ay Lunsadeen
Muqdisho (RBC Radio) Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha xisbiga Nabada iyo Horumarka oo maanta suxufiyiinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay arimo badan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ka hadlay warbixintii ay dhowaan soo saareen gudiga dabagalka Soomaaliya iy Eritrea ee Qaramada Midoobay.
Wuxuu sheegay in warbixintaasi uu soo dhowaynayo loona baahanyahay in aanan laga harin oo la soo cadeeyo, madaxda dowladana iyana ay soo cadeeyaan arintaan.
“Anagu waxaan leenahay waan soo dhowaynaynaa warbixintaas, waxaana leenahay madaxda lagu eedeeyanayo arintaan waa kuwa hortaagan, dowladnimada iyo Hay’adaha arintaan dabagalka ku samayn lahaa.”Ayuu yiri Xasan Sheekh maxamuud.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in haatan shaki badan ay ka qabaan sida ay wax u socdaan, iyo qorshaha lagu ansixinayo dastuurka cusub oo lagu gaarayo bisha Agoosto ee soo socota.
“horay ayaan u sheegnay in uu qaldanyahay sida ay wax u socdaan hadana waan ku celinaynaa, waana ka waranay sida wax u qaldanyihiin iyo in ay tahay in la saxo” Ayuu yiri Musharaxa.
Ugu danbayntii wuxuu ka hadlay sida loo soo xulayo baarlamaanka cusub iyo waliba ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in meesha laga saaray xuquuqdii ay la haayeen hawaynka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in lagu balamay in haweynka Soomaaliyeed ay leeyhihiin Boqolkiiba Sodob baarlamaanka la soo xulayo iyo waliba qorshaha socda laakiin taasi haatan aysan muuqan oo balantaasi laga baxay.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho














[...] Read More: DAAWO SAWIRADA: Musharax Xasan Sheekh Maxamuud : Madaxda Dowlada Ha Cadeeyaan Halka ay ka Baxday Lac… [...]
iskiin waxba lacagtii kamasoogaarin saas weeye dhawaaqu