DAAWO SAWIRADA: Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye Oo Cid Ladii Ugu Darneed Laga Dareemayo Iyo Ganacsigii Oo Gabi Ahaanba Joogsaday
Muqdisho (RBC Radio) Wadada isku Xirta degmada AFgooye iyo magaalada Muqdisho oo mar ahaan jirtay wado mashquul badan ayaa haatan waxay noqotay mid cidlo ah.
Deegaanada ku teedsan wadadaan ayaa waxaa ku yaalay ganacsi badan iyo suuqyo waaweyn oo uu ka mid ahaa Suuqa Ceelasha biyaha waxaana haatan dhamaanba deegaanadaasi ay yihiin kuwo haawanaya.
Arintaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii ciidamada dowlada Kuwa AMISOM ay Al-Shabaab ka saareen degaanadaasi isla markaan ay la wareegeen.
Dadkii daganaa deegaanadaan ku yaala inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye iyo kuwa Ganacsatada ah ayaa waxay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.
Wadada ayaa sidoo kale waxay tahay mid cidlo ay ka jirto isla markaana aanan lagu arkaynin gawaari badan oo isticmaalaya, xili markii hore ay ka mid ahaan jirtay wadooyinka ugu mashquulka badan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho























bismillahi waa mucjiso daahsoon, dadkii soomalida ayada oo ilaahay dhul iyo deegaano siisay bey wax aan jirin isku dagaalayaan. bal fiiri dagmadaan dhisan oo laga kala cararay-ilaahay aayad ha nooga dhigo
Walaalaow cadaalah hala weydiiyo dhibaatada dadkii bilaabay