DAAWO SAWIRADA: Xisbiga PDP Oo Wadada Isku Xirta Garoonka Diyaaradaha Iyo Isgoyska KM4 Ka Bixiyay Biyo Ay Dhigeen Roobabkii Ka Da’ay Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo wadada isku xirta garoonka diyaaraha ee Adan Cade iyo Isgoysaka KM4 ee magaalada Muqdisho ay biyo fariisi noqotay ka dib markii maalmihii ugu danbeeyay ay roobab ka da’een magaalada, ayaa maanta Dhaliyaro ka tirsan xisbiga Nabada iyo Horumarka ay wadadaasi fureen ka dib markii ay ka bixiyeen biyihii fariistay.
Dhalinyaradaan oo isi iskood ah isku soo xilqaamay ayaa waxay fureen wadadaan oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan magaalada Muqdisho oo ay gawaarida qaar ay ka leexanayeen sababo la xariiri biya yaal ee Roobka.
Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Horumarka Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arintaan ayaa wuxuu sheegay in howshaan ay ka danbaysay ka dib markii ay arkeen dhibaatada shacabka Muqdisho ay ku qabaan biyaha fariistay wadadaan.
Waxaa la arkayay booyadaha biyaha lagu dhaamiyo iyadoo lagu gurayo biyaha fariistay wadadaan isku xirta garoonka diyaaraha ee caalamiga ah ee magaalada Muqdisho iyo isgoyska KM4.
Wadadaan ayaa ah mid muhiim ah waxaana shacabka markii laga sootago xataa ay muhiim u tahay madaxda dowlada sababtoo ah waa mida ay soo maraan markii ay ka soo dagaan garoonka ayaga iyo waliba madaxda kale ee wadanka imaanaya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho





















[...] Read More: DAAWO SAWIRADA: Xisbiga PDP Oo Wadada Isku Xirta Garoonka Diyaaradaha Iyo Isgoyska KM4 Ka Bixiyay Bi… [...]
horta ma xumo in wax la qabto lakiin waxaa ka fiicneed in maskacda la isticmaalo waxaa la joogaa 2012, — labo Engine oo yaryar (1/2 horse power) ayaa ku filan biyo qaadista meeshaan.
AS/c, Ragaan iyo gabdhahaanba waa dad wax tar ah, waayo in badan baan arkay xisbigan oon wax qabad guud ummada u samayanya, inigu kuma jiro qofna kama garanaayo laakiin, waa waxa aan arkay marar badan- so keep the good work up
waa idin dooraneynaa wax qabadkiina raga tayga qaba oo meelaha isku soo sawira idinkaa ka fiican
guulesta wada hawshan meel walba oo aaad joogtaa .
Mahdasanidiin
hada sidan ayay ku doonayaan lacag in gaalo ku siiso wakaa aqligii mogdisho!!! dal ay baabi iyeen oo nidaamkii dawliga ahaa ee hore u dhisay dalka ay burburiyeen oo meel walba fiiqdeen tuubooyinkii biyaha qaadayay la baxeen ayay hadana doonayaan in lacag lagu siiyo shaqadan?
wakaa aqliga mogdisho yaala waa dad iimankii beelay aqlina haba sheegin.
iska hadle adeer waa dad damiir wadaniyad leh waxay isticmaalayaan waxay haystaan waana ku mahadsanyihiin waa iskaa wax u qabso taas oo muujinaysa hadii qof walibaa iskii masuuliyad iska saaro wadankiisa noolaada arin fariid ah
markii horaba ayagaa jidkan burburiyey waa igu dambaysay waa dhisnaa
Ku Dr mudug Adeer runta wax kuu sheega la’adahay meesha waxaa ladhahay waxaa rabtay hadaad waydo waxaad kabadin waysaa lasameeyaa mida kale indhaha Ayaan kugu ool aan u maleynaa sababtoo ah mishina way isticmaalayaan manpower. Na way isticmaalayaan mida kale ninka labaxay libaax miyayna kuu muuqan magaalo madaxdaada horumarka ay sameynayso mise wali waxaa kuu muuqda caadifadii qabiilka ee burburka iyo halaaga iyo qaxootinimada noo horseeday mida kale shalay xamar waxaa lagu dhisay dadka degan canshuurtooda maantana isla canshuurtii ayaa dhisi doonta. Insha allah adiguna cuqdada ku dhimo iyo kala faquuqa umada soomaaliyeed. Ana waxaan leeyahay sidii abwaan Jaamac kadiye uu dhahay soomaali waa ii wada sokeeyoo ma ogoli safaad iyo kala soocidoodee soomaali hamidawdo