DAAWO SAWIRO: Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kulan La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Warbaahinta Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Hormarka ahna Musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah Qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa wuxuu ka dhacay Xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho, waxaan sidoo kale goob joog ka ahaa masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Nabada iyo Horumarka.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayay labo qodod oo kala ahaa.

  1. Caqabadaha Heesta Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
  2. Waxa ay u baahanyihiin Suxufiyiinta hadii gudoomiyaha Xisbiga uu qabto xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Labadaan qodod ayaa waxaa ka hadlay oo si aad ah u falanqeeyay Masuuliyiinta qaybo ka mid ah warbaahinada Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Muqdisho oo ayagu kulanka ka soo qaybgalay.

C/risaaq Jaamac Cilmi Oo ka mid ah Masuuliyiinta Tvga Somali Chanel xaruntiisa magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed la ogaado wax qabadkooda.

Wuxuu sheegay dhibaatooyinka ay la kulmaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee la arko oo ay ka mid yihiin dilal iyo wax yeelaynta in ay ka sii badanyihiin dhibaatooyinka kale ee ka badan kuwaasi oo aanan la arkin.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Suxufiyiinta Shabakada wararka Raxanreeb.com Xarunta magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ay la kulmaan suxfiyiinta Soomaaliyeed ay qayb ka yihiin Masuuliyad daro ka imaanta dhanka suxufiyiinta iyoi waliba mid ka imaata maamulka jira sida dowlada.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahanyahay in dowlada iyo maamulka jira ay ixtiraamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, si ay u gutaan howshooda.

Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Horumarka Prof. Xasan Sheekh Xamuud oo gaba gabadii kulankaan ka hadlay ayaa wuxuu sheegay, in hadii uu ku guuleesto xilka madaxtinimada Soomaaliya uu xaqdhowri doono suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Suxufiyiinta Soomaaliyeed la siindoono muhiimada koowaad marka loo eego suxufiyiinta ajaanibta ah, asoona carabka ku dhuftay in la samayn doono sharciga saxaafada Soomaaliyeed kala hagaya.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “DAAWO SAWIRO: Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kulan La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Warbaahinta Soomaaliya”

  1. caaqil says:

    kee ah musharaxa waa dhawr qof oo dhalinyaraa bal tilmama?

  2. khadija says:

    ninka ugu weyn oo khudbeynaya oo garka yara cad leh oo suudka gashan taygana xiran oo asadexdsa nin oo kale oo suudadka madoow qaba la taagan isaga ayaa tay ka xiran ama garaafti dhalinyaraduna waa suxufiyiintii codkooda la rabey suxufiga soomaliyeed wuxuu noqdey meesha keliya ee la abaaro marka wax la dilayo magaran waxa ay keli ugu noqtey balse markii dowlad cadaalada la helo oo keligii talis lahayn ayaa illahay u hiilin doonaa insha allah

  3. farinomaleh says:

    bal adba!!!!! waxaa taageersan 10kaas qof uu biyaha u baahnaa

Leave a Reply