Dad u Badan Dhalinyaro oo Maanta Lagu Xirxiray Magaalada Laascaanood
Laascaanood (RBC) In ka badan 30 ruux oo u badan dhalinyaro da’ yar ah ayaa maanta lagu xirxiray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool halkaasoo hawlgalo ay ka sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland ee ku sugn magaaladaasi.
Hawlgalada ay sameeyeen ciidamada maamulka Somaliland ayaa ka dambeeyay qarax bambaano oo xalay lagu weeraray guriga uu Laascaanood ka degan yahay taliyaha sirdoonka maamulka Somaliland u qaabilsan gobolka Sool Carab Ibraahim Warsame kaasoo uu ku geeriyooday hal ruux oo ka mid ahaa ehelada sarkaalka la weeraray.
Hawlgalada ayaa saaka ka bilawday magaalada waxaana ciidamada maamulka Somaliland ay xireen dad tiradooda ay kor u dhaafeyso soddomeeyo kuwaasoo la soo sheegayo inay ku xiran yihiin saldhiga booliska ee Laascaanood.
Dad ku sugan magaalada Laascaanood ayaa Raxanreeb u sheegay in dadka la xiray ay ku jiraan qaar arday ah oo laga qabtay magaalada dhexdeeda iyadoo waalidiintooda oo u dacwootay loo diiday in loo siidaayo.
Xaalada magaalada Laascanood ayaa beryahan dambe u muuqatay meel kacdoon uu ka jiro iyadoo xilliyada habeenkii ay xilli hore dadku ka seexdaan magaalada sababo la xriira cabsi dadka ay ka qabaan amaanka.
RBC Radio












aadbaan usoo dhawaynayaa wax alaale iyo waxii nabad galyada jamhuriyada somalialnd kahkhalgalinayaa in lasoo qaqabto oo jeelka MANDHEERA laga soo buuxiya !! meesha ma muqdisho iyo alshabaabbay moodayaan !!
somaliland aloow dhoowr
waxay ila tahay beesha ………. oo ay marwalba ka muuqato ciil qab iyo hibasho taariikhi ah hadday ku ciil beelayaan ciyaal ……………… ah ayaanu xidhxidhnay waxba kama qabno joogitaanka laascaanoodna mar haddii laga soo xidhay go,itaankii iyo nacnacdii waxba kama qabno jogitaankooda waa magaalo soomaaliyeed
Laascaanood waad riyoonaysaye somalidiid maaha