Danjire Sayid Xasan Shariif oo kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Capetown
Danjiraha cusub ee Dowladda KMG ah usoo magacowday dalka Koonfur Afrika Sayid Xasan Shariif oo maalmahan ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Capetown, iyadoo danjiraha uu kulanka kaga warbixiyey ujeedka safarka uu ku yimid dalka Koonfur Afrika.
Danjire Sayid Xasan Shariif ayaa ugu horreyn Jaaliyadda uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen, waxaana uu jaaliyaddu gadoonsiiyey salaan uu sheegay inuu kaga siday madaxweynaha dwoladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Danjiraha ayaa sheegay in safaradda cusub ee Koonfur afrika ay ka hirgelinayaan ay dabooli doonto baahida ay jaaliyadda Soomaalida u qabaan inay helaan adeegi safaaradeed ee ay u baahnaayeen, waxaana uu tilmaamay in jaaliyadda laga doonayo inay taageeraan islamarkaana ay la shaqeeyaan dowladda KMG ah.
Ambassador Sayid Xasan Shariif ayaa sheegay in safaaradda cusub ay jaaliyadda u fududeyneyso Passaport ay ku safri karaan, waxaana uu sheegay in howlaha safaaradda ay ku xiran tahay ganacsatada Soomaalida ah oo horray u ballan qaaday inay iibinayaan dhismaha safaaradda.
Ugu dambeyn safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya usoo magacawaday Koonfur Afrika ayaa jaaliyadda kula dardaarmay inaysan ka tagin diinta iyo dhaqankooda,waxaana uu Soomaalida Koonfur Afrika ugu baaqay inay hagaajiyaan dhaqankooda islamarkaana ay la mucaamaltamaan bulshada Koonfur Afrikaanka ahi.
Danjiraha ayaa waqtiyada nagu soo aadan kulan ballaaran la qaadan doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.
Yuusuf Axmed Cali (Shoobaaye)
cabdi1915@hotmail.com
Capetown South Africa












[...] Original post: Danjire Sayid Xasan Shariif oo kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaa… [...]