Dawooyin ay iska Kaashadeen Dr. Aadan iyo Shirkadda Dahabshiil oo lagu Wareejiyey Cusbitaalka Hargeysa
Hargeysa(RBC):- Dr. Aadan Beergeel oo ah dhakhtar ku takhasusay Xannuunada Dhimirka iyo qalliinada maskaxda iyo shirkadda Dahabshiil Group, ayaa shalay ku wareejiyay Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa 23 Kartoon oo ah Dawooyin tayadoodu sarrayso.
Dawooyinka oo uu dalka Canada ka soo iibiyey Dr. Aadan Beergeel oo dhammaan khasharka ku baxay iyo weliba safarka dirgtoorkaba ay bixisay shirkadda Dahabshiil, kuwaas oo qiimahoodu aad qaali u yahay, balse liisanka dhakhtarnimo ee digtoorku ku leeyahay dalka Canada darteed loo sameeyey qiimo-dhimis.
Munaasibaddii wareejinta dawooyinkan oo shalay ka dhacday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka, Marwo Nimco Qawdhan, Guddoomiyaha Guddida Maamul-Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, Saraakiil ka socotay shirkadda Dahabshiil oo ay ka mid ahaayeen Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo Saxaafadda Xasan Xiis iyo Madaxa xidhiidhka Hay’addaha ee Shirkadda Dahabshiil Cabdiqaadir Foodyare, Xubno ka tirsan guddida Cusbitaalka Hargeysa iyo Agaasimaha Cusbitaalka Dr. Mukhtaar X. Cumar Askar.

Dr. Aadan Beer-geel oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dalka uu degan yahay ee Kanada ay jirto qaab looga dalban karo dawooyinka tayada leh oo kharash ku kaca, isagoo xusay in haddii dawooyinka si toos ah loo soo iibsan lahaa ay qiimahoodu noqon lahaayeen ugu yaraan $86,000 (lix iyo siddeetan kun oo dollar). Haseyeeshee waxa uu sheegay inuu isagu liisankiisa dhakhtarnimo ku dalbaday, kadibna ay Shirkadda Dahabshiil u suurtogelisay inuu tirada intan le’eg ee dawooyinka ah uu dalbado, kharashkiina ay ka soo bixiyeen.
Waxa kale oo uu Dr. Aadan Beergeel xusay in shuruudaha dawooyinkan qiimaha jaban loogu soo siiyay ay ka mid tahay in dadka danyarta ee bukaanka ah lacag la’aan lagu siiyo.
Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo Saxaafadda ee shirkadda Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) oo isaguna munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil mar walba u taagan tahay inay ka qaybqaadato waxtarka bulshada reer Somaliland iyo weliba dhiirigelinta muwaadiniinta dadkooda iyo dalkooda wax u qabanaya sida Dr. Aadan Beergeel, waxaannu sheegay in shirkadda Dahabshiil sababta ay kharashka uga bixisay dawooyinka iyo Dr. Aadan Beergeel safarkiisaba ay tahay sidii ay dadka bukaanka ahi u heli lahaayeen dawooyin tayo leh oo lacag la’aan ah.
Prof. Xasan Xiis waxa uu xusay in mar walba ay shirkadda Dahabshiil gacan siinayso, isla markaana dhiirigelinayso muwaadin kasta oo la yimaada waxqabad uu dadkiisa iyo dalkiisa wax ugu tarayo.
Guddoomiyaha Guddida Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa Axmed Muxumed Madar, oo isna halkaas ka hadlay ayaa uga mahadnaqay Dr. Aadan Beergeel iyo Shirkadda Dahabshiil-ba deeqdan dawooyinka ah, waxaannu ballanqaaday in dawooyinkan dadka u baahani ku heli doonaan lacag la’aan. Waxaannu ku booriyey Digtoorka iyo Shirkadda-ba inay wax weyn oo dadkooda wax u taraya iska kaashadeen oo ay soo gaadhsiiyeen.
Ugu dambayntii Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Qawdhan, ayaa mahadnaq weyn u jeedisay Dr. Aadan Beergeel iyo Shirkadda Dahabshiil deeqdaas dawooyinka qaaliga ah ee ay iska kaashadeen, iyadoo sheegtay in dawooyinkani wax ka tari doonaan baahida dawo ee haysata dadka dan yarta ah ee bukaanka ah.
Marwo Nimco waxay sheegtay inaanay hilmaami doonin dadaalka Dr. Aadan Beergeel oo isagu sannad kasta dawooyin noocan oo kale ah Cusbitaalada soo gaadhsiiya, wallow ay sannadkan ka badan tahay kuwii hore taasna ay u suurtogelisay gacanta uu ka helay shirkadda Dahabshiil.
Deeqdan dawooyinka ah oo ka koobnay 23 kartoon ayaa labaatan ka mid ah waxa ku jiray dawooyin tayo leh oo isugu jira kuwa carruurta, dumarka iyo dadka waaweynba ah, halka saddex kartoon ka mid ahna ay ku jiraan dawooyinka xannuunada dhimirka ee ku dhaca maskaxda oo uu ku takhasusay Dr. Aadan Beergeel oo muddada uu dalka joogo adeegyada daaweynta ka fulin doona cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.










