Dayuus-Barro Magaca Xamar Caan ka Noqday. W/Q Avv Xuseen D Afrax
DAYUUS-BARO MAGACA XAMAR CAANKA KA NOQDAY MAXAA XIGI DOONO?
Avv.Xussein Diiriye Afrax
Xussein1939@hotmail.com
Luulyo 09 2012
Waxa xaqiiqda ay tilmaameysaa in uu dhamaad u muuqdo dagaalkii ay dowladda soomaaliya mudada dheer kula jirtay Alshabaab iyo kooxooyinka madaxa adag oo xukun doon ah. Umadda soomaaliya wey ka daaleen dirir iyo isdil joogta ah, waxay soo mareen 22 sano aad u xanuun badan oo nasasho iyo nololba loo diiday.
Markii dagaal laga gudbo waxaa isla muddo yar dhexdooda ka dillaacayay mid cusub iyo isdil hor leh oo dadka ku kallifo qax,kala roor iyo dhibaato aad u fool xun,dagaal waxaa ugu horeyay kii lagu qaaday kacaankii militeriga,waxaa xigay kii 1992 oo qabyaaladda ku lug lahaa, waxaa ka dambeeyay kii loogu magic daray restore hope oo ay mareykanka horsed ka ahayeen,waxaa ku xigay kii maxkamadaha iyo qolooyin la magac baxay shahaado la dirirka,kii xabashida iyo midka haatan taagan oo dad badan salaf saday,mudada sidaas u dheer oo ay socdeen dagaaladaa faraha looga gubtay waxaa waddanka ku noolaa dad dulqaad badan muujiyay oo dhibaatada u adkeystay diidayna in masiirka soomaaliya ay la wareegan cadaw dibadda ka yimid ama xukunka dalka uu gacanta u galo dad ehel u ahayn.
Dadkii mudada 22 sano kor u dhaafta dalka ku sugnaa waxa ay taqasuus ku qaataan sidii looga hor tagi lahaa qolooyin u muuqda in ay yihiin qowleysato u soo tafa xeedatay sidii ay ula wareegi lahaayeen xukunka dalka ayagoo tix gelin siinin dadkii mudada dheer jilbaha u aastay badbaadinta jiritaanka magaca soomaaliya,dadkaas ilaalinta waddanka isu xil saaray waxay dareemeen in sida biyo daadaayo oo kale rag dibadda uga soo burqadeen waxay na guddoonsadeen in hab naraxiis la’aan ah uga hor tagaan kuwa isku magacaabo (DIASPRO )balse ayaga ula bexeen magaca waddanka ku cusub oo ah( DAYUUS-BARO ) sababta magacaas ku baxay waxa uu salka ku hayaa in dadka noocaas ah ay cabsi daraadeed dibadda uga guureen waddanka na beyla ka dhigeen kana carareen waqti aad loogu baahnaa in ay gacan ka geystaan difaaca dadka,dalka iyo calanka.
Labada kooxood oo maqaalka lagu tilmaamay waa dad kala fikir iyo kale ujeedo ah,mana muuqato ifa faallo lagu dhex dhexaadin karo,reer diaspro waxay isu haystaan in ay yihiin dad cilmi,maal iyo waayo aragtinimo dibadda kala yimid xaq na ay u leeyihiin hoggaan madax tinimo ee dalka,balse xagga kale waxaa taagan dad rag iyo dumar leh oo dadaal iyo adkeysi muujiyay una dulqaatay dhibaatada raalli na ku noqday muddo dheer difaaca dhulka hooyo.
Baaris dheer keddib waxaa la ogaaday in qolooyinka dib u soo guuray iyo kuwii waddanka hore u degenaa uu soo kala dhex galay shaki ugu dambeyntii dhalin karo dagaal mar kale faraha looga gubto,dadkii difaaca dalka ay geerida iyo dhaawac ka soo gaaray ayan marna raalli ka noqon doonin in wixii ay dhibaatada u soo mareen nacfigii ka dhashay ay la wareegaan dad markii loo baahnaa dibadda u cararay oo haatan markii uu xoogaa soo ifbaxay iftiin yar iyo ididiillo nabadeed ay waddanka dib ugu soo noqdeen,rajada ay qabaan na ay tahay sidii ula wareegi lahayeen xunka iyo masiirka umadda oo mar hore meel cidla ah uga tageen.
Sida kor lagu soo sheegay soomaaliya waxay soo martay marxalado dagaal oo kala duwan,balse haatan inta goori goor tahay ha la isku dayo sidii looga hor tagi lahaa in dagaal ka dhex dillaco dayuus baro iyo qolooyinka kale.
Avv.Xussein Diiriye Afrax
Edmonton London
====================================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] More: Dayuus-Barro Magaca Xamar Caan ka Noqday. W/Q Avv Xuseen D Afrax [...]
Ninka dibada ka imaanaya waxa kaliye oo lagu aamini karaa waa in caruurtooda iyo xaasaskoodaba ay wadanka keenaan, si dhibka ay ula qeebsadaan umada Soomaaliyeed. Waxaa hadeer madaxweyne isku soo sharaxay rag badan oo badankoodu ka imanaya dibada, reerkiisana uu kaga soo tagay Yurub am North Amerika.
Badankooda labaataneeyo sanno in kabadan ayaa wadanka ugu danbeesay waxaa loo imanayaa wadanka in madaxweyne ama wasiir laga noqdo, hadii uu waayana waxa uu ku noqonayaa meeshii uu ka yimi. Marka,Iska diida oo hadooranina nin soo shaqa tagay ee aan ujeedadiisa aheen in shacab uu badbaadiyo iyo qaran toona.
NINKA WADANKA MADAX KA NOQONAAYO WAA IN UU YAHAY NIN ISAGA IYO CARUURTIISA WADANKA KEENAA BAASABOORKA AJNABI UU WATANA UU U CELIYAA CIDII SOO SIISAY SI UUSAN MARKII DHIB YIMAADO UUSAN U CARARAIN FULAYGA XAARKA WEYNLE,
WUXUU RABAA IN CARUURTIISA YURUB IYO MAREYKAN CEYR U CUNAAN ISAGANA SOOMAALIYA INTA YAR EE CANSHUURTA AH EE WADANKA QASNADISA KU SOO DHACDO AFKA MASADO, DADKA WADANKA JOOGOOW HA KA YEELINA TUUGADA ISA SOO URUURSATAY ILAA WADANKA UU SI RASMI AH U SOO DEGO..
Anigu waxaan dhihi jiray raggeena dibadda ku maqan baa dalka illaahay ku badbaadin doonaa laakiin muddo hore waxaan ogaaday in kuwa dibaddaha kayimaada ay ka dhibbaato badan yihiin kuwa wadanka horey u joogay. Shahaado kasta ha wato amaba aqoon kasta hala haadee ragga dibbada ka tagay meel baa go’an waana nasiib daro in uu dhaho waxna waan soo bartay diintayda, dalkayga, iyo dadkayga baana hagardaaminiyaa. Allow Alle.
Soomaalidii hore waxay ku maahmaahi jirtay xoog waxaa kugu daran midkii xariga kaa gooya.
Marka hadalka reer soomaaliya ama reer muqdisho waxbaa kajira………….ee ha layska ilaaliyo REER DAYUUS BARO!
PS: Fiiro gaar ah tan macnaheedu ma ahan in aan la dhac sanahay wax qabadka kuwii dalka horey u joogay……ee maahmaahdu waa kud ka guur oo qanje u guur amaba isma daanto iyo dhasheed dheh.
Ee adiguna dibad joog ayaad tahay aqoona waa kuu qoran tahay,e ma is moodaa walaal inaad is cayday oo kuwaas ka mid tahay mise haddii xil laguu dhiibana maqaal kale oo aad isku amaaneyso ayaad noo soo qori laheyd, ileyn kuwii shalay aayado Qur,aan Illaahay ah Subxaanahu Watacaallaaah ah isku radinayey iyo axaadhiithta nabiga cws oo umadda hor boodayaaba waa jiraan,e
Dayus Baroo ..kkkk
Allahayow arligeena abuurkiisa iniin qaadha ka ilaali
Allahayow arligeena amarkiisa nimuu eedo ka ilaali.
taa mid kaduwan baan anigu qabaa oo ah in ladoorto loona dhiibo xilalka ugu muhiimsan nin kasta oo kabixi kara kartideed iyo hawlkarnimadeedna leh raga maanta somalia kasaarey dhibkii in muddo ahba ku habsanaa waa rag aqoon iyo kartba isku darsadey badankoodna dibada wax kusoo bartey.dadkii aqoonta sare lahaa wadanka wey ka tageen ama wax yarbaa kaga harey marka hala soo dhaweeyo ragaa iyo dumarka aqoon iyo karti ay wax ku hogaamiyaanba leh ee qurbaha lafadhiya .kuwa wadanka ku harey ee aad leedahay dhib kastey usoo dulqaateen kamay ahayn wadanka iney dadka kale kajeclaayeene daruuf baa meesha dhigtey ee somali cid aan gaalo usoo geeddi ahayni lagama heli karo. kan ugu neceb ayaa rabi lahaa inta yimaado inuu baasboorka kaqaato inta ayaan joogo aaloow run uhiillli.