DEG DEG: Agaasime Ku Xigeenkii Wasaaradda Maaliyada DKMG oo Goordhow Lagu Toogtay Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Allah ha u naxariistee waxaa goordhow dabley aan la garan ay toogasho ku dileen agaasime ku xigeenkii guud ee wasaaradda maaliyadda DKMG Soomaaliya Maxamed Cali Xuseen horeyna xisaabiyaha guud ee dawlada Soomaaliya.

Dilka Maxamed Cali Xuseen ayaa ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa halkaasoo sida la sheegay uu guri ku lahaa.

Goob joogayaal la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in rag ku hubeysnaa bastoolado ay weerareen marxuum Maxamed Cali Xuuseen oogalabta xilli uu ka soo baxayey masjid ku yaalla agagaarka bosteejada Suuqa weyn ee xaafada Suuqa Xoolaha halkaasina ay ku toogteen.

Xildhibaano iyo saraakiil ciidamada dawlada ka tirsan oo goobta gaaray ayaa soo qaaday meydka waxaana la sheegay in maalinta berito ah la aasi doono.

Waa kuma Maxamed Cali Xuseen?

Allah ha u naxariistee Maxamed Cali Xuseen wuxuu hadda ahaa  ku xigeenka agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda ee DKMG Soomaaliya.

Sanadihii u dhexeeyay 2006 illaa 2009 wuxuu Maxamed Cali Xuseen ahaa xisaabiyaha guud ee dawlada, isagoo sidoo kale mar noqday saraakiisha bangiga dhexe oo uu ka shaqeeyay.

Sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka mid ah eheladiisa oo aan rabin in magacooda la adeegsado, waxaa soo baxaya shaki ku saabsan in marxuum Maxamed Cali Xuseen uu ka mid ahaa dadkii ay wareysida la yeesheen kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea oo toddobaadkan shaaca ka qaaday warbixin ka hadleysa  musuqmaasuqii ka dhacay xafiisyada ugu sareeya DKMG Soomaaliya.

Warbixinta eedeynta oo maanta [Khamiis] loo gudbinayo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo xiganeysay xubmo dawlada gudaheeda ku jira oo bixiyey xog sir ah oo ka hadleysa sidii loo isticmaalay lacago malaayiinm doolar oo qaarkood aan la marsiin bangiga dhexe ayna qaateen masuuliyiin ka tirsan dawlada.

Dilkan ayaa ku soo aaday maalmo kadib markii warbixinta kooxda Monitoring Group oo eedeyn lunsi hanti qaran ah loogu soo jeediyey madaxda ugu sareysa dawlada ay soo baxday isla markaana masuuliyiinta qaarkood ay si kulul uga jawabeen.

Inkastoo dilka goordhow uu ka dhacay Muqdisho haddana weli ma jirto cid ka tiran dawlada oo ka hadashay.

 

RBC Radio

Share

Tags:

17 Responses for “DEG DEG: Agaasime Ku Xigeenkii Wasaaradda Maaliyada DKMG oo Goordhow Lagu Toogtay Muqdisho”

  1. qudhac says:

    Dawladii madaxweynaha ka ahaa siyaad bare dowlad ka adkeyd masoo maridoonto somalia, iyaduna wey utaagweydey musuqmaasuqa iyo ganacsiga suuqamadow ee Muqdisho ka dhici jirey, hada oon kantorool jirina maxaad u maleyneysaa, madaxda dowlada ee ugu sareysaana waa wada maafiyo cidii ka hortimaadana shirqool baa loo dhigayaa waana la qaarajinayaa

  2. hershi says:

    afkii ba juuqda gabay dawladdu waxay ku mashquulsantahay ka bixida ku meelgaarnimada qofkii la reebo shaqadooda ma aha. Tarsan indha cadde aaway boodboodkiisii ma xilkuu ku bislaysanaayaay waa la ogyahay inuusn laab la kac maahee uusan aqoon u lahayn dawladnimo. Ma hayaa tirakoob inta bistoolada lagu dilo maalin walba. Xilkuu la wareersanyahay

  3. [...] ay toogasho ku dileen agaasime ku xigeenkii guud ee wasaaradda maaliyadda DKMG Soomaaliya Maxamed CaliXuseen horeyna xisaabiyaha guud ee dawlada [...]

  4. cabla says:

    wa la amusiyey san ma loga harya tugta

  5. khadija says:

    markaan arkey agaasime kxigeenkii maaliyada baa ladiley wallahi anoon akhrin maqaalka intiisa kale ayaan waxaan markiiba is tusey in la khaarajiyey, waayo waa meesha xogta dhabta ah laga helay allaha u naxariisto balse Illahay baan idinku dhaaariyaye dadkaas ma noqon karaan dad mar kale la soo doorto jawaabtu waa maya waayo kursiga ayaa ka weyn naf la gooyo waa maafiyo alla idinma sahalo. waa in la dacweeyaa dadkaas awalba tuuganimada lagu soo eedeeyey iney yihii dilayaal.

  6. qadar says:

    marxuumkan waxaa dilay dowlada oo u dishay inaan la waydiin lacagihii la dhacay madama uu cadayn karo in lacagahaas dowlada dhunsatay.

  7. Aw Malaaq says:

    Marxuumka Allaah ha u naxriisto, dembigiisa oo idil dadkii diley baa dusha u ritey, isagu wuu shahiidey, waa xalay dhalay.

    Huuhaada iyo buunbuuninta wararka been abuurka ha la iska daayo Cidda ugaarsata saraakiisha dawladda , cadawga ummaddan waa la wada yaqaan.

    Boqollaalkii la qarxiyey ama la toogtey hadda ka hor yaa aamusiyey.
    Madaxda TFG da ee saddexda ah gacanku dhiigleyaal ma aha, waa rag Allah ka cabsi leh, wararka wasakhnimada ah ha soo qorina.

    Doqoni hadal ma deysee, waanao abuuris baa ka horreysey, weligiin dawlad ma noqonaysaan.
    Xukun Milleteri iyo gumeysi uun baa wax fahamsiin kara Soomaalida.

    Ereyga san iyo hadalka macruufka a maxaa idiin diidey.

  8. muuse says:

    Ha hadlin aan cunee iyo nalka dami aan kudileee.

  9. Iyagaa masuul ka ah says:

    Iyagaa masuul ka ah .Arinku waxuu si fiican u biyo dhigay masuuliyiinta Maaafiyada ah …
    Kama maarmayso arinta musuqmaasuqa Soomaaliya in loo saaro gudi caalami ah oo daba gala waayo waxaa isku xiran dhibta shabaabka ,burcadbdeeda ,iyo lacagta uu dhcayo maamulku.
    sidaan qabo waa chains leh wada shaqayn ..sidee looga adkaankaraa dhibwadayaasha Soomaliya haddii ay yihiin actaro jilaya xukuumad iyo shabaab oo ay wadashaqayn toosi ka dhaxayso.
    Wadankan gacanta kuma jirayo waa in maxakamd lasoo tagaa mujrimiinta oo dhan.

  10. Rigeeye says:

    Inaa lilaahi wa inaan ilaahay raajuun.anagoo ah reer Xaaji Duqow, ee ku wada nool Gudaha iyo Dibada Waxaan Tacsi tiiraayo leh u diraynaa Qaraabadii iyo ehelkii uu ka geeriyooday. Maxamed Cali Xuseen . oo ay maanta gacan ka xaqdaran u dishay asigoo ka soo baxay masaajid ku yaalo Suuqa Xoolaha. Waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu janadiisa Fardooso ugu Bishaareeyo intii uu ka tegayna Samir iyo iimaan ka siiyo , inaalilaahi wa inaailaahay Raajicuun.

  11. [...] new reports indicate that Mr. Hussein may have been interviewed by the United Nations Somalia-Eritrea Monitoring Group (UN SEMG), whose leaked report revealed widespread corruption [...]

  12. ali dhuux says:

    ILAAHAYOOW DHIIGA MUSLIMIINTAN SOMALIYED EE MAALIN KASTA IYO HABEENWALBA LA DAADINAAYO EE LAGU DAADINAAYO XAQ DARO IYO DULMI ILAAHOOW ADIGAA OG OO ARKAAYA KU XALAALAYSTAY DHIIGA ADOONTAADA EE ILAAHOOW NAGA SOOQABO WAXAY BANAYSTEEN WAXAAD KA XARIMTAY EE ILAAHOOW MUSLIMIINTAN DHIMASHADA IYO DHAAWACA XANUUNKA BADAN EE XAARAANTA AH ADAA ABUURTAY MASAAKIINTA LA AGOOMEEYEY IYO HOOYOOYINKA LAGOBLAMIYEY EE ILAAHOW NAGA SOO QABQABO OO DAWLAD XALAALA IYO XUKUN XAQA OO DEGDEGA BAAN ILAAHOOW KAATUUGNAY OO KAARAJEYNAY ILAAHOOW FADLIGA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN WAA BIL DU AA WAA BIL AQBALAAD EE AQBAL OO NAGA AJIIB BARYADA YADA AAMIIN AAMIIN AAMIIN

  13. ali dhuux says:

    xamareey xaalkaagu maxuunoqday QABO ooqal maxaa maanta kusoobeegay AGAASIMAHA dilkiisa ma waxaas baa wax laqaadan kara ah soomaaliya waxaa kasocda warjeef iyo mooro duug ilaahay iyo intuu usaqiro uun baana maanta wax kaqaban kara waxaan ugahay in uusan maanta baxsadeen nin caser dheer ama maqrib intuu laayo marxuuno uusan tartiib ugu laaban meeshuu kasoo abaabulay dhagarta marxuumiinta WAXAA IILA YAAB IYO AMA KAAK BADAN IN DAWLAD KUSHEEGU UUSAN LAHAYN ISKU HALAYN OO XAAFAD KASTA AY WELI JOOGAAN ALMURTADIIN IYO MUJRIMIIN IYO DAD QALOOYIN AAN ILAAHAY IYO DIINTIISA MIDNA RABIN OO KUFARAXA DHIIGA IYO DHAGARTA UMADA MULIMIINTA EE SOOMAALIYEED EE WAA IN DAWLADU MEEL SAARTAA OO CADAYSAA GEERIDA MARXUUNKA WIXII KADANBEEYEYNA DHAQSO LOO KEENAA UMADA HORTEEDA HADIIKALE MEESHA WAA IN NIN WALBA MADIXIISA UUMAYRAX KU XIRTAA OO NIN WALBA LOO FASAXAA INUU ISDIFAACO ILAAHAY MARAGII WAXAA MUQDISHO UBAAHANTAHAY XUKUN ADAG OO DAACADA SAMIRNA BADAN

  14. ali dhuux says:

    SHABAAB SHAYDAAN WAXAY KEENEEN WADANKA CALAAMATU SHAYDAAN MUJRINMO IYO DHUUMASHO DHIBAATO HUWAN WAX KUDILAY WALAALKAA WAX KU QARXIYEY QARAABADAA OO HADANA AF IYO ADINBA SOODUUBAY WAXAA KUMILMAY OO QAATA NAQSHADII SHAYDAANKA SHABAAB MUJRIMIIN ILAAHAY FASHILAY OO LAAYA DADKA SOMALIYEED EE AAN WAXBA GALABSAN WIILKA INA GODANE WAXAA ILAAHAY BARAY INUU KUSHIISH BARTO MASAAKIIN IYO DAD SABOOLA OO GAAJO IYO CADOW AAN UNAXAYN HAREEREEYEY ILAAHAY KASOOQABAY SANAAWI WAXAA KADARAN INTA UU UGU HOREEYO IIMAANKA ALE HAKAQAADEE KAN MAALINKASTA QARAXA IYO MOORE DUUGA KUWADA MULIMIINTAN ISDULMIYEY

  15. A.karim says:

    Inaa lilaahi wa ilahi rajicuun waxan dhacnay ha sheegin ba lagu dilay 2 Sharif iyo gaas waa in nalaga qabta

  16. yuu says:

    aniga waxaa waxaas iiga daran shacbiga soomaalida oo burburkii ku dhacay uu gaarsiiyay heer ay xataa wax kala sooci karin , nimankan 80% waxii dalka soo galay afka u dhigtay oo warbaahinta aduunkoo dhan soo bandhigtay oo berito oo khamiis ah UNka looga hadlayo arintooda (fadeexad weynaa) yaa horta waxaan la yabaay shacabkii masaakiinta ahaa oon wax ka dhihin dhacan loo gaystay xataa wax garadka soomalida qof wax ka dhahay ma jirto tolow ayagu haday tuugo noqdeen anagana ( shacabka) maxay tahay sababta aan weli ugu sacabo tumaynaa ma qalad iyo sax baanu kala garan karin , ma masiibada burburkii noo gaystay baa keentay inaan sidaan ku danbayno .
    waxaase iiga sii daran heerka ay damiinimo iyo isla wayni jaahilnimo ku dheehantay ay gaarsiisantahay madaxda lagu soo eedeeyay musuqmaasuga ilayn cidii la xisaabtami lahayd ama waydiin lahayd waa anagan noqonay ( sumun bukmum) jawaabaha ay bixiyeen waxay noqdeen oo isku difaaceen
    mid yiraahda UN monitoring cadow soomaaliyed weeye …. lacagba nama soo gelin maxaan wax dhacnaa
    weligay itoobiya ma tegin iyo kuwait (gaafow) xataa jawaabtooda waxay noqotay noocaas oon aan xataa ilmo lagu qancin …. waayo cidii ku kici lahayd oo oran lahayd oo su,aalo waydiin lahayd waa anaga , masiibo anaguna waanagayn isha mirigta ka siinaya ,,,,,( totaly devestating social structure )

  17. Puntland boy says:

    Ilaahey ha unaxariisto marxuumka Samir & Imaana alaha kasiiyo Dadkii uu kageeriyooday, Marxuumkaan waxaa dilay Rag sheeganaya ineey Doowlad yihiin,Mana u maleeyn doono inuu marxuumkaas u danbeeyn doono way ? Meeshu waa xamar , Anagaa markasta iska dhaadhicineeyna Qiyaali meeqa qof oo Somali ah ayaa ku maqan xamar 20 kii sano ee lasoo dhaafay ? Hada waxaa laga saaray Xamar Afduubkii iyagaa dadka leeyn jiray hadana waxaa biloowday Dilkii siyaasada yaa is gaaray,

Leave a Reply