DEG DEG AH: Ergada Ansixineysa Dastuurka Soomaaliya Oo Ku Qul-Qulaya Halka Uu Ka Dhacayo Shirka
Muqdisho (RBC Radio) Sida ay soo sheegayaan wariyaasha Shabakadda Raxanreeb u jooga halka uu ka dhacayo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxa ku soo qulqulaya hoolka uu ka dhacyo shirka, ergada ansixineysa dastuurka
Sidoo kale waxa la xiray wadada soo gasha halka uu shirka ka dhacayo ee dugsiga tobbobarka Gen-Kaahiye ee ku yaala degmada Xamar-Jabjab ee Magaalada Muqdisho, waxa hadda goobta soo gaaray ciidamo badan
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobta shirka waxa ay sheegayaan in shirka wali uusan furmin, laakin ergada loo qeybiyay dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Shirka waxa ilaa hadda fadhisa ilaa 700 oo ergo, waxa xubnaha ka maqan ku jira kuwii Puntland ka immaan lahaa, oo la sugayo in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.
Wariyaasheena waxa ay soo sheegayaan in shirka ay ku sugan yihiin wasiiro horey uga tirsanaa dowladdihii Soomaaliya soo maray ee kumeel gaarka, sidoo kale waxa goobta shirka ku sugan wariyaal ka socda dibedda iyo gudaha oo tabinaya shirka lagu ansixinayo dastuurka.
Shirka waxa lagu waday in uu furmo saaka 9:00 am ee xiliga bariga africa sida saxaafadda u sheegay wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/rixmaan Xoosh Jabriil, laakin wali ma furmin.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saaka aad loo adkeeyay, waxana lagu arkayaa isgoos kasta ciidamo badan, kuwaas oo baaraya dadka iyo gaadidka.
Shirkan dhowr jeer ayuu horey u baaqaday, dowladda waxa ay ku sheegtay in sababoo farsamo ay jirtay,laakin maanta uu si rasmi u furmay.
Maxamed Xasan Xaad waxa uu hoggaamiyaa odayaasha Hawiye ee Muqdisho, waxa dhowr cisho ka hor isaga baxay shirkii odayaasha ee ka socday Muqdisho, isagoona sheegay in dastuurka hadda la rabo in loo sameeyo Soomaaliya ay dowladda damacsan tahay uun lagu agsawiro odayaasha ee aan waxba laag badali karin.
Waxa aan idiin ballan qaadaynaa in wararka shirka ay shabakadda RBC Radio ay akhristayaasheeda kula socod siindoonto taako, waxana shirka noo joogo wariyaal badan oo ka soo warami doona sagaalka maalin ee uu shirkan ka socdo Muqdisho.
Sidoo kale waxa naga xasuus ah in wareysiyo, codad, sawirro iyo muuqaal ba aad kala socon kartaa RBC Rado gaar ahaan barteena Raxanreeb.com
RBC Radio
==================
Xafiiska Wararka Muqdisho











maashaa allaah ilaahayow raxanreeb.com noo barakee aamiin walaalayaal waa news ama dhacdada ugu weyn ka jirta dalkeena aanu jecelnahay waxaan rajaynayaa inaad naga haqab tirtaan ama sidaad balan qaadeen taako taako noola socodsiisaan thanks
Asc sln ka dib dhaman umada somaliyed meel walbo aad jogtan hadan ka hadlo fikrateyda waan soo dhaweynaya shirkan umada somalida na waxan ugu baaqaa in ey tageran dowladnimo wax ka yar nama deeqaan. Mid na ogaada maanta ayan fursad taariikhi ah heysana oo ah in aan dastuur nagala hago aan sameysano. Alle na hana wafajiyo towfiiqda qaxootinimo waan aragnay somaliyed qabyaalad jaceylka iska daaya wadamada aad jogtan dacad ayad u tihine ee dalkina iyo dowladina daacad u naqda mahadsanidiin
masha allaah reer RBC RADIO AND RAHANREEB.COM aadaan idinku mahad celinayaah dad daalka saxaafaded ee idinka muuqda iyo waliba hufnanta wariye yaashiina
waxaan aad ugu faraxsanahay inuu furmi doono amaba furmay shikii ansixinta dastuurka iyo saxida dastuurka runtii lama soo koobikaro dareenkayga wayo wax kasta oo laisku dayaa waxay mudan yihiin amaan mahadsanidin dhaman
Waad mahadsantihiin halkaa ka sii wada wararkiina xaqiiqda ah ee aad bulshalada u haysaan waxaa tihiin warbaahin xor ah
Dastuur waa kii alle waa gaalnimo ladajinayo xagee kaga qoran tahay kitabka qofku wuxuu ku qangaaraa 18sano ninku mara guursan karo ka badan hal dumar ah iyo kuwo kale oo badan allow gaalnomada naloo da jinayo naga qabo adaa awood leh ad nooga qabato
Walaahi baana ku farxay dastuurku sheeg aan diinta waa faqsanayn dadkana sanka laga galinayo oo mahiga iyo seddexdiisa yes man ay wataan. maxaan ku farxaa diintii, dalkii iyo dadkiiba burburiye.
825 qowlaysato midkoodna waxba yac madhihi karo 50% + 1 baana lagu gudubsan doonaa dastuurku sheegaan…………..soomaaliyeey waxaad ka heshaan waxba hayga siinina. Mida kale raga odayaasha wax ka sheegayey waxaan dhihi lahaa in odayaasha loo darsaddaa.
Allow na caymi yaa rabi.