DEG DEG AH : Ku Dhawaad 30-Soomaali Ah Oo Laga Qabqabtay Nairobi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa raaf ay ka sameeyeen xaafada Islii ee magaalada Nairobi, waxa ay ku qabqabteen ku dhawaad 30 qof oo Soomaali ah.

Sida ay sheegayaan dadka la kulmay raafka oo ka badbaaday, waxa howgalada ay ka dhaceyn Hotelada iyo xaafadaha ku yaala Islii,oo ah halka ugu badan ee Soomaalida dalka Kenya ku nooshahay.

Ilaa hadda laamaha ammaanka iyo Pooliska kama hadlin raafka ka dhacay Islii, sidoo kale waxa aan ka hadlin safaaradda Soomaalida ee Nairobi.

Ma cadda waxa uu ku saleesan yahay howlgalka qabqabashada ka dhacday Islii, laakin waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan weeraro lagu qaaday kaniisado ku yaala magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteyn dad ku dhow 20 halka 40-kalena ay ku dhaawacmeyn.

Kenya waayahan waxa ka dhacayay weeraro iyo afduubyo joogta ah, kuwaas oo ay geesanaayeen dableey hubeysan oo ka soo tallaabtay soohdinta Soomaaliya, waxana ay arrintaas bilaabatay markii ciidanka Kenya ay soo galeen Soomaaliya sannadkii hore

RBC Radio

——————–

Xafiiska Wararka Naiorbi

Share

Tags:

3 Responses for “DEG DEG AH : Ku Dhawaad 30-Soomaali Ah Oo Laga Qabqabtay Nairobi”

  1. [...] See the article here: DEG DEG AH : Ku Dhawaad 30-Soomaali Ah Oo Laga Qabqabtay Nairobi [...]

  2. qorshe ay wadaan Kenyatiga oo ah in lagu fasaxo dadka reer kenya iney booban,dhacaan,dilaan,shacbka soojeeda somaliya oo naceyb badan loo qaadey qorshahaan oo ay waddo dowlada ayaa somalida looga saarayaa sida South/Africa somalida loogu dilo hantidooda la boobo qorshahaan oo hadda dhaqan galey ninkii somali ah hala baarto hala dhaco,somali badan ayaa hanti ay soo dhaceen gashtey Kenya iyo Burcad Badeed badan ayaa lacag badan galiyey lacagtaas oo ah mid xaaran ah hadey gubato waxba ogama ba’ayaan somalida ka xoogsata ayey taabaneysaa qorshahaan somalida ayaa hadda waxaa soo baxey iney ka qaxyaan Kenya oo ay hantidooda kala baxyaan,hantida taal waa midii laga soo dhacey dowladii dhaxe somaliya oo koox mooryaan ah ay isku habeyeen Kenya oo hadda looga dabo tagey ileen xaaran soconmeyso somalida ayaa hadda waxaa qiil laga dhigtey waxaa tahey al-shabaab si loo baarto,ragga dukaamadaleh ayaa baad laga qaataa oo dowlada kenya ay badaa Islii oo hadda laga bilaabi doono raaf soncon doona ilaa 6 bil laguna soo qabqabanyo dadka hantida leh si xoolaha looga dhaco

  3. Rer mudug says:

    Kkkkkk kenya hanaga rafto wadankeda wadankenan dhisanan waxn kaqabanan south africa ugandha iyo kenya xaarkeda ilahay somaliya nabad wakadhigi kara african xun ootaqan wan arki dona hanan beraha ku falan waxay kajaren somalida wanka jaridona

Leave a Reply