DEG DEG: Cabdi Malaaq Marshaale oo Goordhow Lagu Toogtay Muqdisho
Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho lagu toogtay majaajileystaha caanka ee Soomaaliyeed Cabdi Malaaq Jeylaani oo ku magacdheer “Marshaale” oo si weyn dadka reer Muqdisho ay u yaqaanaan.
Rag hubeysan oo sida la sheegay watay bastoolado ayaa abaare 6:00 maqribinimo xilligii afurka ku weeraray Majaajileystaha Marshaale xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi, waxayna saddex xabadood kala heleen madaxa sida uu goobjooge u xaqiijiyey Shabakada Raxanreeb.
Kooxdii weerarkan fulisay oo aan la garan ayaa goobta ka baxsaday markii ay falkan fuliyeen kadib.
Wararka ayaa sheegaya in majaajileystaha markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka Madiina hase yeeshee uu geeriyooday.
Allah ha u naxariistee Marshaale wuxuu caan ku ahaa majaajilooyinka qosolka leh oo qaarkood uu mararka qaar arimaha siyaasadda ku tilmaami jiray halka ay marayaan. Wuxuu si aan toos ahayn ula shaqeyn jiray dhowr warbaahin oo isugu jira idaacado iyo telefishano ka hawlgala Muqdisho.
Marxuumka wuxuu ka tagay hal xaas iyo carruur dhowr ah oo u deganaa magaalada Muqdisho.
Ma cadda sababta dilkiisa ka dambeysa, Hase yeeshee dilalka loo geysto dadka ka shaqeeya warbaahinta ayaa sare u sii kacay gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo kaliya waxaa sanadkan lagu dilay illaa toddoba wariye oo ka hawlgalayey idaacado iyo telefishano maxalli ah.
RBC Radio
RBC Radio













Inaa lilaahi wa inaa ilaahey raajucuun marxuunka allaha u naxariisto .ilah wxn uga baryeynaa dhaman eheladiisa iyo khaqaabadisa in uu samir iyo iman ka siiyo .subxanalaa ilaah wxn uga baryeynaa dhamaan dadka baneystay dhiiga islamka in uu lixaadka tiro silicna ugu nooladaan aduunka akhirana ka abaal mariyo, dhaman wx garad waa socdeen dadka ma waxaa laga rabaa caamo kaliya allow na badbaadi?
asc ilaahay naxariistii jano hakawaraabiyo gacan kaxaqdaran ayaa dishaye meeshani waligeed qaboobimayso inta masaakiinta lagulaynayo ilaahow umada kaqbo dugaagan rabadaanka dhiiga daadinaya ramadaan kariim
daawo http://youtu.be/7FMI23pmLZY
Inaa Lilaahi wa inaa ilaahey raajacuun Allha Unaxariisto Marshaale oo ahaa nin Maskiin ah oo ahaa dadaka laga xoog badanyahey ee Mooryaanta Muqdishow ku bahalowdey oo dadka cunka noqotey bisha barkeysan ee soon qaad,warka waa cadyahey Muqdishow halaga badalo caasimada hadey mooryaanta marna tuute ku dilayan shacbka masakiinta dhaman shacbka somaliyeed ee qurbaha ku nool iska jira Muqdishow waa bahalo galeen oo dhiiga shacbka ayaa lagu daadiyaa waa meel aan nabad ka jirin waxa ay bafinayaan iska jira mooryaanta ku bahalowdey dhiiga shacbka masakiinta ah
Inaa Lilaahi waa Ileyhi Raajicuun, alle Ha unaxariisto, Kuwa MAARSHAALE Dilay cidna madaynayaane allow naga Qabo.
Inaa Lilaahi wa inaa raajucuun ma dhinte waa Ilaah alaaya raxma marshaale waxaa dishay gacan ka gar-daranwaxaan umada somaliyeed dhamaanteed ka codsanayaa iney u duceeyaan marshaale iyo muslimiinta kale ee gacan ka xaqdaran dishayba.Dhaliisha waxaaleh dowlada KMG oo iyadu sugi weyday amaanka Wariyayaasha iyo fanaaniinta oo runtii u istaagay garabna ku siiyey dowladu iney ka adkaato kooxda al-qaacida iyo wax ma garatada somalida ah ee la socoto.dowlada iyo maamulada somaliya ka jira hada waxaan ugu baaqayaa in dadka bulshada magaca ku leh la dejiyo degaano ka caagan in ey soo galaan dad aan iyaga aheen,oo la abuuro qadad cagaaran lana dejiyo dadka bulshada u indha ah.
Allaha u naxariisto Marshaale,Ehaladii iyo qarabadii uu kabaxey samar iyo Imaan allaha ka siiyo,waa bil soonqaad ah Mooryaanta ku bahaloobey iney Muqdishow aysan nabad noqon oo guryaha ay dhaceen loo dhaafo waa u caqli xumo waa lagu karbashaya mardhow oo waa dhamatey Mooryaanimo iyo dad cunis haddba shacbka dagan qurbaha waa iney dood ka bixiyaan malgu soomai karaa guryo xaran ah oo la dhacey oo lagu diley milkiilihii lahaa sida Marshaal oo ay ku dileen gurigiisa waabari mooryaan xoog ku heysta waa wax an laaqbali karin mooryanta dhiiga cabka
inaa lihah w l r oo kana maxey ka rabeen mooryaantii caasumad midhaa iima noqoto meeshaas
Maxaa majaajil u geeyay iyo arimaha xasaasiga ah. Horaa looyiri banaankis mare maridisa keed maqabsado.
ilaaah waxaan uga baryaay naxriis jano waa bil ramadan gacan ka xaq darn baa dishey
asc intee dhimatay alle haw naxariisto aamiin aamiin aamiin dadka qaarkiis waa bukaan sida ninka prof isku sheegayo oo markii tacsi laga hadlayo riyo ku jiro oonba ogeen waxa laga hadlayo ilaahow dadka muqadaradka kaqabo aamiin
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ilaahay ha u naxariisto umada soomaaliyeed alqaacida ha habaareen masaajidada halaga qunuudo ilaahay inuu naga qabto ilaahow waad ujeedaa dadkan diinta noo sheeganaya oo masaakiinta dhameyay ilaahow waxaa kaloo kaaga ashtakoonay kuwa qabyaalada badan oo umada qabyaalada iskugu soofaynaya ilaahow wixii hanuun uqoran yahay soo hanuuni wixii kalana na dhaafi
Xamar waa nabad ee soo booqda soomaaliyeey Duqa magaalada ayaa noo sheegay marka ma saan aa udambeesay in soomaalida loogu xasuuqo waa meel ay Qabiil ka taliyo iyo qori walaahi inaan meeshaas wanaag ka soo socon inta masaakiinta lagu dilaayo xamareey yaxaas ku laq idinka alle
INAA LILAAHI WAA INAA LILAAHI RAJUCUUN ,ILAAHOW KU NAXRIISOW.GACAN KA XAQ DARAN BA DISHAY,WAR MA NINKAAS KALAA LA DILAAA.ILAAHOW UMADA KA QABO KUWAAS WAXDILAAY.BAL MAXAY BASKIINKA KAA DILEEN.
subxaana laah, ilaahay haw naxaristo marxuumka ,dadkan dadka gamta u istaagayna alow naga qabo,,,, muqdisho eed malaha waa casimadii umada lkn dad tiradoodu yartahay oo wax magara taa ayaa joga ,maaha reer muqdishoo dhan . Lkn su aashu waxay tahay reer muqdisho mid aan qori haysan kuma jiree may qabtaan ama dilaan dadka wax laynaya indhohodoo shana ayaa ladilayaa cidi kadaba dhaqaqi mayso maxay tahay waxasi ! ?!?..reer xamarow sida isu dhaama oo iska qabta dadka indhaha idin tiraya caasimadana nabadeeya dawlada hasugininee mesha dawladi kama jirtee, wadanka intiisii kalana muqdishoo degta ayay sugasaaaaye , mesha kakaca oo duliga iska qabta….. W.w.w.. Viva Caasimada jamhuuriya Somalia Muqdisho Allo noo nabadee . Dadka soomaalidaa oo sawirka xun kahaysta muqdisio , reer xamarow waa assignment idiin yaala sidii aad image wanag san oo la aamini karo u tusi lahaydeen.
Innaa lillaahi Wa inna Ilayhi Raajicuun,
Ilaahay jannadiisa ha ugu bishaareeyo isaga iyo intii lagu dilay xaqdarada, Xamareey xabaalahaagii xaqdaro batee,Xamareey xaal qaado!!!!!!!!!!!.
[...] 31-deedii 2012: Waxaa degmada Waaberi lagu dilay Majaajiliiste Cabdi Jeylaani Malaaq “Marshaale” oo ka shaqeynayey idaacadda Kulmiye, SNTV iyo Universal TV. Dilkaasi wuxuu dhacay goor maqrib ah [...]