DEG DEG: Haweenkii Ku Jiray Shirka Ansixinta Dastuurka oo Goordhow Isaga Baxay
Muqdisho (RBC) Ergadii haweenka ahaa ee ka qeybgalay shirka ansixinta dastuurka ee ka socday hoolka shirarka ee xarunta Gen Kaahiye [Ex Iskool Boolisiya] ee magaalada Muqdisho ayaa goordhow isaga baxay shirka kadib markii sida ay sheegeen cabasho ay gudbiyeen laga dhageysan waayey.
Ergooyinka haweenka ayaa guud ahaantooda isku raacay hal go’aan oo ah inay shirka baneeyaan, iyagoo si dhab ah u fuliyey sida uu soo sheegayo wariye ka tirsan Raxanreeb oo madasha ku sugan.
Haweenka ayaa cabasho ka gudbiyey in tiradii 30% ee loo qoondeeyay aysan helin isla markaana dawlada KMG Soomaaliya ay ergooyinka soo qoratay markii ay cabasho ka sameeyeena laga hoos qaadi waayey.
Marawo Xaawo Yuusuf oo ka mid ah haweenka ergada ee shirka ka baxay ayaa Raxanreeb u sheegtay inay sidoo kale ka qeyliyeen qodobo xadgudub ah oo ku jira dastuurka oo ay si daacadnimo ah u soo jeediyeen in laga saaro dastuurka.
“Annaga meeshan uma iman inaan xoogaa shilimaad ah qaadano ee waxaan u nimid inaan masiirka ummadda Soomaaliyeed go’aan ka gaarno, mana qaadan karno wax dalkeena iyo dadkeena, iyo danaha haween weynaha Soomaaliyeed dhaawacaya” ayey tiri.
Qaar ka mid ah haweenka saaka ka gadooday shirka ayaa eedeymo u soo jeediyey wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud iyo wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh oo ay sheegeen in ergada ay ku amreen inaan laga hadlin qodobada khaldan ee ku jira dastuurka sidoodana lagu meelmariyo.
Warar ayaa sheegaya in bixitaanka haweenka ay gadaal ka riixayaan ururada bulshada rayidka gaar ahaan kuwa haweenka u ololeeya oo beryahanba ka cabanayey in kaalintii haweenka la qiyaameeyay.
Illaa hadda xukuumadda kama hadlin bixitaanka guud ahaan haweenkii shirka dastuurka joogay.
WIXII KU SOO KORDHA KALA SOCO RAXANREEB.COM











markii ay baxaan, albaabka ha laga xirto.. hawshana noo wada
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Odoyaashii faroole soo diray ayaa banaanka banaanka tagane yadhaha yeysan kuraasida inikaga fadhisan. Kkkkk
Khaatumo state@ KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK HAHAHAHAHA Naa yaan meesha la idinka fadhiisan yaa dhaha rag ayaa gaadayee
kkkkkkkkkk
dumarkina ma barteen isbaaro dhigashadii waa maxay dumarka shidada bilaabay. Alow ale , wale tani way is ramsatay, haday halkas manta tagantahay.
waa arin fiican ragii somaliyeed qabyaalad iyo qaran dumin ayeey isku dhaarsadeene adinkuna isku dhaarsada qaran dhisid iyo qabyaalad ladirir
gabdhaha somaliyeed waa dad fayaw qabyaalad ka fayaw nacamlaynta ka fayaw iyo tuugnimada hanti dadwayne oo la lunsado waxaa daliil u.ah shirkii ayagoo midaysan ayeey kabaxeen
waxaa ku xiga gabdhaha raga dhalinyarada ah ee soomaaliyeed dad badan oo fayaw ayeey leeyihiin
ayagana waxaa lamarayaa waqtigii ay midoobi lahaayeen
ilaahay ha inoo badbaadiyo dalkeena iyo qarankeena
kkkk khaatumo sxb dacad ayan u qoslay dumar yaan dhaha yaysan ku bananka tagan idinkaga fariisan kuraasta
umuda somalida waxay u baahanyihiin ugu horay wa inay bartaan diintooda iyo wax ay farayso anigu garanmaayo dadkaan meel loo wado muslina ka tage gaalona maa gaadhin markii hore ayayba ahayd khalad in dumar soo galaan meel rag fadhiyo naag waliba ninkeedii waxay uga timi gurigeedii iyadooo keliaya ayaa saqlaynaysa diintu arikaa aad ayay uga hadashay waxa uu dalku ka degi la’yahayna waa cadhada alle swc aynu mar kast u taaganahaya
utali tagtay hooyadaaye
Salaan dhamaan,
waxaan la yaabay badidiinu sida ay idiinka maqan tahay xaqsoorka dumarka! Dumarku sow kuwii idin dhalay maaha, idiin dhaxa maaha, kuwa waxaad baa’isaanba har iyo habeen u taagan inay toosiyaan!
maxaa tihiin raggiinu bal dib isu eega 22sanna saad dalkiiiy dadkii ka dhigteen ka dhigteen! Dabcan ragga ragwanaagsan waa jidhaan laakiin badi waa lusan yihiin! Walaal dumarka xaqqoda lama gudi kadho 30% baa tidhiye ka badan bay xaq uleeyihiin waayo waa COMMUNITY la hubo inay si daacadnimo ah wax ugu qabanayaan dalka iyo dadkaba! Diintaad markasta ku qaraabataan, xagee quraanka kaga taalaa inaysan talada qeyb ka noqon kadhin? Bal aan dib ugu noqono Nabigeenii suubnanaa naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, ma ogtihiin dagaalada iyo talooyinkaba inay qeyb weyn ka ahaayeen oo Nabigu la tashan jiray(CSW)? Haddii kheyrul khalqulaahi saas dhaqankiisu ahaa idinku xagee joogtaan? Car waa ninkee beeniyo in shirkii muhiimka ahaa ee Nabdiga(CSW) iyo asxaabtiisa ku galeen CAQABA 3dii habeenimo inaysan dumar ku jidhin! Waar diinta ha ku qadhaabanina siiya gabdhaha soomaaliyeed xaqooda ogaadana wax walba oo wanaagsan bay mudan yihiin waayo kuwiina xun iyo kuwiina dhibaatada badan bay hayaan! Allaha idin garwaaqsiiyo!
Faadumo waa runtaa dumara talada waxwaa kulahayeen waagii rasuulka SCW lakin waqtigii rasuulka lama joogo sunnadiina wax raacaya meesha iigama muuqdo dumarkaasna waxay ahaayeen kuwa saalixiina dhowrsan dantoodana yaqaano walow hadaba jiraan lakin dumar gaalo iyo rag soomali iyo dastuur dhexboodayo waalga fiican yahay rasuulka scw xadiiskiisa ha usoo dalaliisan meesha diin laguma hayo oo diin lagama hadlyo Allah quraankiisa wuxuu ku sheegay dumarka guryahooda haku sugnaadaan waa hubaal in dumarka kaalin weyn ka gali karaan wadanka dhisidiisa taasina ma aha in ay reerkeedii iyo caruurteedii soo dayacdo marba meel shir kaga qeybgasho hooyada dowlad dhiskeeda waa in ay soo saartaa caruur waxbaratay mid islaamic ah iyo mid maadi ah caruur dhaqan leh adaab leh Allaah ayaa wax hadeeyo laakin dadaalo badan oo xaga reerkeda ayaa sugaayo markay kaa kasoo baxdo ayey bulshada wax weyn ku soo kordhisay dabacan ninwaliba oo wax ah hooyo ayaa ku soo dadaashay rabbina wuu la garab galay aniga waxan qabaa koley hooyo in ay gurigeedo ku sugnaato asc