DEG DEG: Qarax Weyn Oo Goordhow Ka Dhacay Iskuul Buluusiyo oo uu Ka Socdo Shirka Ansixinta Dastuurka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC)War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax weyn laga maqlay , halka uu ka dhacayo shirka lagu ansixinaayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, ee Iskuul Buluusiyo ee degmada Xamar-jabjab ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan Xamar-Jajab ayaa RBC Radio u sheegay in maqlayn qarax weyn uu ku tilmaamay in uu yahay mid is-miidaamin ah,laakin Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab Maxamed Cali Axmed iyo wariye ku sugan degmadaas oo aan la hadalnay wax yer kaddib markii uu qaraxa uu dhacay, ayaa Radio RBC u sheegay in qaraxa uu jiro ,laakin aysan cadeen karin waxa uu yahay.

Waxa uu guddoomiyaha sheegay in qaraxa uu ka dhacay, mid ka mid ah bar-kontroolada ugu horreeyay ee laga soo halo ilinka ugu horeeya ee Shirka, waxana uu sheegay in qaraxa wax yeelo soo gaarsiiyay gaari hoomeey ah oo goobta ku sugnaa, laakin khasaaraha uu geestay aan la ogeyn.

Waxa marka uu qaraxa dhacay goobta soo gaaray ciidamo badan, kuwaasoo baaritaan sameeyay, laakin ma jiro wax -faahin ah oo la heelayo, maadama meesha aysan saxaafadda iyo dad weynaha kale tagi karin.

Qaraxan saaka ka dhacay, iskuul buluusiyo, ayaa immaanaya iyadoo maalintii seddaxaad uu halkaas ka socdo shirka ay lee yihiin ergada anisixineysa dastuurka cusub ee uu yeelan doono dalka.

Dowladda horey ayey u shaacisay, in ay ammaanka goobta shirka iyo meelaha ku dhow aad loo adkeeyay, isla markaana wadada soo gasha halka uu ka dhacaayo shirka loo diiday dadka iyo gaadidka in ay isticmaalaan. waxana halkaas habeen iyo maalin ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wixi ku soo kordhan warkan kala soco Raxanreeb.com

Share

Tags:

4 Responses for “DEG DEG: Qarax Weyn Oo Goordhow Ka Dhacay Iskuul Buluusiyo oo uu Ka Socdo Shirka Ansixinta Dastuurka”

  1. [...] More: Qarax Weyn Oo Goordhow Ka Dhacay Iskuul Buluusiyo [...]

  2. daljire says:

    war cusub wale waa yaab !

  3. xasan daljir says:

    Bismilah, waa yaab allow cadawga ka qabo umadaada, Tarsan meeyey muqdishaduu lahaa meel dhaanta ma heysaan?

  4. B Jameeco says:

    Xassanow daljir waa qayb ka mid ah howsha ololaha Mdaxweynimada ay wadaan tarssan indha cad-cade iiyo tukaha iyo maleesiyaadka beelahooda Rumtii dhuudhuumashay gelilahaayeen hadii dhallinyarada ay nabadda qaadanlahaayeen

Leave a Reply