DEG DEG: Tirada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo La Kordhiyey


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa goordhow magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in tirada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya la kordhiyey kadib markii uu codsi ka yimid odayaasha dhaqanka.

“Waxaad iga codsateen in tirada baarlamaanka cusub oo ajhayud 225 laga dhigo 275, waxaana idiin xaqiijinayaa in codsigaasi la aqbalay” ayuu yiri Auguistine Mahiga oo goordhow khudbad u jeediyey dayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho.

Mahiga wuxuu odayaasha ku dhaliilay inay kaalintooda ka soo bixi waayeen kadib markii, sida uu hadalka u dhigay ay ku fashilmeen hawshii loo igmaday ee ahaa inay soo qoraan liiska odayaasha dhaqanka iyo kan ergada shirka dastuurka uga qeybgaleysa.

“Odayaasha waxaan u dirsanay inay soo qoraan liiska 135 oday iyo liiska ergooyinka ka qeybgalaya shirka dastuuriga laakiin haddii aan si DAACADNIMO ah idiinla hadlo odauyaashu way ku fashilmeen shaqadooda” ayuu yiri Mahiga oo hadal u jeedinayay odayaasha dhaqanka.

Heshiisyadii Garowe iyo Gaalkacyo

Kordhinta baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya loo sameynayo bisha Agoosto 2012 ayaa imaaneysa xilli raysul wasaaraha xukuumadda KMG C/weli Gaas uu dhowaan ka biyo diiday in tirada baarlamaanka la kordhiyo, taasoo aan la ogeyn sida hadda raysul wasaaruhu u aqbali doono kordhinta xubnaha baarlamaanka ee uu ku dhawaaqay Mahiga.

Sida ku xusan heshiiskii Garowe 1, Garowe 2 iyo isfahamkii Gaalkacyo ee dhexmaray lixda nin ee saxiixayaasha waxaa la sameyn doonaa baarlamaan ka kooban 225 xubnood halka uu jiri doono aqal labaad oo ka kooban 50 xubnood, laakiin qorshaha heshiiskaasi ayaa hadda isbedel uu ku imaanayaa waxaana kordhi doona tirada baarlamaanka oo noqon doona 275 xubnood, sida uu maanta shaaciyey wakiilka Qaramada Midoobay.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

12 Responses for “DEG DEG: Tirada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo La Kordhiyey”

  1. mudane mudug says:

    markii horaba lama doonayn in somaliya yeelato dowlad wanaagsan markii odayaal aan waligood qabiil iyo jufo hoose dhaafsiisanayn caqligoodu loo dhiibay hawshii qaranka somaliya …. 100% ayaan ogaa in aysan kuwaas waxba keenay … waayo waxayba ka mid yihiin dhibaatada dalka ka jirta…..

    odoyaal biiqay…

  2. cabdisamad says:

    asc wr wb akhrisayasha. Maxaa idiin soobaxay hada warka akhirsaten. aniga waxaa isoo baxday wadan lakal qayba saday oo madaxweyne hedu nayahay mahiga balamankun mesha caalamka ciidankii sunayahay AMISOM. Ciidanka badiisuna yahay natto. warya shegi karah wadan baarlamaankisa iyo dastuurkisa farah dawlade kale ku la jiran oo an somaliya ka ahan. waxaan layaban ahay kuwa sheeganayah madax in aay ummad u yahin horeta maxaa gacan ugu jirah. waa duni lakal iibsado nala ogeysine maqali jiray nin ku gabay.
    ¨baarlamanka hadii ladhimaya ama lakordhinayo yaa utaala ma mahiga mise ummada somaliye waxaan leeyahay odashasha somaliyedow waxaa idunku socoda jirtaabo waxaan la idinku jitaabinayah inata wadani imadinu gaarsisantahay. mesha dawad xeradeedu tahay gaalada dagine

  3. HALYEEY says:

    somaali qabyaalad darteed ayaa wadankii naloo ka qaaday.
    Soo habaar maaha inuu mahiiga maanta noo sheego mustaqbalkeena meeshaasna odayaashii qabyaalada ayaa na dhigay =======……

  4. wiil gedo says:

    augistina mahiga, waa madaxweynaha somaalia ya yiri shiikh shariif waa madaxweyne??

  5. Dr-mudug says:

    Aniga waxaaban oran lahaa tirada Baarlamaanka wa in laga dhigo dhamaan bulshasa somalida oo dhan si CAYRTA LOOGU QEEBIYO maxaa yeeley meeshaas barlamaanka waa iska meel masuuf lagu bixiyo oo aan waxbo kasoo bixin.

  6. mudug says:

    kkkkkkkkk oo hada xita parlamankii oo aha sharci-dejinta dalka miyaa mahiga laga codsanaya hadii wax lagu darayo iyo hadii wax laga reebayo oo amarka ugu danbeeya mahiiga aya leh miya kkkk oo kalay away madax isku sheegi somalidu in parlamaka wax lagu kordhiyay sow may ahayn inuu sheikh shariif ku dhawaaqo meesha uu mahiga kaha dhawaqayo

  7. somali says:

    MAHIGA KORDHIYEY?CABDI WELI DIIDANAA?SHIIKH SHARIIF RABAY?275?KOL HADII MADAXDA DOWLADA SOMALIYA IYAGU WAXBA KU HESHIIN KARIN SOO JID MAAHA IN MAHIGA GO’AAN KAMA DAMBEYS AH KA QAADO ARIMAHA SOMALIYA BACDAMAA UU WAKIIL UGA YAHAY UN SIDII SOMALIYA KMG LOOGA SAARI LAHAA?:-D

  8. allaale says:

    odayaasha badowgaa oo dalka dunshay kuwa madaxda ah iyo kuwa hada halkaan fikirka ku qorayaba waa astaahilaan in la qabsado wali lama wada qabsan dalka laakiin si run ah baa aduunku u qabsan doonaa saa xal kale malahanba somaliyee.

  9. Ma La Waayey Cid Innaga Qabata MAHIGA? says:

    SOOMAALIYEEY,
    WAAD ARAGTAAN SIDA UU FARAHA UGULA JIRO ADDOONKAASI ARRIMAHEENNA GUDAHA EE INOO GAARKA AH. MANA AHA ERGAY QARAMO MIDOOBAY EE WAKIIL AY SOO DIRSADEEN DOWLADO RABO INAY SOOMAALIYA QAYBSADAAN. MARKAA WAXAN U BAAHANNAY CID RUNTA U SHEEGTA MAHIGA?

  10. Hiray says:

    Mantay waan murugooday calool xuma iyo murugo ayaan la,ooyey markaan akhriyey warkaan waxaan layaabana hay nimanka afsomaligu kuhadlaaya ee sheeganaya madaxda wajigiin gubaayey kahor lexda umadda ayaan leeyahay mantay ninkaan ogeenow ogoow wadan keeni Tanzanian kaas ayaa madaxweyne ka ah asagaa inoo qeebinaya Parlement iyo wazirada Gobanimadii Guniimo ayaa kadembaysay allow noohili

  11. Maxamed says:

    Markii hore ayaa qalad lagalay waxaana khaladka galay Mahiiga iyo iyo Raisalwasaaraha cabdiweli iyo madaxwayne Shariif markii ay dhaheen waxaa soo xulaya xubnaha ansixinaya dastuurka iyo Barlamaankaba Isamadii soojireenka ahaa, nimankaas isimada soo jireenka waa nimankii lashaqaysan jiray hogaamiye kooxyadii dalka burburiyay wax walba oo ay doonayaana way usixii jireen hogaamiye kooxyadii Somaliya kajirijiray marka ragii noocaas ahaa ayaa fursad lasiiyay marka wax ay biíyaan mooyaane wax ay hagaajinayaan majiraan

  12. Odayaashii waxay la mariyay wadadii ay qadeen says:

    Waxaa aan aad uag xumay in odayashii dhaqnku laga riday cimaamadii …iyagoo maanta inat arintii loogu yeearay inta loo diiday inay u madax banaanadaan hadana lagu dhaliilay wax qabad la’aan.
    Runa ahaantii lixdansaxiixe waxay kubad sideedii ugu ciyaareen hawshii odayaasha loo igmday…odayaashiin waa iska garan waayeeen.Aniga waxay ila tahay odayaashu ha iskaga baxeen Muq-disho…oo iyagu ha iclaamiyeen shir ay beelaha Soomaliyeed ku heshiinayaan hana ugu gudbeen meel soomaliyi ay aahyheeda kaga tashato.
    Maantay wada joogaane haddii iyagu aanay gaari karin arintaa hayska dhigeen cimaamdaha ay walwaalayaan.
    …Wadanku waa wayn ayahy ee ha u bareereen inay nabad iyagu u dhintaan oo meel soomaaliya ka mida oo fara gelin aanay ka soo gaaray la qabtaan hawshhoda wax cusubn keenaan.
    geed hoostii.

Leave a Reply