Dhakhaatiir Ajaanib ah oo sheegay inay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah ka fulinayaan Isbitaalka Burco
Burco(RH):- Dhakhaatiir ka socota Isbitaallada Wareega (Mobile Hosbitals) ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa safar booqasho ah oo ay ku indha-indhaynayaan xaaladda Isbitaalka guud ee magaalada Burco iyo adeegyada uu sida aadka ah ugu baahan yahay, ku tagay magaaladaas, waxaanay kormeereen Isbitaalkaas Burco.
Dhakhaatiirtan, ayaa markii ay booqdeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxay kormeerro ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Burco, waxaanay sheegeen inay haddaba natiijada baahida ay ku arkaan Isbitaalkaas ka jawaabi doonaan. Waxaanay intaa ku dareen inay si dhakhso ah u soo degi doonaan Isbitaalka Burco, kaasoo ay ka fulin doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah oo ay ugu tabarucayaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka iyo dadka soo gaadhi kara Isbitaalka guud ee Burco.
Dhakhaatiirtan ka socda Hay’adda Isbitaallada wareega ee Imaaraadka Carabta, waxa kale oo ay sheegeen dadka hawl-gallo caafimaad loogu qaban kari waayo Somaliland gudeheeda ee xaaladdoodu adag tahay ama u baahan Dhakhtar dibedeed, inay u diri doonaan Imaaraadka Carabta oo loogu fulin doono adeegyada caafimaad ee qofka Somaliland wax loogu qaban kari waayaa u baahan yahay.
Maamulka Isbitaalka guud ee Burco, Maamulka gobolka Togdheer iyo maamulka Degmada Burco ayaa soo dhaweeyey Dhakhaatiirtan, isla markaana sheegay inay ku faraxsan yihini sida ay Dhakhaatiirtu sheegeen inay Isbitaalka Burco in muddo ah fadhiyi doonaan, isla markaana ka fulin doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.










