Dhibaatada Qaadka iyo Dhayalsiga Puntland. W/Q Abukar Awale (Qaad Diid)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dhibaatada qaadka iyo Dhayalsiga Puntland
Abukar Awale (Qaad Diid)
abukar_aw@yahoo.co.uk
Luulyo 31 2012

13 kii bishan july ayay dowlada Itoobiya Soosaartay go,aan lagu xakamaynayo dhibaatda qaadka ee gudaha wadanka Itoobiya fadlan eeg wareegtada wasiirka arimaha gudaha oo hoos kulifaaqan.

Wasiirka arimaha gudaha iyo hurumarinta Dowlada itoobiya ayaa wuxuu intaas kudaray in Loo baahan yahay in laga hortago dhibaatada qaadka wadanka gudihiisa gadistiisan laga xakameeyo dhalinyarada wixii 18 jir kayar iyo sidoo kale in canshuur xad dhaafa lagu soo rogo dadka wadanka gudihiisa qaadka kugada.

Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in loobaahan in Kor loo qaado  qaadka Wadanka dibadiisa Loodhoofiyo kasoo wadanka soogaliya lacag laguqiyaasay  $280 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Hadaba waa su,aale waayo wadamada dalka dibadiisa ah oo uu wasiirku kahadlayo oo qaadka itoobiya loo dhoofiyo,

Waxaan shaki kujirin inay Puntland kamid tahay wadamada qaadka itoobiya loo dhoofiyo oo wasiirku kudhawaaqay in kordhiyo, hadaba waa maxay dowga ufuran dowlada puntland ,si ay uga hortagto dhibaatadan faraha badan oo uu qaadku kuhayo puntland , caafimaad ahaan ,dhaqaale dumis ahaan,iyo dhalinyaradii usoo kici lahayd mustaqbalka puntland oo la orankaro qaadku midiyuu u afaysanayaa, si loo xakameeyo lacagta adag oo qaadka kubaxaysa, mahaboontahay qaadka inta xalkale loo helayo inlasameeyo  ( Regulation ) ama xakamayn dowladauna tisgaliso qodabadan hoos kuqoran.

 In si loo yareeyo lacagta adag oo wadanka kabaxaysa  lana lasameeyo waxa layiraahdo (Business Exchange) oo dalka itoobiya loodhoofiyo kaluun, Cusbo, Hargo, Beeyo IWM.

Wasaarada Waxbarashadu inay    Iskuulaadka Hoose dhexe iyo Sareba Laga bilaabo wax layirahdo ( Drug Awareness )  Si looga digo Jiilka Sookoraya khatarta qaadku leeyahay.         In Hooyooyinka qaadka gada    lagu dhiiro galiyo inay furtaan Kabaro yar yar oo gada qudaarta   sharaabka  ,IWM.

 hay ada Daryeelka Puntland ay u sameeyso  barnaamijyo lagu taageerayo dhaqaale ahaan, hooyooyinkaas si ay u helaan masaa riiftooda, hay,ada daryeel waa inay uguyaraan garab istaagto hooyadii iska daysa iibinta Qaadka taageertana mudo lixbilood ah inta ay isku filaasho ka gaarayso, barnaamijkaas oo lagu bilaabi karo 100 hooyo sanadkii.

Wasaarada Isboortigu inay usamayso tartano ciyaareed oo looga mashquuliyo dhalinyarada qaadka

 In laga madnuuco kugadista qaadka farasmagaalaha Garoowe <gaalkacyo, Boosaaso,iyo magaalooyinka kale ee Puntland , wasaaragda arimagha guduhuna, iyo duq maagaladuna kaqayb qaataan arintaas, Loona sameeyo  xero magaala kabaxsan oo qaadka lagugado, oo xeradaasoo kale loo bixiyo magac katurjumaya waxqabadkeeda sida   Qaylobadan ,Qashinbadan, Qarash badan,Qoys dumiya, Qayiran,Qosolxun,(, Oo loo soo koobi  karo,  ( QQleey )…

Taasoo keeni karta inay xerada QQleey ay noqoto meel daku kaxishooso, oo dhuumasho lagu aado.

Samaynta QQleey i waxay kor uqaadi doontaa  Bilicda magaalada, in buuqa ,qashinka ,iyo tuugtu  kuyaraadaan farasmagaalaha,

 in aan laga gadin qaadka  18 jir iyo wixii kayar ,go,aan adagna laga qaato cidii sharciyadaas jabisa.

Waxaan ku kalsoonahay in ay  dowlada puntland  tixgalin doonto  fikirkaan iyadoo aanu lasocono in xukuumada madaxdeeda sarsare aad unecib yihiin qaadka haba ugu Horeeyee Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane DR Abdiraxmaan  Maxamed  Maxamuud faroole.

Ugudanbayntii in waxaan baaq udiraynaa in dhamaan  Dowlada iyo shacab weynaha Puntland   sida Culumada ,Aqoonyahanada,  Warbaahinta, beecmushtaka,iyo Abwaaniintu  inay sibuuxda u garab istaagaan dhalinyaradan utafaxaydanaysa inay Puntland kawacyi galiyaan  dhibaatada qaadka  ururka ladagaalanka qaadka oo dhawaan lafilayo in Looga dhawaaqo Puntland

(Puntland Anti Drugs Origination)

Rji ama Riix Halkaan Hoose  Wasiirka arimaha gudaha itoobiya.

http://www.mareeg.com/fidsan.php?Dowladda-Federaalka-Itoobiya-Oo-Dalkeedka-Ka-Dhimeysa-Isticmaalka-Qaadka-&sid=24960&tirsan=2

Salaan Qaaliya

Gudoomiyaha Ladagaalanka Qaadka UK&EU

Abukar Awale ( Qaad Diid )

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

3 Responses for “Dhibaatada Qaadka iyo Dhayalsiga Puntland. W/Q Abukar Awale (Qaad Diid)”

  1. maslax says:

    maasha Allaah sxb waa maqaal qurux badan qaadkuna runtii dhib ayuu nagu hayaa hadaan nahay umada soomaaliyeed dadka sidaadoo kale u fakaraya way ku yaryihiin dalka Allaha kula garab galo sxb hadii xaalada puntlanad wax laga qabtana taas macneeheedu waa soomaliya oo dhan ayaa wax laga qabtay

  2. dalmar says:

    abukar awale waa wadani qorshe aad u anfacaya ummada puntland na wuu keenay dowladuna waxay mudantahay iney ku dhaqaaqdo arinkaas

  3. Abdulsalam Amoud University says:

    Aad baan ula qoraalka Mr. Qaad Deedo Inbadan ba kula qabta Khassarah umada SOMALI da ku hayo
    Qaadku. uma gaar aha Puntland malha waxa fiican inaan talada isku geeyno si an cudud u noqono Anig
    diyaar baan aha inaa la shaqeeyo cid kasta oo Geedka shaydaan la dagaalamaysa.

Leave a Reply