Dowlada Soomaaliya Oo Canbaaraysay Iskudaygii Dilka ee Lagu Qaaday Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle
Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya waxay cambaareyneysaa iskudaygii la rabay in lagu dilo wariyihii Universal TV, Cabdulqaadir Cumar Cabdulle, kaas oo dhaawac culus uu ka soo gaaray dhanka Caloosha kaddib markii ay laba nin oo aan heybtooda la aqoon kusoo weerareen gurigiisa oo ku yaal Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Xukuumadda KMG Soomaaliya Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Jahweyn ayaa cambaareyn kulul u jeediyay, asaga oo leh “Waan cambaareyneynaa iskudaygii la rabay in lagu dilo wariyaha, waxaana ku baaqeynaa in baaritaan lagu sameeyo qoladii ka danbeysay fal danbiyeedkaas.”
“Dowladda waxay ugu baaqeysaa shacabka inay la shaqeeyaan xoogaga amniga si loo xaqiijiyo loogana hortago falalka danbiyada ee dhamaan dalka oo idil, oo ay ku jiraan kuwa argagixisada oo halis ku ah bulshada.” Ayuu raaciyey hadalkiisa Cabdulqaadir Jahweyn.
“Waa in aysan Shacabku ka yeelin qolyaha masuulka ka ah falalka danbi inay cabsi galiyaan, islamarkaana ay taageeraan dadaalka loogu jiro in amniga Caasimadda lagu xaliyo taas oo ka hortagi doonta kuwa cadeystay cadaawadda ay u hayaan wariyeyaasha iyo dadka nabadda ka shaqeeya” ayuu yiri Mudane Cabdulqaadir.
Wasaarada Warfaafinta waxay dhiiragalineysaa qof walba oo haya warbixin ku saabsan fal danbiyeedkii la rabay in lagu dilo wariyihii Universal Television si dadkii arrintaas ka danbeeyay bulshada looga qabto oo xabsiga loo dhigo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] See original article: Dowlada Soomaaliya Oo Canbaaraysay Isku Daygii Dil ee Lagu Doonayay In Lagu Dilo Wariye C/qaadir Cum… [...]
[...] View article: Dowlada Soomaaliya Oo Canbaaraysay Iskudaygii Dilka ee Lagu Qaaday Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle [...]