Dowladda Britain Oo Qunsuliyad Ka Furaneysa Hargaysa
Hargeysa (RBC) Dowladda UK ayaa shaaca ka qaaday in ay qunsuliyad ka furan doonto dhaawaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Danjiraha dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Matt Baugh oo xaruntiisa ay hadda tahay magaalada Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ku tala-jirto siddii qunsuliyad ay uga furan lahayd magaalada Hargeysa.
Danjire Baugh, oo ka qeybgalaayay bandhigga buugaarta ee Hargaysa oo wali socda, ayaa sheegay in dowladiisa ay aad ula socoto ammaanka iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, siddaas darteedna ay keeni karto ayuu yiri in ay qunsuliyad ay ka furtaan Hargeysa.
Wuxuu sheegay in hadda howasha ugu badan ee Safaaradda UK ee Soomaaliya ka socoto Nairobi, laakin ay xarun ku lee yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wuxuu hoosta ka xariqay danjire Matt Baugh in qunsuliyadda cusub ay dusha kala socon doonto hirgilinta danaha UK iyo mashaariicda horrumarinta, iyada oo kor u qaadi doonta xiriirka Somaliland iyo boqortooyadda Britain.
Qunsuliyadda ayaa waxa ay ka hoos shaqayn doontaa safaaradda UK ay mustaqbalka ku yeelan doonto Muqdisho. ayuu yiri dalnjire Baugh.
Matt Baugh, ayaa la magacaabay safiirka UK ee Soomaaliya biloowgii sannadkan kaddib markii uu waraaqadiisa ka guddoomay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waa danjirihii ugu horreeyay ee u qaabilsan Soomaaliya muddo 21 sano ah.
Dowladda Britan aad ayey u kordhineysa xiriirka ay hadda la yeelaneyso Soomaaliya, waxa ay London ku qabatay bishii Febraayo shirweyne caalami ah oo ay ka qeybgaleen in ka badan 50-dowladood iyo hey’addo caalami ah
RBC Radio
==================
Xafiiska Wararka Hargeysa











[...] View post: Dowladda Britain Oo Qunsuliyad Ka Furaneysa Hargaysa [...]
dawlada ingiriisku waa cadaw xaqiiqdii doonaya inuu kala jaro jamhuuriyada somalia, kana waa isku daygii ugu danbeeyay. britain is cancer acctually and it is against somali weyn ,
Uk waxa ey si siyaadadeysan uugu hawlantahay burburinta midnimada ummada iyo qaranka soomaaliyeed ayaga oo u adeegaya amxaarta oo haatan masayr wareersan kolkay arkeen in ay somalia dib lugaheeda isugu daagi rabto oa ay nacaal somaliland wada hadalo meel wanaagsan maraaya lala yeeshay guulahaas ummada soomaliyeed u soo hiydey waxa ey sun u yihiin gaaladan inala deriska ah uk qorshahaan gaalada ayey hirmuud ka tahay
Uk waxa ey si siyaadadeysan uugu hawlantahay burburinta midnimada ummada iyo qaranka soomaaliyeed ayaga oo u adeegaya amxaarta oo haatan masayr wareersan kolkay arkeen in ay somalia dib lugaheeda isugu daagi rabto oa ay macaal somaliland wada hadalo meel wanaagsan maraaya lala furay guulahaas ummada soomaliyeed u soo hoydey waxa ey sun u yihiin gaaladan inala deriska ah. UK qorshahaan gaalada ayey hormuud ka tahay
Taa waxaa ka diidey 32 wadan ee EU ah marka UK kaligeed go’aan malaha oo hadda ayaa ay ku cakirantahey Wiilkan yarna oo meesha lagu keeney janabal nin siyaasi ah maba ahan ee waa iska dhahayaa ee ITALIA ayaa aan ogaleen in somaliya ay ku laabato 1960 marka waa sheeko ayaga looga dhaadhicinayo oo hadey Hargeysa fariisato garoowe waxaa fariisanya midka ITALIA waa sida hadal lagu soo qorey marka sheekadan waa been aan sal iyo raad toona laheen ninkani waxaa uu Viso keeney Somaliya xamar buuna tagey oo hadda ayaa safaarada ku shaqeyn kartaa buu yiri marka waa inuu ku beerlaxawsadaa Somalidiidka oo waqtigii ka dhamdey kkkkkk cadowga ha jabo Uk waa loo dhameyn doonaa insha’allaha ee somaliya heshiiya waa jaaniskii ugu danbeyey ee soomaraa somaliya Road mapka,dastuurka ku dhawaaqa kadibna UK waa fashilmeysaa ,,,
It seem indirect that Somaliland is already recognised, once the embassy is open Britain are dealing with Somaliland as a coountry. Not only that the biggest military power after NATO that is Coca Cola have already recognised Somaliland and open East Africa biggest Coca Cola plant.
It seems it is matter of time when UN and other African countries will open embassy and recognise Somaliland.
What are Prime Minister Dr Abdiwali and President Dr Abdirahman Faroole doing supporting of the TFG with reconstruction of Mogadishu.
Hargeysa and Mogadishu are booming with new Hotels and international attention where is rest of Somalia. It seems they have better politic than our politican in Puntland . Wake Up – Wake Up to our leaders.