Dowladda Soomaaliya Iyo QM Oo Kala Saxiixday Qorshe Lagu Soo Dhameynayo Caruurta In La Askareeyo [Faah-Faahin]
Roma (RBC) QM iyo dowladda KMG ah Soomaaliya ayaa heshiis ku kala saxiixday Tallaadadii shaley magaalada Roma ee dalka Talyaaniga heshiis ku saabsan in caruurta Soomaalida loo qoran askar ahaan isla markaana ay ka mid noqdaan ciidamada dowladda.
Heshiiskan ayaa dhinaca dowladda KMG ah waxa u saxiixay wasiirka gaashandhiga Xuseen Carab Ciise halka QM u saxiixay wakiilka gaarka ah ee xogyaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga.
Danjire Mahiga oo ka hadlay heshiiska kaddib ayaa sheegay in tani ay tahay arrin muhiim ah oo dhabaha u xaaraya in xasilooni ay ka dhalato dalka ku yaala geeska Africa oo 21-sano dagaallo ay diloodeen, taasna ay keentay in caruurta ay ka mid noqdaan askarta dowladda ama kooxaha ka dagaalama Soomaaliya.
Tan iyo sannadkii 2007-da golaha ammaanka QM waxa uu ku daray Soomaaliya dalalka caruurta laga askareeyo caalamka, taasna waxa ay keentay in dhowr jeer aduunka ay ka qeyla dhaamiyaan.
Qorshahan ayaa qeexaya in xukuumadda Soomaaliya ay qaado talaaboyin muhiim ah oo lagu hubinayo in caruurta laga ilaaliyo inay ka mid noqdaan ciidamada, haddii uu dhaqan galanka waxa hubanti noqon doona Qorshahan in dowladda Soomaaliya laga saaro liiska Golaha Ammaanka ee QM ee kooxaha ama dowladdaha askareeya caruurta dunidda.
Dhinaca kale, Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha carruurta iyo dagaallada hubeysan Radhika Coomaraswamy ayaa soo dhaweysay heshiiskan dowladda Soomaaliya saxiixday ee ah in la soo afjaro in caruurta askar ahaan loo adeegsado.
Waxa ay tiri :”Soomaaliya waa in ay saxiixdaa qorshaha lagu difaacayo caruurta ee xaqa ay u lee yihiin la dilo ama qaraxyoo loo adeegsado.”
Si kastaba, waxa aan heshiiskan ku jirin kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya oo la sheego in ay u dagaalamaan caruur badan oo qaan gaar ahayn, kuwaas oo dagaalada ku dhinta ama ku dhaawacma, waana su’aal sida uu heshiskan u sameen doono.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka caruurta loo adeegsado dagaalada tan iyo sannadkii 1991-dii, markaas oo ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee uu majaraha u hayay AUN Maxamed Siyaad Bare.
Sidoo kale dhinaca dowladda Soomaaliya dhowr jeer ayaa la arkay iyadoo ay u dagaalamayaan caruur yeryer, laakin wali waxa ay lee dahay arrintaas waxba kalama socono, haddii heshiiskan uu dhinaca dowladda KMG ah ka dhaqangalo oo waqtigeedaba uu iska yeryahay, haddana waa guul la gaaray intii lagu gudajiray mudada KMG ah.
RBC Radio
—————————-
Xafiiska Wararka Nairobi














[...] View article: Dowladda Soomaaliya Iyo QM Oo Kala Saxiixday Qorshe Lagu Soo Dhameynayo Caruurta In La Askareeyo [...]
[...] Read the article: Dowladda Soomaaliya Iyo QM Oo Kala Saxiixday Qorshe Lagu Soo Dhameynayo Caruurta In La Askareeyo [Fa... [...]