DRC oo Gaalkacyo mashaariic hormarineed ka fulisay (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo (RBC Radio) Hay,ada Danish Refugee Council (DRC) xafiiskeeda Gaalkacyo ayaa maanta dawlada hoose iyo bulshada xaafadaha magaalada ku wareejisay Todobo mashruuc oo isugu jira suuqyo ganacsi oo yaryar, Biyo booli iyo goobo waxbarasho kuwaasoo baahi ay u qabeen bulshada magaalada.

Mashaariicdan ayaa maanta waxaa xariga ka jaray Duqa Gaalkacyo Col Siciid cabdi faarax iyadoo goob joog ay ahayd Faadum max’ed cigaal xiriiriyaha DRC Gaalkacyo iyo qaar ka mida hawl wadeenada xafiiska DRC Gaalkacyo.

Duqa magaalada Gaalkacyo Siciid cabdi faarax ayaa bulshada loo dhisay xarumahan ganacsi, waxbarasho iyo biyo booli wuxuu ugu baaqay inay oga faa, iidaystaan sidii loogu tala galay isla markaana aysan iska dayicin, Mashaariicdan ayaa laga kala dhisay xaafadaha magaalada waxaana loogu kala qayqabiyay laamolaamo israac 2,3 ayaa laga furay labo suuq halka israac 5 iyo Hormar 1 waxaa laga hir galiyay labo school garsoor 2,3 waxaa iyaguna laga furay labo suuq iyadoo xaafada Hormar 3 laga hir galiyay biyo booli.

Faadumo max’ed cigaal xiriiriyaha DRC Gaalkacyo ayaa iyaduna xarumaha mashaariicda laga furayay waxay ka sheegtay inay barnaamijyadan markii hore dalbadeen bulshada sidaas daraadeedna ay u fidiyeen bulshooyinka u baahan qaybahan kala duwan ee mashaariicdaa.

Dadkii daganaa deegaanada laga hir galiyay mashaariicdan todobadaa ee ay fulisay Hay,ada DRC ayaa si weyn u soo dhaweeyay waxayna sheegeen inay ka faa,iidaysan doonaan iyadoo maamulka magaaladana ka codsadeen in laga war hayo xarumahan.

Hor joogayaasha laamaha mashaariicdan laga sameeyay ayaa soo dhaweeyay hawlahan waxayna aad ugu mahad celiyeen dadaalka dheerigaa ee ay galisay Hay,ada DRC.

Mashaariicdan ayaa gabi ahaanba ka siman xaafadaha ku yaala magaalada Gaalkacyo iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay DRC mashaariic hormarineed oo ay bulshada u baahan yihiin ay fuliso Gaalkacyo iyo guud ahaanba Puntland.

Waxaa Qoraalkaan iyo Sawiradaba Raxanreeb soo Gaarsiiyey
C/risaaq Cali
ccsilvar5@gmail.com

Share

Leave a Reply