Ergada Gobolada Somalilad oo Ka Digay Inay Shirka Ansixinta Dastuurka Isaga Bixi Doonaan Dhaqaale La’aan Darteed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Iyadoo maanta [Sabti] lagu wado in markale uu dib u furmo shirkii ansixinta dastuurka ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa ergooyin ka badan boqol xubnood oo ka kala yimid gobolada maamulka Somaliland oo shirka ka qeybgalaya waxay ka diugeen inay shirka ka bixi doonaan haddii aan loo fududeyn tasiilaadka ay u baahan yihiin.

Ergadan ka timid deegaanada Somaliland oo ka soo safray magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Caynabo, Boorame, Sheekh, Seylac iyo Alleybadey ayaa ka cawday in dhibaato dhaqaale ay soo foodsaartay ergadooda oo illaa hadda aan laga bixin hoteladii ay deganaayeen.

“Waxaanu nimid maalintii bishan ay ahayd 9-ka July, illaa hadda wax soo dhoweyn maanu helin, cid nootimid ma jirto, hoteladii waanalagu leeyahay, jeebkeena ayaanu iska bixinaa” sidaasi waxaasheegtay Hodan Cige oo ka mid ah ergada ka timid magaalada Burco oo u hadashay ergada deegaanada Somaliland.

Hodan waxay sheegtay in maalin kasta oo ay tagayaan madasha shirka ay iska bixiyaan min labaatan doolar qofkii oo ay baabuur ku kireystaan, dawlada ku-meelgaarkuna aysan wax gaadiid ah u diyaarin ergada ka timid gobolada fog fog ee dalka.

“Anagoo og amaanka Mudisho ayaanu nafteena ku soo biimeynay, waxaana fileynay soo dhoweyn iyo qadarin inay dawlada noo sameyso, laakiin cid ma aanu arag, waxaanago’aansanay in haddii aan tasiilaadkeena naloo fududeyn inaanu dib ugu laabano deegaankii aan ka nimid”  Axmed Nuur Xasan oo ka mid ah ergada ka timid Magaalada Sheekh ayaa isaguna saaka u sheegay warbaahinta gudaha.

Ergooyinka waxay kaloo ka cabanayaan dhanka amaanka oo aan la siin ciidan boolis ah oo la socda xaalada hotelada ay degan yihiin.

Cabashada ergooyinka deegaanada Somaliland ee haatan soo shaac baxday ayaa ku soo aaday iyadoo wasiirka dastuurka DKMG ah C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Khamiistii hadal u jeediyey ergooyinka uu shaaca ka qaaday in dhaqaalihii loogu talagalay shirka ansixina dastuurka aanu weli soo gaarin dawlada.

“Waxaan ka xunahay in qolyihii deeq bixiyaasha aysan weli nasoo gaarsiin dhaqaalihii shirka lagu wadi lahaa oo ay horey u balanqaadeen” ayuu yiri wasiirka dastuurka.

Dawlada KMG ah ayaa sheegtay in ergay kasta oo shirka ka qeybgalaya loogu talagalay $65 (lixdan iyo shan doolar) maalintii taasoo ergooyinku ay sheegeen inaysan ku filneyn inay ku daboolaan noloshooda iyo hotelada ay degan yihiin iyadoo weliba lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Warar ku dhow madasha shirka ayaa sheegaya in xaaad dhaqaale xumo ay soo foodsaartay shirkaansixinta dastuurka taasoo laga yaabo inay hakad kale ku keento shirka haddii aysan dawlada helin xal kale.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

12 Responses for “Ergada Gobolada Somalilad oo Ka Digay Inay Shirka Ansixinta Dastuurka Isaga Bixi Doonaan Dhaqaale La’aan Darteed”

  1. Runsheeg says:

    horta dadkan yaa soo dirsaday, hal suldaan oo somaliland kasoo jeedaa oo layaqaan oo magacleh majoogo dhamaana waxay ku suganyiin somaliland ee waxaa jooga dad xamar laga ururiyay somaaloo dhan ayaa taa og, markaa dee dadkaad kasoo ururiseen bakaaraha inta yar iska siiya ha haku codeeyeene…..

  2. Odayeeye says:

    Madasha waxa yaal sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa laakiin idinku ma waxaad u timaadeen hunguri doon.
    Hunguriga iyo soomaalinimada kala saara.
    CAWARO OO siilaanyo madax ka yahay waxay lacag u bixisaa si soomaliya aan nabadi uga dhicin, idinkuna xamar laguma gaajoodee dantiina cadeeya.

  3. daljire says:

    kkkkk ,, war ileen nimaan bela arag ayaa dhaha belaan arkay , war dawladu ma xishoonaso alla idin ma asturo, war dadka kayimi Goboladau ku doodaya inay go een waxay ahayd in fadhiga looga koco tixgalin garana lasiyo , hada lkn 2 dhibataa haysta tan tan koowaad Siilanyo hargaysuu ku sugu yaa inuu dhibateyana wuu rabaa kolkay soo laabtaan , tankale TFG dii na Xamar oo bahala galeena oo bilaa kharasha ayay ku fasaxday…..’
    marka gurmad qaran ayay ergadasi rabtaaaaaa hadal iyo dhaman.

  4. B Jameeco says:

    Gaw waa wx doon

  5. hayaan says:

    waxan dowlada somalia ugu baaqaya in dadkaas somaliyeed ee meelaha dheer ka yimi siwanagsan loola dhaqmo waxan u jeedin laha wafdiga waqooyi iyo somaliland ka yimi inay iska samraan wayo danta dalka iyo dadka ayeey wax ka wadan

  6. Muqdisho says:

    War reer Somaliland cabasho badanaa. Waxaan ay sheegayaan dhamaan qabaailka shirka fadhiya wey la qabaan maaha wax kaligood ku kooban hadana ma maqleysid wax leh waan ka baxaynaa shirka ama soomaalinimacaba. Sool Sanaag iyo Cayn iyo awdal oo kuli safaro dhaadheer soo galayba waa joogaan cidna marti ugama aha arimaha soomaaliya ee socda markaa idinku ha is martiyeyninee is dejiya walaalayaal. Viva soomaaliya allow dhowr

  7. cali darwiish says:

    Kkkk adeer caaqiladii iyo salaadiintii somaliand hargeisa iyo burco ayey hada fadhiyaan kolkaas dastuurkaan waa mid u gaar ah Koonfur caalamkana waa ka markhaati kan waa kii lagu kala baxaayey, siyaasad xumada muqdisho iyo ujeedada mahiga+UK+somaliland waxay hadeerto u socotaa sidii ayey rabeen.

  8. abdishakur says:

    somiladu waxay ku maahmaahda meel lagaa jecelyahay hadaad ka tagto meel lagaa necebyahay ayaad tagtaa.
    waynaga maanta aragna baroorta ka dhacaysa odayaashi calooshooda wax ay ay ku buuxiyaan doontay walee abaalkoodi ayaa helay.
    shacabka somaliland wuxuu qaatay go,aan cad oo aan ka noqosho lahayn.

  9. Dr Bashe says:

    Dacawo halkay macal ku dhadhamisay macaluul ugu bakhtidaa imaan lawayaasha maxaa qabsaday hasha arwkeeda diida afartaba dab laga saar way abaaho seegta

  10. Somalilander says:

    Aad iyo aad baan ku farxaay in sidaas lagu bahdilo nimaanka Waqooyi ka tegay.

    Nin kasta iyo gabar kasta oo reer Somaliland oo tega xamar oo jago doon ah waa in sidaas sii laa mid ah lagu ceebaayo oo labaada beelood ee Darod iyo Hawiye oo kaliya lagu soo dhooweeyo Xamar.

    Dadka reer Koonfuurka haloo daayo dowladoodi “TFG” iyo cunsuurinimada.

  11. abdalla says:

    @ Run sheeg
    somali waa mid diid ama yeel
    dadkan waxay ka muwaadinsanyihiin horgalada reer khaatumo e idinla jooga

  12. Puntland boy says:

    Aa wey Soomaliland dadkaan maxay Qarash ugu qorsheyn waa yeen ? Maxay tahay qaylada kasoo yeeraysaa ergadooda, Federalka waxay qarash uladahay Dadka kayimi Gabolada aan maamul kajirin, Hadiise aaysan dhaqaale heysan waa ineey tagaan campka loogu talagay dadka la quudiyo oo aan is dabari karin , Maxaa hotel geeyay markii hore ?

Leave a Reply