Ergada Golaha Ansixinta Dastuurka: Waxaan u Nimid Iyo Waxaan Aragnay Way Kala Fogyihiin (SAWIRO)
Muqdisho (RBC Radio) Ergada ansixinta Dastuurka ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wixii loo keenay Muqdisho iyo waxa ay arkeen aysan isku mid ahayn isla markaana ay yihiin labo arimood oo kala duwan.
Qaar ka mid ah ergadaan oo la hadlay warbaahinta RAXANREEB.COM ayaa waxay sheegeen in markii hore loo soo ssheegay in ay dastuurka ansixinayaan, ayna ku darayaan wixii ka dhiman sidoo kalana ay awood u leeyihiin in ay ka reebaan wixii ay u arkaan in aysan dani ugu jirin umada Soomaaliyeed.
Idiris Cabdi Xamiid Sheekh Nuur oo ka mid ah ergada u joogta ansixinta Dastuurka Cusub ee Soomaaliya kana yimid deegaanada Puntland gaar ahaan degmada Burtinle ee gobalka Nugaal, isla markaana waraysi gaar ah siiyay RBC Radio ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in madaxda dowlada ay u sheegeen golaha ansixinta Dastuurka inaysan waxba ka badali Karin waxna ku dari Karin.
Wuxuu sheegay in lagu wargaliyay in wixii aragti ah oo ay ka qabaan Dastuurka in ay u gudbiyaan baarlamaanka cusub ee haatan lagu howlanyahay in la soo xulo, wsuxuuna carabka ku dhuftay in taasi ay tahay mid aysan horay u sii ogayn oo ay filayeen in talada dastuurka ay Ergada u taaalo.
“Horay Odoyaasha Dhaqanka waxaa loogu sheegay in Dastuurka ay u daayaan ergada, haatan waxaa mar kale Ergada golaha Ansixinta Dastuurka loo sheegay in ay ayaguna u daayaan dastuurka baarlamaanka cuauba ee soo socda, sidoo kale waxaan aragnay Heer hoosaadka oo qoraya hadii golaha ansixinta dastuurka ay ansixin waayeen dastuurkaan” wasxaa loogu sii dhaqmi doonaa si KMG ah” Ayuu yiri Idiris Cabdi Xamiid Sheekh Nuur.
Sidoo kale Bashiir Maxamed Yuusuf oo ka mid ah asna golaha ansinta Dastuurka ayaa asna dhankiisa wuxuu arantaan ka muujiyay walaac wuxuuna sheegay in ay ku noqotay dhamaanba ergada arin ku cusub oo aysan horayba ula socon, oo aysan xataa filanaynin.
“waxaan aragnay wax aanan ka filaysanaynin Raga madaxda ah ah taasi oo ah in dastuurkaan sidiisa loogu dhaqmi doono hadii la ansixiyo iyo hadii la diido intaba, waxaana hada jira guux badan.” Ayuu yiri Bashiir Maxamed Yuusuf oo ka mid ah ergada ansixinaysa Dastuurka cusub.
Shirka lagu ansixinayso dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa shalay wuxuu si rasmi ah kaga furmay magaalada Muqdisho iyadoona ay furitaankiisii ka qaybgaleen madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya, waxaana shirkaan loogu talagalay in uu socdo mudo sagaal maalmood ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho















Waxaa jira oo. La qarinayaa waa gaalnimo gaalo wadato umaduna ma raban allow noo gar gaar
Soomaali waxaa ka maqan inay fahmaan shaqada ay qabanyaan waxa fari kara ama ka joojin kara.
sharcigu waa wax qoran oo leh taariikh sugan iyo saxiix leh awood sugan,ee maaha waxa afka laga yiraahdo.
Ergada ansixinta dastiirku waxaad moodaa inay durba isku buuqsan yihiin,oo ay garan la’yihiin waxay u yimaadeen ama shaqada ah inay qabtaa.
Shaqadiinu waa ciwaankiina laydiiku yeero ,oo ah ((((Ergada Ansixinta Dastuurka)))) ….bas.
waa maxay waxaa layiri ////iloowtaaaaa.
nimankan idin horjooga waa ”care takers”,,.waa sii haya yaal inta laga dhisayo dawlada leh inay ku shaqayso Dastuurkan.
idinkam joojin karaan hawshiina …Oday dhaqameedkii yay buuq iyo sawaxan ku fureen oo majra habaabiyee ka digtoonaada taa.
Idinku yeesha gudiyada leh hawla qabadaa maalineed iyo soo bandhigida ka hadalka dastuura qodob qodo una ansixiya hab leh coday cilmiyaysan .
waxaa layiri ..waxaa layiri waxaa layiri …adeer run iyi beenba waa layiraahdaa.lakiin warqada shaqadu maah wax layiri ee waa wax qiran.micrifoonka waxa laga yiraahdo maah waxa idinka idin xukuma
hawshan shaqdeeda idinaa iska leh…No madaxweyne no ra’iisul waasaare,,,,no ficiis
Maxaa idinka qaldan Somaaliyeey ..ma idinkaa raba sidan oo waxaa tihiin niman u shaqaeeya
Shariifyo Gaas ..Faroole iyo Jini.
hore u socda waa masiirkii ummada waxa idin horyaala…hadaydaan shaqdaiina aqoon ummada maxaa u hor yaacaysaan.
iga raali ashaada aad baan uga xumay sida looga hadlayo arimaha ansixinta,iydoo aan awalba tii Oday dhaqmeeda lagula kacay aan ka murugaysnaa yaa hadan 825kan ka baqayaa ina waddii maraan oday dhaqameedka .
Soomaaliyi waxa oran jirtay ”Nimaan waxa soo soda garan waxa jooga lama waydiiyo…ma gartona waa ahayd”
DOORASHO XOR AH MA WAXAAD KA SUGEYSAAN DHAQAN BUG AH OO AY KEENSADEEN MADAXDA TFGda IYO SAXIIXEYAASHA OO AY KULA SOO HESHIIYEEN INEY U SOO XULAAN XILDHIBAANADII IYAGA DOORAN LAHAA?
MA WAXAAD MOODEEN IN QOF KASTA UU U INDHO AMA DHEGO XIRAN YAHAY SIADA AAD IDINKABA HADDA IDINKA MUUQATO?
WALAALAYAAL ILAAHEEY KA CABSADA DULMI CAD OO AAN GEEDNA LOOGU SOO GAMBANIN AYAAD TAAGEEREYSAAN, WAXAADSE ILOWDEEN INAAD KU ADUUN IYO AAKHARO BEELEYSAAN TAAGEERADA AAD LA GARAB TAAGAN TIHIIN KUWA DULMIGA IYO AWOODDA U SHEEGANAAYA MASAAKIINTA IYO SHACABKA TABAALEYSAN.
OGAADA IN TUUGADAAN AYSAN HABA YARAATEE ABAAL IDINKU HAYNIN OO HADDII AY SIDAAN UGU FUSHO KHAYAANADOODA AAD IDINKA AHAANEYSAAN MAR KASTA KUWA DHIBAATADOODA IYO MACLUUSHOODA AY KU TUUGSI TEGI DOONAAN , JEEBKOODANA KA BUXSAN DOONAAN , HOREYNA WAAD U ARAGTEEN .
aygii lafliqa oo qarsada bowdkaa lagu arkaa asagoobgorafsan