Eritrea Oo Iska Fogeysay In Uu Xiriir Kala Dhexeyo Al-Shabaab
Asmara (RBC) Dowladda Eritrea ayaa gaashanka u daruurtay wararka sheegaya in labo ka mid ah saraakiisha dalkeeda, in uu xiriir weyn kala-dhexeyo kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, taasna ay keentay in dowladda Mareekanka ay kusoo rogtay xayiraad xagga maalliyadda ah.
War ay soo saartay dowladda ayey ku sheegtay in warkaas uu yahay mid been abuur ah oo ka fog xaqiiqda, laguna doonayo in lagu kordhiyo cadaadiska saaran dowladda”
Warkan oo uu soo saaray wasiirka arrimaha dibadda Eritrea, ayaa sidoo kale lagu sheegay in golaha ammaanka QM ay ku guul dareesatey siddii ay arrinta u xaqiijin lahaayeen ee ku saabsan been abuurka loo jeedinaayo dowladda Asmara.
Khamiistii hore, ayaa dowladda Mareekanka xayiraad ku soo rogtay lix qof oo la sheegay in ay taageeran Al-Shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil military oo Eritrean ah, kuwaas oo kala ah Tewolde Habte Negash iyo Taeme Abraham Goitom.
Lixdan qof ayaa hantidooda la fadhiisiyay , sidoo kale waxa la sheegay in la xayiri doona shaqsiyaadka xiriirka xagga ganacsiga la wadaaga.
Arrintan ayaa la sheegay in looga gun lee yahay siddii loo joojin lahaa taageerada ay siiyaan Al-Shabaab, iyo dagaalka ay ka hurinayaan Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaarada maaliyada Mareekanka.
Dowladda Eritrea ayaa warka ay soo saartay ku sheegtay in ay tallaabadaas tahay fal cadow-tooyo ah
Xukuumada Asmara ayaa ugu baaqday wadamada kale in ay qalqaalo u galaan siddii ay uga soo horjeesan lahaayseen dhaqanka xun ee ay ku kacayaan Mareekanka iyo QM ee ka dhan ah Eritrea.
QM ayaa sannadkii hore warbixin ay soo saartay ku sheegtay in la kordhiyo go’doominta lagu hayo dalka ku yaala geeska Africa, kuwaas oo dhaqaale siiya Al-Shabaab-ka Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxday in ay ku guul-dareesatay weerar ay ku qaadi damacsaneyd shirka midowga Africa ee ka dhascayay Addis Ababa.
RBC Radio
—————————-
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] View post: Eritrea Oo Iska Fogeysay In Uu Xiriir Kala Dhexeyo Al-Shabaab [...]
Esias and The Gang of Five mafia must be held accountable to the crimes they are committing against their own people and the people of Somalia.As a Somali I am very disappointed for this little enclave of gangs ,drug dealers,prostitute to qualify as an independent.I believe Somalis,djeboutians,ethiopians must see to it that it is returned to it’s rightful owners-Ethiopians.