Faah-Faahin Dab Khasaaro Geestay Oo Ka Kacay Dhagaxley
Dhadhaab (RBC) Waxa soo badanaya khasaaraha naf iyo maal, ee uu geestay dab xooggan oo xaley ka kacay suuq weyn oo ku yaala xerada xerada qaxootiga Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari dalka Keny.
Inta la ogayahay seddax qof ayaa ku dhintay dabka oo soo gaaray maanta barqadii, laakin intiisa badan xaley lagu guuleestay, walow aysan meesha ka jirin dabdamis meesha yimid.
Wararka waxa kaloo ay sheegayaan in dabka uu gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad weyn.
Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan Dhagaxleey dabka ayaa la sheegay qarax koronto , kaas oo markii dambe ku fafaay suuq weyn oo halkaas oo ku yaalay. waxana la sheegay in dabka qabsaday dhul 500 oo mitir oo isku wareeg ah.
Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in la dhigay isbitaal ku yaala xerada, sidoo kale waxa goobta soo gaaray ciidan Kenyan ah, laakin wax badan kama qaban dabka oo ku fiday qaar ka mid ah xaafadaha ay ku nool yihiin dadka qaxootiga ee ku yaala gudaha xerada.
Ilaa hadda lama sheegin inta uu la egyahay khasaaraha dabka uu geestay, laakin ganacsatada waxa ay lee yihiin malaayiin lacagta Kenya ah ay meesha ku dhuntay.
Waa dabkii ugu xoogganaa oo ka kaca xerada Dhagaxley oo ay ku nool yihiin Qoxootiga ugu badan adduunka, waxana xerada ay ka mid tahay dhowr xero oo gobalka waqooyi bari Kenya ku yaala.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dab uu ka kaco xeryaha Dhadhaab , laakin midkii xaley, waa kii ugu ballaarnaa, ganacsatada ayaa lagu eedeeyay in aysan heesan dabdamis, waxaana qaar kood ay hadda keeneen badeecada, ay doonayeen in ay kaga faa’deestaan bisha Ramadaan iyo Ciidul Fidriga, laakin dhamaan waa ay bas beeleen.
RBC Radio
=======================
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] Excerpt from: Faah-Faahin Dab Khasaaro Geestay Oo Ka Kacay Dhagaxley [...]
Subxan allaah ilahy ilahow
ilaahow u gargaar dhaamn dadka somaliyeed oo masiibada ka badbaadi Yaa Rabi
subxaana llah illahoow intii ku dhimatey u naxariiso inta ku xoola beeleyna adaa u hayee shalayna adaa siiyey ee samir iyo imaan sii samirkaa wax lagu helaa.