Faah-Faahin Diyaarado Duqeeyay Gedo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garbahaarrey (RBC) Wararka ka immaanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo laga lee yahay dalka Kenya in ay duqeynn ka geesteen saldhigyo Al-Shabaab ay lee yihiim deegaannada Birta-dheer iyo Qorof oo 22-km koonfur kaga beegan magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

Dadka deeganka ayaa u sheegay warbaahinta in ay arkeyn labo diyaarad oo ah nooca Helikonterka oo duqeen u geesanaya labada deeggan, waxana ay sheegeyn in ay jiraan khasaaro xooggan oo naf iyo maal leh.

Waxa ay sheegeyn in ay arkeyn gaadid la gubay oo ay lee yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo yaalay meelaha la duqeeyay.

Dhinaca kale maamulka Ahlu Sunna ee gobalka Gedo ayaa duqeymahaas ay ku dhinteyn saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, laakin ma jirto cid madax-bannaan oo xaqiijin karta sheegashadooda.

Waxa ay sheegeyn in duqeynta ay aheyd tii ugu cusleyd oo dhowaanahan lagu bar-tilmaameedsado saldhig ay ururka Al-Shabaab leedahay.

Ahlu Suuna waxa ay sidoo kale lee yihiin saldhigyada la duqeeyay al-Shabaab ayaa ku keydsan jirtay hubka iyo gaadiidka dagaalka, lama oga khasaaraha soo gaaray sidoo kale Al-Shabaab kama hadlin weerarada cirika ee ka dhacay Gedo,

RBC Radio

Share

Tags:

Leave a Reply