Faah-Faahin Diyaarado Duqeeyay Saldhigo Shabaab Ku Lee Yihiin Jubbadda Hoose


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hoosingow (RBC) Wararka ka immanaya gobalka Jubbadda Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo aan la ogeyn cida leh ay duqeyn ka geesteen shaley deeganka Hoosingow oo ka tirsan gobalkaas, halkaas oo ay ku sugan yihiin ururka Al-Shabaab.

Cabdi Naasir Seeraar oo ka mid ah saraakiisha ururka raas-kambooni ee gacan-saarka la leh ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa sheegay in duqeymo ka dhacay deeganka Baako oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose in ay lagu dilay dagaal-yahano ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ma jiro ila madax-bannaan oo xaqiijin kara warkan ka soo yeeray Raskambooni, laakin waxa deeganka ku sugan ciidamo isbaheesanaya, kuwaas oo doonaya in ay qabsadaan ka hor bisha August ee sannadkan magaaladda dekadda leh ee Kismaayo.

Waa weerarkii labaad ka dhacay gobalada Gedo iyo Jubada Hoose, maalin ka hor ayaa diyaarado loo maleenaayo in ay lee yihiin ciidanka Kenya ay duqeyn ka geesteen deegan ku dhow magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ma jiro wax war ah oo kasoo  baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeymaha la sheegay in ay ka dhaceen deeganka hosingow oo ka mid ah meelaha ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

2 Responses for “Faah-Faahin Diyaarado Duqeeyay Saldhigo Shabaab Ku Lee Yihiin Jubbadda Hoose”

  1. [...] More: Faah-Faahin Diyaarado Duqeeyay Saldhigo Shabaab Ku Lee Yihiin Jubbadda Hoose [...]

  2. Gundiid says:

    Duqqya ilaa eey wada dhamaadaan inta soo hartana sun ku buufiya….waa xoola dadka gaaleeynaya inteey diinta faafin lahaayeen…..wexeeyn u aqoonsadeen insaanka basiidka ah ee ku nool deegaamada eey ka taliyaan in uu si fudud ku helo qutul yoonkiisa daruuriga ……da baa qabiil ahaan ku dhahayo maxaa loo duqeeynayaa hosingoow…….Shabaabka iskam saara ayagaa ayaa kuli fitna cindi geel ah

Leave a Reply