Faah-Faahin Qarax Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Xeryaha Qoxootiga Kenya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBHC) Sida ay sheegayaan Booliska Kenya, ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay qarax shaley ka dhacay xerada qoxootiga gobalka waqooyi bari dalka Kenya oo u dhow soohdinta Soomaaliya.

Booliska waxa ay lee yihiin qaraxa waxa uu ahaa miino dhulka lagaliyay, waxa ay la qaraxday gaari ay la socdeen saraakiil Boolis ah, oo ay galbinaayeen baabuur raashin ka qeybinaayay xeryaha qoxootiga, ugu yaraan seddax Boolis ah iyo seddax kale oo rayid ah ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen.

Shaqaalaha gargaarka wax dhawac sooma gaarin, dadka dhaawaca ayaa la sheegay in ay la dhigay isbitaal ku yaala gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

Ugu yaraan 32-qof ayaa ku dhintay weeraro ka dhacay caasimada Kenya Nairobi,magaaladda dekadda leh ee Mombasa iyo magaalada ku taala waqooyiga ee Garissa tan iyo bishii October, markaas oo Kenya ay ciidan u dirtay Soomaaliya, si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro al Shabaab.

Kooxdan, oo xiriir la leh al Qaeda, ayaa lagu eedeeyay qalalaasaha iyo afduubka ka dhaca dalka Kenya.

Ma jiro cid sheegatay masuuliyada weerarkii Arbacadii shaley dhacay.

Philip Tuimur waa madaxa Pooliska gobalka waqooyi bari dalka Kenya wuxuu Reuters u sheegay in saraakiil Boolis ah ay ku dhaawacmeen, gaari ay galbinaayeen ciidanka oo ay lee dahay hey’adda Care International oo raashin ka qeybinaayay xeryahaas, kaddibna gaariga ay wateen uu qarax qabsaday”,

Bishii la soo dhaafay, ayaa goob-joogayaal ku sugan Kenya ayaa sheegay in weerarkii ugu xumaa uu ka dhacay kaniisado ku yaala magaalada Garissa oo ay ku dhinteen ugu yaraan 17-qof halka 60-kalena ay ku dhaawacmeen.

RBC Radio

———————–

Xafiiska Wararka Naiorbi

Share

Tags:

3 Responses for “Faah-Faahin Qarax Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Xeryaha Qoxootiga Kenya”

  1. [...] Read this article: Faah-Faahin Qarax Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Xeryaha Qoxootiga Kenya [...]

  2. Ismahan says:

    Kkkkkkk kkkkkk kenya wali lasmagarin howlbadaan ba idin dhiman wanku faraxsanahy dhibta iyo qaraxyada kadhcaya kenya lkn ugandha ilahy magarsiyo dhb

  3. Gundiid says:

    Ismahan ma waxaad ku faraxsantahay maatada iyo qoxootiga somaliyeed ee khawaarijtu uga daba taktay Xeryihii qoxotiga ka dib markii wadankooda uga soo qexeen daal ooge iyo Mid diinta ku qaraabta……Hadii xeryaha qoxootiga dhibaato ama qaraxyo laga geeysto waxaa ku naf baxaya somalim oo dhan oo qabiil kasta leh

    Hal mid ayaan ku taageeri lahaa qaraxyadan oo ah hadii looga dan lahaan lahaa celinta qoxtiga somaliyed si wadanka loola wareegin sabatoo ah nolal ku ma heestaan xeryaha qoxootiga ee wexeey u soo qexeen Amaan ee ka waayeen wadankoodi hooyo

Leave a Reply