Faah-Faahin Sarkaal Al Shabaab Oo Lagu Dilay Ufuroow


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Bay (RBC) Wararka naga soo gaaraya deeganka Ufurow ee gobalka Bay, ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogtey sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Sida ay sheegayaan dad ku sugan magaaladaas oo diiday magaciisa in la soo xigto, Sargaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Abu Salma, waxaana uu ahaa madaxa dhinaca Dacwada Al- Shabaab ugu magacaaban gobbolada Bay iyo Bakool

Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeesa dilka sarkaal, ka tirsan Al-Shabaab oo ay geesteen, kooxo wajiga soo xirtay, markii dilka uu dhacay, waxa soo gaaray ciidan ka tiran Al-Shabaab oo baadigoob ka sameeyay goobta uu dilka ka dhacay, laakin ma jiro in loo qabtay dilkaas in ay jiraan iyo in kale.

Warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ragga dilka geystay ay ka tirsanyihiin Al Shabaab kuwaasoo uu maalmahaan khilaaf soo kala dhex galay ninka la dilay iyo kooxda dilka geystay.

Degnada Ufurow waxa ka mid tahay degmooyinka wali gacanta Al-Shabaab ku jira gobalka Bay, in kastoo magaalada madaxda gobalka ay hadda ku sugann yihiin ciidamo Ethiopian, kuwa dowladda iyo AMISOM.

Al-Shabaab ilaa hadda kama hadlin dilka Ufurow ka dhacay, sidoo kale kooxda dilka geesatay ayaaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Al-Shabaab horey ayey gacantooda uga baxday dhul badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo ay ka arriinaayeen sannadkii hore.

RBC

————————-

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “Faah-Faahin Sarkaal Al Shabaab Oo Lagu Dilay Ufuroow”

  1. [...] More here: Faah-Faahin Sarkaal Al Shabaab Oo Lagu Dilay Ufuroow [...]

  2. daljire says:

    daa hays dileene masiibadu dadkii kale dhameeyee haatan waa markay iyagu is dililahaayen insha alah isku jaba waa bil soonehe

Leave a Reply