Faah-Faahin Shaqaale Gargaar Oo Lasoo Badbaadiyay
Nairobi (RBC) Faah-Faahino dheeri ah ayaa kasoobaxaysa howgal lagu soo badbaadiyay afar ka tirsan shaqaalaha gargaarka oo seddax cisho ka hor laga afduubtay xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobalada Jubooyinka ayaa u sheegay saxaafadda in howgalka uu dhacay markii la qabtay gaari sahay u waday kooxaha dableyda oo ku sugnaa deeganka Cali Boolay ee degmada Dhadhadhaab ee gobalada Jubooyinka.
Markii la qabtay gaariga iyo kooxdii la socotay ayaa loo kuur galay in la soo helo meesha ay joogaan shaqaalaha gargaarka ee Jimcihii hore laga soo afdubtay xeryaha dhadhaab oo ay u tahay in ka badan 500,000 oo qof kuwaas oo u badan Soomaali ka soo caray dagaalada daashaday dalkooda.
Waxa meesha ka dhacay is rasaaseen kooban, taas oo mid ka mid uu ku dhintay dableyda heesatay shaqaalahan halka seddax kalena la soo qabtay sidaas waxa sheegay Ismaacil Saxardiid oo hoggaaminaaya ciidamada dowladda ee ku sugan gobalada Jubooyinka.
Dhinaca kale, Hey’adda ay u shaqeenaayeen shaqaalahan ee NRC ayaa war ay soo saartay maanta oo Isniin ah ku sheegtay in la soo daayay lana soo badbaadiyay afar ka tirsan shaqaalaha gargaarka oo dhawaan laga soo afduubtay xeryaha dhadhaab ee gobalka NFD.
” Aad ayaan ugu faraxsanahay in shaqaalaheena la soo badbaadiyo iygaoo xor ah” sidaas waxa lagu sheegay warka ka soo baxay NRC. afarta shaqaalaha ayaa u dhashay dalalka Canada, Norway, Pakistan iyo Philippines, waxana lagu qabsaday weerar ka dhacay soohdinta Soomaaliya toddobaadkii hore, darawal Kenyan ah ayaa ku dhintay weerarkaas.
Shaqaale badan oo ah kuwa gargaarka ayaa isaga baxay dhadhaab markii uu dhacay weerarka iyo afduubka, Hey’adda NRC ayaa howlo guriyeen u waday in ka badan 450,000 oo Soomaali ah.
Sidoo kale Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya Cyrus Oguna ayaa u sheegay AFP in la soo badbaadiyay shaqaalaha afarta ah wuuna yiri : “Waa ay bad qabaan gacanteena ayey ku jiraan, waana xor ” wuxuu intaas ku daray in mid ka mid kooxdii dableyda la dilay intii uu socday howgalka lagu soo badbaadinaayay shaqaalahan.”
RBC Radio
—————————-
Xafiiska Wararka Nairobi















[...] Originally posted here: Faah-Faahin Shaqaale Gargaar Oo Lasoo Badbaadiyay [...]
Waar anigaa ayaa jooga jubbaland. Guusha la iskama xasdee nimanka shaqaalahan soo furtay waa ciidanka raskambooni/
Waxaan la yaabanahay sababta ay u aamusan yahay Axmed madoobe ama Kenyanka iyo TFG u sheeganayaan shaqo ayan qaban. Mise sheekadu waa wax walba kula lihi