Faah-Faahin Shil Gaari Oo Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Awdal


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Inta la ogyahay seddax ruux ayaa ku geeriyooday, seddax kalena waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo xaley ka dhacay meel dhowr km u jirta magaalada Boorame ee gobalka Awdal.

Sida ay sheegayaan dad la kulmay shilka gaari , waxa dadka ku dhintay ay ahaayeen hooyo iyo labo carruur oo ay dhashay oo ka mid ahaa rakaabka la socday gaariga.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in dadka dhaawaca uu ku jiro darawalkii gaariga, kuwaas oo la geeyay isbitaalka Boorame, oo hadda lagu dabiibayo dhaawacooda.

Gaariga shilka galay ayaa lagu soo waramayaa in uu noociisu ahaa Caasi ama miini bas, wuxuu ku sii jeeday magaalada Boorame sida ay sheegayan dadka ku soo baxay shilka.

Marka uu shilka dhacay waxa goobta soo gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska kuwaas oo gacan ka geestay in daabulida dadka dhaawaca ah iyo kuwa dhintay.

Waxa la soo sheegayaa in saaka lagu wado in magaalada lagu aaso hooyada iyo labada carruur ee ay dhashay oo ku dhintay shilkii xaley ka dhacay duleedka magaalada Boorame.

Ilaa hadda ma cadda waxa sababay shilka gaari, laakin inta badan shilalka ka dhaca waddooyinka waxa loo sababeeyaa labo middood, waa tan horee waddooyinka oo aan helin dayactir muddo ku badan 20-sanno oo dalka uusan lahayn dowlad dhexe oo arrimahan ka shaqeysa, iyo mida labaad oo ah wadayaasha gawaarida oo aan lahayn khibarad darawalnimo, taasna ay keento in si xawaare ah ku wadaan gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinka iyo gobaladda dalka.

RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Garoowe

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

1 Response for “Faah-Faahin Shil Gaari Oo Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Awdal”

  1. [...] Read the original post: Faah-Faahin Shil Gaari Oo Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Awdal [...]

Leave a Reply