Faahfaahin: 8-Musharax oo Muqdisho Ku Shiray Maanta Kana Digay In Hantidii La Musuqmaasuqay Loo Adeegsado Doorashada Madaxtinimada
Muqdisho (RBC) Siddeed musharax oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta bayaan wadajir ah oo ay soo saareen waxay kaga digeen in madaxda DKMG ah ee hadda jooga ay lacagta lagu eedeeyay inay musuqmaasuqeen ay u adeegsadaan doorashada wadanka.
Waxay sheegeen in warbixintii ay soo saareen kooxda Monitoring Group ay tahay mid aan la dhayalsan karin isla markaana loo baahan yahay baaritaan buuxa oo agu xaqiijiyo in madaxda hadda joogta ay dembi galeen iyo in kale, laakiin loo baahan yahay in hantida dadweyne aan loo adeegsanin in lagu tartamo.
Siddeeda musharax oo mid mid khudbado uga jeediyey kulan ay bayaankan ku soo saareen ayaa shaaca ka qaaday walaac ay ka qabaan qaabka ay wax ku socdaan, iyagoo sheegay in illaa hadda uusan jirin wax diiwaangelin ah oo musharixiinta loo sameeyay iyo inuusan jirin guddi doorasho oo madax bannaan.
Waxay musharaxiinta soo jeediyeen in guddi Soomaaliyeed oo madax bannaan loo dhiibo hawlaha doorashada, isla markaana siyaasiyiinta sharaxan laga dhex saaro arimaha xulista baarlamaanka iyo doorashada si arimuhu u noqdaan wax cad, haddii kale ayey yiraahdeen hawshii mudada dheer Soomaalida iyo caalamka dadaalka ku bixiyeen kana war sugayeen waxay ku dambeyn doonaan khasaare.
Radio Muqdisho iyo SNTV oo la eedeeyay
Bayaanka musharixiinta waxaa lagu cambaareeyay idaacadda qaranka ee Radio Muqdisho iyo Telefishanka SNTV oo ah hanti ummadda Soomaaliyeed leedahay oo haatan isu bedelay goob looga ololeeyo madaxweyne Shariif oo kaliya, iyadoo indhaha laga qabsaday musharixiinta kale arintaaasoo bayaanka lagu sheegay inay sumcad xumo ku keeni doonto suxufiyiinta ka shaqeeya warbaahinta dawlada.
Musharixiinta bayaanka soo saaray waxaa ka mid ah;-
1- Prof Axmed Ismaaciil Samatar
2- Xasan Sheekh Maxamuud
3- C/raxmaan C/shakuur Warsame
4- Maxamuud Maxamuud Guuleed “Gacmadheere”
5- Cabdi Faarax Sheekhdoon (Saacid)
6- Xaaji Maxamed Yaasiin
7- Xuseen Khaliif Jaamac
8- Cumar Salaad Cilmi
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Waxaan aamin sanahay 50% in raisul-wasaaraha kumeel gaarka ee maanta uu mar labaad ka noqonayo raisul-wasaare dowladda kumeel gaarka ah ee soo socoto. Sidoo kale, waxaa aamin sanahay 100% in madaxweynaha kumeel gaarka maanta iyo guddoomiyaha parlamanka marlabaad noqonayaan madaxweyne iyo guddoomiye. Sababta oo ah, dadkaan isma sharixi laheeyn haddii aysan ogeyn iney soo laabanayaan. Waxa dooranayo ma aha dadka somaliya ee waa 225 qofood oo qabiilo ah, dad fakhri ahana u badan, qaar kamid ahna ay rabaan in ay kusii jiraan siyaasadda.
Balo ku degtay! Meeshiiba Afguduud suuqii Balka Dameeraha lagu iibin jiraybuu ka dhigay.
Arrey muga degmooyinaan magacaabaa
Arrey muganna dastuuraan ansaxaa
Arrey mahaan xamarna beledka dalkoow noqaah
Arrey masaakiintana badaraa loo rabiyaa
Arrey muggaana madaxnimmaan u rorogsaa
Arrey maareyaha dekeda muudeey aa noqaa
Arrey muluuqii Gaas dhalayna mahoow iska qoomaaraa
Arrey minankaan berga midigtoow iigu juraa
Acuudu billaahi! Arrey badanaa Iimaankiisa cunuhu…
Jj
Musharixiinta waa is daalinayaan wxa la qaatay inta ay is sharaxayaan in ay dhahan mrka hore wadanka ayaan xoreyneynaa, wayoo ah Mahiga oo wali shaqadiisa ay tahay in uu Somalia uu ka sii shaqeeyo hadana loogu daray mudo 1 sano ah….. idinku mxaa ugu diidantihiin daba dhilifyaashisana in ay ayaguna halka sano loogu daro ,kkkkk, Somalia,mar lagu mashquuliyo wx yaabo aan jiran iyo hda oo jirtana wxaa lagu mashquuliyy Dastuur meel uu u socdo aan la aqoon.walaalayaal sidii aan qoriga anagu iskugu dilno wan naqaanaa balse cadawga shaatiga somalinimada huwan aaan iska qabano oo dadkii wadanka u halgamay aan noqono walaahi wxaan hubaa in maanta dhalinyarada nasiibka xun walina jaaniska heysata oo aan anigu ku jiro in ay hdii ay kacaan ay noqondoonto mid dhagey farey ay ka dhacdo iskana saara Alshababka iyo dowlad ku sheegan oo dalkooda xoreeya Gaaladana ka saara dhamantood kuwa sanka dhuudhiga ah,plz come with all hands. somali hanoolaato somali hanoolato
Radio Muqdisho Iyo SNTV Waa Hanti Qaran Marna ma arag iyadoo muwaadin isku sharaxay xilka madaxtinimo lawaraysanayo,markaa sida ha isku dhaanto oo muwaadin walba xaq buu uleeyahaye talada dalkee wax kawaydiiya.
Wajiya cudub Oo qeyr leh ilaaahooow,225
Meynan ilaah ka baqeyn?meynse wadankoooda horumar la rabin???
SOMALIYEY hala doorto HIIL QARAN.
naw jay jay jay waar meeshu wey qudhunta