FAAHFAAHIN: Dastuurka Qabyada oo Dhaqangeli Doona Xitaa Haddii Ergada Ansixinta Ay Diidaan
Muqdisho (RBC) Sida ku cad qoraalo hordhac ah oo loo qeybiyey ergada ansixinta dastuurka qabyada ah, dastuurka cusub ayaa si ku meelgaar ah loo dhaqangelin doonaa xitaa haddii ergooyinka ay diidaan dastuurkan waxa ku qoran.
Wariyaha Raxanreeb oo ku sugan madasha shirka isla markaana helay nuqul ka mid ah qoraalkaasi ayaa soo sheegaya in qoraalada loo qeybiyey ergada ay yihiin xeer hosaad tilmaamaya qaabka ay u shaqeyn doonaan ergada 825 ee loo xushay inay dastuurka u codeeyaan.
Qoraalkaasi qodobkiisa labaad, faqrada 3aad ayaa sidoo kale waxaa ku qoran “in wixii mueran galo ama laga shakiyo oo ku jira dastuurka loogu laaban doono lixda saxiixayaasha ee kala ah madaxweyne Shariif, Raysul wasaare Gaas, Sharif Xasan, C/raxmaan Faroole iyo wakiilka Ahlusuna”.
Hal su’aal oo ergada la weydiin doono
Sida ku cad qoraalkaasi waxaa ergooyinka ansixinta dastuurka la hordhigi doonaa hal su’aal oo kaliya oo weydiineysa.
“Ma tahay in in Qabyo Qoraalka Dastuurka ku-meelgaarka ah si ku-meelgaar ah loo ansixiyo, illaa looga ansixinayo afti qaran, si uu Soomaaliya uga dhigo mid sida ay tahay ka wanaagsan, gacan innooga siiyo dib u dhiska dalkeena oo uu innagu rido wadada saxda ah ee caddaalada iyo caddaalad bulsho lagu gaaro?”.
Jawaabta su’aashaasi ayaa laga doonayaa in ergada ugu kala codeeyaan ‘OGOLSSNASHO’ ama ‘DIIDMO’. Waxaana jawaabta haddii ay noqonto ‘Ogolaansho’ tirada ergada 50+1 loo arki doonaa in dastuurka uu ansax yahay.
Hase yeeshee haddii ay ergada 50 kaliya ku codeeyaan ‘DIIDMO’ waxaa loo arki doonaa in ay diideen, laakiin dastuurka cusub haddana waa lagu dhaqmayaa si-kuulmaar ah, sida ku qoran qoraalada saaka loo qeybiyey ergada oo Raxanreeb ay heshay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
————————————————————————————————
Faahfaahino dheeraad ah iyo qaabkii uu shirka u furmay+ sawiro ayaan soo gudbin doonaa goordhow, insha Allaah.











Asc sln ka dib waan soo dhaweynaya wixii aan dalka iyo diintena islaamka ah wax u dhimeyn somalida waxey ku maahmaahdaa LAXWAlBO SHLLINKEY ISDHIGTAA LAGU GOWRACAA wixi dantena ah aan qadano somalida yeysan eedin dunida kale ayada ha is eedo herkan manta somali ayada mas’uul ka ah u codee dastuurka si aan dalkena u badbaadsano waa iga talo wadaninimo towfiqda alle hana wafajiyo
dastuurka hadaan lagasaarin qodobada kahor imaanaaya diinteena islaamkaa oo aanay noqon wax umada soomaliyed oodhan maslaxadooda ah , walahay 20 sanaad sheegaysaane habarkasta godkeedaa biyo ugusoogalaayaan , anigu waxaaban layaabanahay wixii umadsoomaliyed kadhaxeeyay ayaa lix nin lagusoo koobay ,oo laleeyahay waa saxiixayaal ,waashaydaano maryo waaweyne,,,, intaan shaydaamadaana somali iska qaban walahay wax siikala fogaada mooyaane wax hagaaga inaan la arkayn, balkan faroole ee macangaga noqday, astamihii doqonimadaa kamuuqata , meel uun kudhegenow uun buu kasyaa ,badow yaa jacayl baray…. waar somalia madaxweynaheedu waa mr. mahinga ,baarlamaankeeduna waa qaramada midobay iyo midowga yurub iyo dhamaan caalamka caawiya, militeriga somaliayana waa amison , laashaka in wadanku guumaysi kujiro ,saxeexayaashanu waa caseeyayaasha mahiinga iyo baarlamaanka oo ah caalamka oodhan , somalia waa dowlada ugu baarlamaanka badan ,meelwalba waajoogaan kkkkkkkkkkkkkkk
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa runtaa somali dhab ah ayaa tahay sida aad uga war bixisay Darwiishoow
Tankale wxaa la yaab noqday hdii aan nahay somali miyaan anagu isku imaankarin odayaasha meesha la iskugu keenay manta ayeey leeyihiin, chance ,inta ay go,aan meesha ku gaaraan ha aadeen geedihi waaweenaa ee haraca ahaaa halkaasna ha ku shireeen hdii ay doonayaa maslaxada somalinimo lololololz
Imisaan lahaa 50% + 1 baa mahiga ku pass garaysan doonaa haddii 51% ay gaari wadaydana ragbaa afka subag loo marin doonaa…..adeer rabitiisa waa meel laakiin gabal dumay ka soo qaad.
Mida kale, odayaal walaa kuwaan aan ugu yeero qowlaysatada oo meesha ku soo qulqulaya baan dastuurku sheega waxba ka badali karin…………….waa gabal dumay oo kale.
Marka……….ragga iyo dumarka u saxaba tumayoow waxaad ka heshaan waxba anaga siinina.
MEEL BAY UMADA U WADAAN NIMANKANIYEE(saxixayasha+mahiga) BAL EEYNU EEGNO,, ileyn cid wax laga weydiinayo howshan ma jiraane, ODAYAASHII waa loo diidey,, qoladii nalagu yiri ayagaa ANSIXINAYANA,,ma tanaa u dambeysey,,, WARKAASAA IMARAA ANIGA!!
kkkkk darwiishow faroole qura maxaad ugasoo qabsatay 6 saxiixayaasha sxb cuqdada aad qabtid badaana bal faroole waligiis idinma xasuusqin waxaa yaaba inaad siilaanyo ehelka dhigateen oo madaxwene kuu yahay maalin walbana ku xasuuqa kuna gumeesta faroole oo aan marna dhib kuu gayasan aad haben iyo maalinba habaar aadku wadaan isga iyo qabiilkiisaa anagu dadka atherskena ah kuma hoos noqono hoos ayaan idiin eegaynaa orda oo dhulkiina difaacda faroole waxuu haysta 5 gobal oo kuwii dawladi hore ah iyo 19 degmo oo dawladii hore ah iyo 4 madaar iyo 3 dekadood local ah iyo mida bosaso waxuu haystaa labo badood markaa dawlad isku filan weeye wana khasab somalida kale iyo beesha caalamku inay maqlaan waxuu dhaho waayo waa nin dad iyo dal dhisan haystaa kunax ama ku farax viva puntland state of republic
@yaab iyo amakaag
aad baad oga soo horjeedaa in dowladaanu socoto wale waxa patrool ka kugu shubtay baan isweydiiyey
maad noo iftiimisid saad somalia xaarka ay ku dhexjirto oga saari laheyd wa adiga dastuurka daba taagane
haddi hadalku uu yahay diid ama ha diidin waa la socodsiinayaa dastuurka marka maba garanaya waxa dadka intaa la eg laysgu keenay madasha.
Somali iyada ha is eedo in maante nin Tanzanian ah uu talo ka gaaro dhulkooda waa wax aynu keensanay.
dastuurka la sheegayo waa baadil .hadaa nahay muslim dasturkeenu waa kitaabka quraanka ah