Faahfaahin: Ergadii Shirka Ansixinta Dastuurka oo Goordhow Laga Daadgureeyay Madasha Shirka Iyo Bambooyin La Qabtay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ergadii ka qeybgaleysay madasha shirka ansixinta dastuurka ayaa goordhow laga soo celiyey madasha shirka ee xarunta Iskool Boolisiya (Gen Kaahiye) ee degmada Xamar Jajab kadib markii qarax miino uu saaka ka dhacay xarunta shirka.

Mid ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya shirka oo telefoonka kula hadlay Shabakada Raxanreeb ayaa sheegay inay dib ugu laabteen hoteeladooda kadib mrkii saaka xilli ay galayeen xarunta uu qarax ka dhacay gudaha xarunta ay ku shirayeen.

Saraakiisha booliska ee ka masuulka ah amaanka goobta iyo ciidamada AMISOM ayaa ku wargeliyey ergooyinka inay ku laabtaan hoteladooda illaa inta amaanka laga xaqiijinayo, waxaana haatan socda baaritaan culus oo laga wado hareeraha iyo gudaha xarunta.

Shirka ansixinta dastuurka oo maanta geli lahaa maalintii saddexaad ayaa sidaasi ku baaqday, sida ergooyinka qaarkood noo sheegeen.

Qaraxii saaka

Sida goob joogayaashu sheegayaan miino nooca dhulka la geliyo ah ayaa ka qaraxday gudaha xarunta Iskool Boolisiya xilli ergada inteeda badneyd aysan weli soo xaroonin.  Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxa illaa hadda.

Qaraxa kadib ayaa bambooyin kale oo aan weli qarxin waxaa laga helay albaabka hore ee laga soo galo xarunta Iskool Boolisiya, waxaana ergooyinka safka ku soo jiray loo sheegay inay dib uga laabtaan.

Lama oga sida ay ku suurtagashay in miinooyinka la geliyo gudaha xarunta Iskool Boolisiya iyadoo amaanka ay adkeeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaalida ee loo xilsaaray adkeynta amaanka goobtan oo ay ku shirayaan ergooyin gaaraya 825 xubnood.

Hay’adaha amaanka kama hadlin qaraxa illaa hadda.

Sidee amaanka loo qeybsaday?

Wariyaasha Raxanreeb oo dhowaan booqday xerada Iskool Boolisiya ayaa arkay qalab casri ah oo loo adeegsaday amaanka goobta shirkan uu ka dhacayo, waxaana aad u adag in cid bannaanka ka timid ay goobta wax ka sameyso.  Tusaale ahaan, waxaa gees kasta oo xarunta shirka ka mid ah lagu xiray Kaamerooyinka amaanka, iyadoo iridka laga soo galo xarunta la dhigay qalabka ‘SCAN’ ee qofka uu soo dhexmaro.

Dhamaan dadka soo galaya xarunta waxay ku soo galaan kaarar aqoonsi oo ay bixiyeen UNPOS iyo guddi ka socda xafiiska raysul wasaaraha, waxayna kaararkaasi leeyihiin qof kasta ‘FARIHIISA’ iyo sawirkiisa oo xaqiijinaya in qofka kaarka sita uu isaga yahay.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

15 Responses for “Faahfaahin: Ergadii Shirka Ansixinta Dastuurka oo Goordhow Laga Daadgureeyay Madasha Shirka Iyo Bambooyin La Qabtay”

  1. Waayeel says:

    Waxay u egtahay in ay AL-shabaab la shaqeeyaan dad ka mida masuuliiyinta iyo ciidmada ammaanka lagu sheegayo.Meel saas oo kale loogu shirayo oo waliba ah meel colaadeed waxay ahayd in bil ka hor la baaro oo la xiro oo kor laga ilaaliyo.Meelkasta oo ay Dawladdu ku shirayso waxaa ka dhaca Qaraxyo,saas darteed uma eka in ay qaraxyadaas..dhigeen ad ka yimid meel fog

  2. Sirmaqabe says:

    warka carar mesha xalay aya lacago laqatay sidi qarax la idinkugu layn lahaye wana kuwa dowlada isku shegaya ala shiikh

  3. daljire says:

    war dawladaaaaaa , abti waxan malaha wada ilaahow adaa xaal og war dadka masaakiintaa yaan lagu layn mesha

  4. Hanka Sare says:

    Yaa la aamini karaa maanta Soomaaliyeey!!, waa kii ku ilaalinayey iska ilaali xaaladdu!…waa yaab.

  5. Ismahan says:

    Inalilahi wa ina ilahyhitrajacun warin nacdinle wa arin aad loga xumado mesha alshabab wa jogte qaraxna madhigikarto ee runta an iskushegno war ilahy halagabaqo anka tashano danta guud wabilahi towfiiq

  6. zubeer says:

    WARYAA GO,OOYIN NOO SOO CELIYA SULDAANKAYAGA SULDAAN CABDI CALI SONKOR ILEEN ISAGA SULDAAMADA KA WADA WANNAGSANE ?? Uguna dherer iyo haybadlehe.

  7. [...] amaanka goobta shirkan uu ka dhacayo, waxaana aad u adag in cid bannaanka ka timid ay goobta wax ka sameyso.  Tusaale ahaan, waxaa gees kasta oo xarunta shirka ka mid ah lagu xiray Kaamerooyinka [...]

  8. Daacad says:

    ……………. Warkaas waa war ummada muslimiinta uxun..waa war aan lajeclahay inuu kudhaco kuwo mahiga iyo dastuurkiisa meesha u aaday..naarta gala dhex wixii halkaas wax ku gaaraan…raxanreeb baryahaaan afkiina aad buu ugaabanyahay oo waaad seexateen..

  9. udgoon says:

    Ascww, Soomaali balaayaa ku dhacdey iney BAM dhigayaan iyo iney wax dilayaan maahee macna kale ma hayaan, waxaase taas iigala daran dowlada iyo dadka islaamka ah TURKIGA maalin walba qalabka dhinac walba leh keenaya oo u qaba dad dawladnimo ka maqan tahay iney yihiin oo is leh u kaalmeeya meel aan nabadiba ka soo socon ALLOW na daba qabo oo kuwii xaq wada dalka u reeb dadka iyo dalkan badbaadinaya. Dhibaato inagama maqna mar hadii qaar soomaalida ka mid ah aysan fahamsaneyn NABADU waxay tahay.
    Aniga waxay ila tahay inta wax qaseysa waa in xaaraan ku nool oo heysata xoolihii Soomaalida inta ILAAHAY ka baqeysa ay la haayeen, hadii aysan saas aheyn maxey nabada u keeni waayeen (iyagoo ILAHAY tala saaranaya ), xamar ku nool oo hadana ganacsiga ku heysata, ileyn nabad baa lagu naaxaaye. Hadal iyo dhamaantiis waxaan Soomaali leeyahay war ILAAHAY ka baqa oo diinta dib ugu soo noqda si fiicana u fahma wuxuu ILAAHAY ina faray nabigeenana scw uu inoo la yimid taasaa kheyrku ku jiraaye, dadkana ha leynina aakhiro su’aal baa jirtee.
    Wabilaahi Towfiiq.

  10. khadija says:

    kala saari maayo dowlada waa qorshe qofkii wax garanaya uu fahmi karo been yeynaan isu sheegin dowladu waxay doonayaan in dastuur dayuuseedkan la ansixiyo odayada waxay ku yiraahdeen idinku shaqo kuma lihidin ee soo xula ergadii dastuurka ansixin lahayd waa soo xuleen misana waxay yiraahdeen iyaga khlad ka saarida shaqo kuma laha ee barlamaanka ay soo xulaan baa leh inuu ka doodo kuwii wax fahmey ee yiri wixii naloo sheegey iyo waxa hada nala leeyahay ismalaha baa layiri war sidee wax noogu hirgalaan maanba qarax ku sameyno goobta si ay ubaqaan oo ay u yiraahdaan meesha aan ka cararno waxana aan is dhaafino khayaamadaa ayaa jirta balse yaan labaqan wixii aan noo cuntameyna diida naftu marbey baxdaa cidina ma baajin karto wakhtigeeda.

  11. xasan daljir says:

    Bismilah ninwalbaa wuxuu iibin karo ayuu iibinayaa, diinmalaha,qadiyad malaha,sariigasho malaha same story ayaa socota (dhiig maal) mooryaan in ey dowlad noqdaan lagamayaabo, Muqdishona madhici karto in ey Magaalo-madax noqoto maadaama ey halaq-galeen noqotey

  12. Waxyaqaan ina waxgarad says:

    Goorma goorteed war dawladi ma jirtee yaysan Tuugadu lafihiina iibsan Qabuurihii horey baa loo laastaye

  13. hanad says:

    Alashiiq aragta alshabab aragta waye waxba kuma kala duwana

  14. KUWII TIYAATARKA DHAAFIYEY BERIGII QARAXA AYAA WALI MEESHA JOOGA OO SHAQEYNAYA,,,,,, WAR ARMEY ISIMADA NAGAGA LAAYAAN MEESHA,,

  15. Loolaal says:

    War warka waa cad yahay inay ka danbeeso dadaka ka shaqeeya baabi inta soomaaliya maxaaa yeelay dhalinyara soomaaliyeed dagaalka ayay ku dhamaadeen yaa haray Odayaasha iyagana meeshaan ayaa lau jarayaa maadaama ay yihiin oqoonyaha u haray sooomaaliya war soomaaliyeyyyy

Leave a Reply