Faahfaahin: Hawlgalo Dad Farabadan Lagu Qabtay oo Ka Dhacay Balcad Iyo Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) In ka badan 100 ruux ayaa lagu xiray hawlgalo illaa shalay ciidamada dawlada KMG ah ka sameeyeen degmada Balcad iyo xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Hawlgalada ayaa ka dambeeyay weeraro fariisimaha ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM lagu soo qaaday dhowrkii habeen ee u dambeeyay kuwaasoo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Huriwaa.

Ilo wareedyo ku dhow taliska nabadsugida Soomaaliya ayaa u sheegay Raxanreeb in dadka badankood laga soo qabtay degmada Balcad halkaasoo ciidamada Nabadsugida garabkooda ALPHA GROUP ay ka hawlgalayeen illaa shalay.

Dadka la soo xiray ayaa ah dhalinyaro looga shakiyey inay ka tirsanaayeen ururka Al Shabaab oo dhowaan ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM kala wareegeen degmadaasi.

Taliyaha Nabadsugida ee gobolka Banaadir Col Khaliif Axmed Ereg oo ka hadlay hawlgaladan u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Balcad ayaa ku micneeyey in ujeedkoodu ahaa si loo xaqiijiyo amaanka loogana hortago weeraro ay soo qaadaan Al Shabaab.

Dhanka kale odayaal iyo siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa dhaliilay qaabka hawlgalada ay u dheceen waxaana la sheegayaa in dadka la qabtay ay ku jiraan arday iyo dhalinyaro goobahooda ganacsiga laga kaxaystay.

Hawlgalada raafka ah ayaa ka socday Muqdisho tan iyo dhamaadkii bishii hore waxaana lagu qiyaasayaa in dad kor u dhaafaya lix kun la xiray mudo usbuucyo ah inkastoo badankood la siidaayey.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

Leave a Reply