Faahfaahin: Maleeshiyo Xoog ku Furatay Maxabiis Loo Waday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Koox mleeshiyo ah oo ka mid ah maleeshiyooyinka taabacsan DKMG ah ayaa maanta duhurkii xoog ku furtay saddex maxaabiis aj oo ciidaada amaanka ee degmada Hodan ay soo qabteen oo loo waday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyada oo ku hubeysneyd hubka fudud isla markaana wadatay dharka tuutaha ee ciidamada militariga ayaa soo weerartay baabuur lagu waday maxaabiista saddexda ah oo uu la socday gudoomiyaha degmada Hodan Cabdi Warsame Dhabaney, kuwaasoo marauyey wadada Maka Al Mukarama.

Iska iska horimaad dhexmaray ciidamada la socday gudoomiyaha degmada Hodan iyo kooxdii soo weerartay ayaa sababay dhimsjhadahal ruux iyo dhaawaca shan ruux oo kale oo qaarkood ay jiireen baabuur iskudhacday markii rasasta ay bilaabatay.

Goob jooge ku sugnaa agagaarka goobta uu falku ka dhacay ayaa Raxanreeb u sheegay in saddexda maxaabiista ah oo ahayd maleeshiyo lagu soo qabtay falal amaandarro ay baxsadeen kadib markii weerarku bilawday, waxaana markiiba ay raaceen baabuur kale oo ay wateen kooxda weerarka soo qaaday oo sida la sheegay isku heyb ahaayeen.

Ma jiro cid ka tirsan laamaha amaanka ee Dawlada oo ka hadlay falkan ay geysteen kooxda maleeshiyada ah ee ay ku furteen maxaabiis ciidamada amaanku soo qabteen.  Hase yeeshee falal midan la mid ah ayaa ka dhacay horey magaalada Muqdisho.

Booliska degmada Hodan ayaa dhowaan qabtay saddex nin oo hubneysan oo horey u togtay taliye ku xigeenkii saldhiga degmada xilli uu iskudayay inuu dad shacab ah ka badbaadiyo kooxda maleeshiyada ah oo rabtay inay lacag baad ah ka qaataan.

Amaanka magaalada Muqdisho oo hadda ay gacanta ku wada heyso DKMG ah ayaan ayaa waxaa caqabad weyn ku ah kooxaha maleeshiyaadka oo wada hubeysan isla markaana sheegta inay ka tirsan yihiin ciidamada dawlada.

 

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

11 Responses for “Faahfaahin: Maleeshiyo Xoog ku Furatay Maxabiis Loo Waday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho”

  1. dheglaawe says:

    Asc wr wbr.ramadan karim aad baan uga xumahay xamar caasimada somalia in duhurnimo aan geed laysugu soo gaban sharciga loogu tunto ayadoo la xiran yahay tuutaha milateriga somaliyeed oo qiimihiisi dhulka lagu jiiday,waxaan ku talin lahaa dadkaan intaan tuutaha loo gelin dhaqan celin ha loo sameeyo,lana baro sharciga xaqa siinaya iyo kan u diiday falal xaqdaro inay ku kacaan sidaan oo kale.Soomaaliyey wadanimadii naga dhuntay,aynu marka hore baadigoob u samayno,waa sida keliya oo dalkeenu ku badbaadayo.Eebow somalinimadi iyo wadanimadi noo soo celi,aamiin.

  2. xaqiiqdii reer kaan xamar sheegta run kama ahan dawladnimada caqabada ugu wayn ee somali in ay dawlad hesho oo ay isu soo noqoto hortaagan ayaga weeye dadkii guryahoodii xooga lugu haystay 22 sano ayaa hada lugu laynayaa dadka ayaa la.iska boobayaa maxaabiis ayaa hayb qabiil xoog loogu soo furanayaa eshil xikaaya war waxa kan wax macquul ah ma.ahan runta in la.isu sheego weeyaan
    reerkaan wali diyaar uma ahan in boogihii ladhayo oo la.isu soo noqdo
    somali hawl badan ayaa utaal aniga waxaaban aaminsanahay doodii ahayd caasimada somaiya in ay muqdisho noqoto calaamatu su.aal hala galiyo waayo ayadoo 22 sano kasoo wareegtay burburkii iy dhibkii shacabka somaliyeed soo gaaray baa ilaa hadana waxa raja ah aysan kasoo muuqan reer kaas

  3. Puntland boy says:

    Meeshu waa xamar waxay ladegi ladahay 1 Waa qaladkii & Dambigii Lagu galay, 2 Xamar Maahan meel reer gooni u sheegan karo waa Maagalo Soomaali oo dhan ka dhexeeyso , Ilaa sixaqiiqa ah Soomali isugu timaada oo inta nabada .Walaal nimada & Daa cada ah aay israacaan oo qofwalba uu runta u sheego fartana ku fiiqo kan reer kiisa Oo xanuun san ilaa waa isnaqaanaa Soomalina uga Digno, Dadka yaacaya waa lacagdoon intooda badana waxay wataan foreign passport , Soomali ma heshiin Ilaa xaqiiqada laga hadlo oo Soomaali waa garantaaye lagaramo Dad waxaan nahay wax badan ka dhaxeeyo,Viva Puntland & Soomalia

  4. Jawaabe says:

    Ramadaan kariim dhamaan muslimiinta caalamkoo idil ma wanaagsana in bishaan ramadaan waxaan oo kale dhacaan waxaan had jeer soo noqnoqata maleeshiyaad dowlada taabacsan anigu ma qabo inay meel isla galaan dowlad weynu naqaan maleeshiyaadna waa ogtihiin meeshii ay geeyeen soomaaliya marka weli waa fowdo muqdisho caasimad marnaba noqon mayso intay maleeshiyaad joogaan hadii ay daacad yihiin dowlad isku sheega waa inay mowqif cad iska taagaan kuwan ku ciyaaraya magaca umada maxay tahay danbiilayaal maalin walbaa la soo furanayo wali meesha xataa wax dowlad u eg kama jiraan aawey amison ciidama qalabkasida aawey boliiskii aawey aawey nabadsugidii war soomaaliyeey yaan umada la madadaalin waxaan jirin loo sheegin hada dadbaa oranaya qaladku wuu dhacaa anigu waxaan qabaa weli mooryaantii baa meesha maamula waxaan dowlad ah ma jiraan

  5. hani says:

    @ baardheere

    walalo dad doqoma ah dad dhan ha u wada mideynin, reer xamar waa dad nabad iyo hurumar rabo, ee baardheere xita nabad mahan ogoow taas
    marka hore somalia iyada dhan ba heer qabil baratay ee kii la xiro wuuxu ka xerneynin waa qabil ba u hilinaayo, 22 dii sano dowlada reer ba qaladkiisa kula hiilisay ee waxas ba wadanka burburkisa ugu horeeyey, markae aniga ma dhahaayo reerka xamar dagan wee dhib yaryihiin, waa la wada ogyahay inee dhib badan yihin, lakin qof kasta hoos reer kisa iyo degankisa ha u firiyo.

  6. hani says:

    @ puntland, walaalo aad ba kugu raacsanahay, masha’allah, angia saas ba ka wada ee soomaalida ilahay ha ka badbadiyo qabil oo si qaldan loo adeegsanaayo.

  7. Ismahan says:

    Kkkkkkkk ilahow xaqasoor malin waxa iman donta qabil iyo wall midna waxku qabanayn dadka wali qabil madaxa ugajiro wa dad jirab ilahy badawayn kara ilahow dowlad cadilan ku waydisanay amin aman amn

  8. hershi says:

    Dawladba haday jirto in ay maleesiyo jirtaba maha. Bal fiiriya maleesiyada dawladda taabacsan oo iyadoo awood ciidan isticmaalysa. Allow yaa ogaada waa reerka Sheekh Shuruf iyo ninka waalan oo indhaha cadcad oo gudoomiye ku magacaaban

  9. somali ha israacdo says:

    Aad Ayaan uga xumahay waxaas oo kale inay dhacdo laakiin umada soomaaliyeed oo ilaahay daraadiis usooman waxaan uga digayaa inay qofka xun qabiil usaariyaan wax walba walaalayaalow aan qabiilka ka gudubno oo aan u dadaalno law and orderly inuu shaqeeyo maanta waynu ognahay in meel kasta oo soomaaliya kamid ah uu qabiilku ka shaqeeyo nin walba ha ogaado waxaa lagaari doonaa maalin sharcigu ka shaqeeyo muqdisho iyo meel kasta oo soomaaliya kamid ah ilaahay sharaftii soomaali ha u soo celiyo adinkana ha fiirinina askariga xun kaliya kan fiicana arka oo difaaca qaranka iyo calankaba u dhimanaya i am very proud muqdisho inay aragti. Iyo muuqaal fiican tahay waqtiyaal badan oo ay soo martay soomaali oo dhana maanta ayadoon qof kamaqnayn ayay joogtaa mida kale muqdishaa wax kadhaceen markii lagu dhaho ha u maleyn in garowe ama baardheere ama cadaado ama baladweyne. Ama baydhabo ama marka ama gaalkacyo ama burco wax ka dhaceen ee waa in aad ogaataa intaas oo la isku daray inay wax ka dhaceen

  10. prof Piccolo says:

    waa mooryaan iyo kuwo ay asakr ka dhigteen oo ilaalo u ah guryaha ay dhaceen marka somaliya waa in caasimada laga wareejiyo sida ugu dhaqsaha badan

  11. [...] “Hawlgalka ciidamada amaanka weli waa socdaa, hadda waxaan heynaa dhowr kooxaha burcada ah waxaana ku jira nin qof rayid ah ku dilay isgoyska Bakaaraha iyo labo nin oo weerartay ciidanka boliiska oo maxaabiis waday bishii hore isgoyska KM4″ ayuu yiri Col Axmed Xasan Maalin. [HALKAN KA AKHRI WEERARKA MAXAABIISTA LAGU FURTAY] [...]

Leave a Reply