Faahfaahin: Qarax Xalay Ka Dhacay Magaalada Baydhabo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Baydhabo (RBC) Ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamada DKMG Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax miino loo adeegsaday oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sida ay Raxanreeb u sheegeen dad ku sugan magaalada waxaa qaraxa uu ka dhacay goob biibito ah oo ku taalla bartamaha halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada oo hoostaga DKMG Soomaaliya.

Rasaas fara badan ayaa la maqlayay qaraxa kadib inkastoo aysan jirin cid loo qabtay qaraxa.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa saaka xasiloon, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo midka gobolka oo ku saabsan qaraxa.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa soo hagaayeybishii u dambeysay iyadoo weeraradii dilalka iyo qaraxyada oo ku badnaa magaalada ay yaraadeen illaa sodonkii cisho ee la soo dhaafay.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

Leave a Reply