Faahfaahin: Wasiiro Ka Socda DKMG oo Caawa Madaxweyne Faroole Kulan Kula Qaadanaya Garowe


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif

Garowe (RBC) Wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka ganacsiga ahna raysul wasaare ku xigeenka DKMG Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo maanta gaaray Garowe ayaa caawa kulan albaabada u xiran yihiin waxay madaxtooyada Garowe kula leeyihiin madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Kulanka oo bilawday caawa maqribkii ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa lagu gorfeynayaa ismariwaa u dhexeeya DKMG ah iyo madaxweyne Faroole kaasoo ka dhashay tirada ergooyinka maamulka Garowe u dirsanayo shirka ansixinta dastuurka oo sida qorshuhu ahaa lagu waday inuu furmo Arbacada berito ah.

Ma jiraan wariyaal loo ogolaaday inay kulanka tagaan, waxaana aad u adag in war faahfaahsan laga helo kulankan oo illaa haatan ka socda xarunta madaxtooyada.

Dhanka kale ka hor kulankan ayaa waxaa saxaafadda la hadlay C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah wasiirka ganacsiga DKMG ahna raysul wasaare ku xigeenka wuxuuna sheegay inay Garowe u yimaadeen sidii ay wadahadal ula yeelan lahaayeen madaxweynaha Puntland.

“Farriin ayaan uga wadnaa madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare C/weli Gaas” ayuu yiri raysul wasaare ku xigeenka DKMG ah.

Mar la weydiiyey wasiirka in waxyaabaha laga hadlayo ay ku jiraan ergada la isku heysto, wuxuu diiday inuu ka hadlo qodobkaasi.

Warar ku dhow maamulka Puntland ayaa xaqiijinaya in ergadii boqol  iyo labo xubnood ah oo uu madaxweynbe Faroole soo xulay si ay shirka dastuurka uga qeybgalaan ay weli ku sugan yihiin magaalada Garowe, iyadoo diyaaradii qaadi lahayd ay taagan tahay garoonka Garowe.

DKMG ah ayaa ku wargelisay maamulka Madaxweyne Faroole inuu soo dirsado 30 xubnood oo kaliya maadaama isimada beelaha Bari, Karkaar, Mudug iyo Sool oo Faroole xisaabta ku darsaday ay gaarkood u soo xusheen ergadooda taasoo madaxweynaha Puntland uu gaashaanka u daruuray.

Dhanka kale saacado kaliya ayaa ka harsan waqtiga uu berito magaalada Muqdisho ka furmayo shirka ansixinta dastuurka qabyada ah kaasoo aan la ogeyn inuu dib u dhici doono mar sadexaad iyo in kale walow DKMG ah ay ku dadaaleyso in shirka uu rasmi ahaan berito u furmo.

 

Faahfaahinta kala soco Raxanreeb.com

Share

Tags:

4 Responses for “Faahfaahin: Wasiiro Ka Socda DKMG oo Caawa Madaxweyne Faroole Kulan Kula Qaadanaya Garowe”

  1. Soomaalirun says:

    Madaxweyne faroole wixiisu waa xoog iyo jujuub,bal hadii isimadii la yaqaanay ee bari iyo mudug iyo sool ay muqdisho joogaan ,yeey yihiin kuwa garoowe u fadhiya een kuwii nugaal ahayn yaab anagaa aragnay!

  2. Mahad says:

    Quraan saar buu u baahanyahay faroole wuu ku dhuftay meeye tolkii

  3. qandala girl says:

    Intii dustuur laysku xakumayo oo shariicadii kitaabkeena lagatgey filimayo

    in somalia isfahmi doonto ama khiyaanado kamqnaan doonto udayaasha dhaqnka waxaan leeyahey

    cumri baad joogtaan ee talo fiican umada somaliyeed u tilmaama oo ah in laysku xakuma
    shricada islanka laakinse hadiiba udayaashi cuqaalka ahaa ayba duststurkii anisxinyan oo ku qancsanyihiin xaalka somalia inow hagaago waa fogyahey ilaahow madxdayda iyo shacbkyga tus wanaga

  4. John says:

    Waxa isweydiin leh, Su’aasha ah, haddiiba ay dhacdo in markaasi Atoore Baadiyo laga Hoos Baadiye … ma dhici karta, in markiiba uu Madaxa Hoos u Fooraariyo isla markaasina uu yiraahdo :- “Xalaal Caleyk”… ?, mise waxa uu soo Istaagi kara :- “Ma Dhici karto iyo Sidee u Dhici karta”… Si markaasi uu inagana Qorta isku kaaya galiyo … !

Leave a Reply