FADEEXAD: Guddi Hoos Taga QM oo Banaanka Soo Dhigay Malaayiin Doolar oo Ay Lunsadeen Madaxda Soomaalida (Akhriso Magacyada)
Nairobi (RBC) Warbixin maanta oo Axad ah shaaca laga qaaday oo ay diyaariyeen Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu faahfaahiyey hanti gaareysa malaayiin doolar oo ay lahayd dawlada Soomaaliya taasoo ay xadeen masuuliyiinta ugu sareysa DKMG Soomaaliya.
Warbixinta ayaa daaha ka qaaday faahfaahino buuxa oo muujinaya tirada lacagaha la xaday, meelaha ay ka yimaadeen iyo jawaabihii ay bixyeen masuuliyiinta qaarkood markii wax laga weydiiyey lacagahan deeqaha loo siiyey dawlada ee la xaday.
1- Sheekh Shariif Sheekh Axmed (Madaxweynaha hadda ee DKMG)
Warbixinta ayaa cadeysay in lacag gaareysa 3 milyan oo doolar (USD $3,000,000) oo ay ku deeqday dawlada Cuman uu qeyb ka helay madaxweyne Shariif, taasoo si shakhsi ah uu uga faa’ideystay.
Lacagta dawlada Cuman ay bixisay waxaa loogu talagalay in lagu dhiso ciidamada nabadsugida, balse Sheekh Shariif wuxuu lacagtaasi qeybtii uu ka helay u dhiibtay nin lagu magacaabo Cabbaas Sheekh Maxamed Jamaalo (ama Jimcaale) oo ka soo jeeda beesha Agoonyar/Harti Abgaal/ Abgaal oo ah beeshauu ka soo jeedo madaxweyne Shariif. Cabaas iyo Shariif, ka sokow inay isku reer yihiin waxaa ka dhexeeya hawlo ganacsi, sida lagu cadeeyay warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay.
Warbixinta ayaa ka soo xigatay saraakiil ka tirsan dawlada oo hadda jooga, iyo qaar hore dawlada ula shaqeyn jiray in Cabaas Sheekh Maxamed uu horey u bixin jiray raashiinka iyo tasiilaadka ciidamada amaanka ee dawlada Soomaaliya. Cabbaas axaa uu leeyahay shirkad lagu magacaabo A.S.M.J General Trading Company taasoo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, waxayna shirkaddan ku diiwaangashan tahay shirkad Kenyan-Somali ah.
Waxaa kaloo la tilmaamay Danjire Sheekhey oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya u jooga Dubai oo saaxiib dhow la ah Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan.
Warbixintu waxay sheegtay in dhaqaale ka badan 30% lacagta guud ee dawlada Soomaaliya soo gashay (una dhiganta afar meelood meel 1/4) ay ku baxday xafiisyada saddexda masuul ee ugu sareysa dawlada KMG ee kala ah xafiiska madaxweynaha, xafiiska raysul wasaaraha iyo xafiiska afhayeenka baarlamaanka. Sanadkii 2011, saddexdan xafiis markii la isu geeyo waxay isticmaalaan lacag kor u dhaafeysa US$12.6 million (Labo iyo Toban Milyan iyo Lix Boqol Kun Doolar), waxayna lacagtaasi u dhigantaa 23% miisaaniyada guud ee dawlada ee sanadkaasi.
Waxaa yaab noqotay in halka saddexda xafiis ay lacagta intaasi gaareysa ku takrifaleen in dhammaan wasaaradihii kale ee dawlada ee laga rabay adeegyada aas aasasiga marka la isku daro, ay isticmaaleen US$15.4 million (Shan iyo Toban Milyan iyo Afar Boqol Kun Doolar).
2- Shariif Xadan Sheekh Aadan (Afhayeenka xilka laga qaaday)
Warbixinta ayaa sheegtay in Shariif Xasan uu mudo dheer waday xatooyada xoolaha dawlada isla markaana uu saaxiibadiisa gaarka ah u saxiixay qandaraasyo gaar ah tan iyo markii loo magacaabay wasiirka maaliyadda ee DKMG ah sanadkii 2009 xilligaasi oo uu raysul wasaare ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Shariif Xasan wuxuu lacag dhan saddex milyan (USD $3,000,000) ka helay dawlada Cuman oo ah lacag ay kala qeybsadeen isaga iyo Madaxweyne Shariif, lacagtaasoo dawlada la soo gaarsiiyey bishii April 2009. Wuxuu sidoo kale hal milyan (USD $1,000,000) ka qaatay shirkadda SKA Air Logistics oo uu isaga gacantiisa ugu saxiixay garoonka iyo dekeda magaalada Muqdisho.
Shariif Xasan wuxuu saami ganacsi ku leeyahay hawlo ganacsi oo ay wada leeyihiin isaga, Gen C/laahi Gaafow oo ah ninka madaxda ka ah Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo nin lagu magacaabo Shariif Axmed Bacalawi. Saddexdooda waxay la shirkoobeen shirkad lagu magacaabo Mondial Technology Information oo la siiyey qandaraaska sameynta baasaboorka cusub (E-Passport) oo fadhigeedu yahay Dubai.
Shariif Xasan wuxuu dawlada Suudaan kula heshiiyey in loo daabaco lacag Shilin Soomaali ah oo qiimeheedu yahay 1,000 Sh.So, 2,000 Sh.So, 10,000 Sh.So, 20.000 Sh So iyo 50,000 Sh. So. Lacagtaasi ayaa daabacaadeedu ku kacaysaa $150 million oo doolar. Lacagtaasi waxaa daabacaysa shirkadda Sudan Currency Printing Press (SCPP) oo ku taalla magaalada Khartoum.
Haweeney lagu magacaabo Khadiijo Cosoble ayaa iyaduna la sheegay inay shirkaddan weydiisatay inay lacag Shilin Soomaali ah u daabacdo.
Warbixinta guddiga waxay tilmaantay in Shariif Xasan, sanadkii 2010 uu ka hirjeestay guddi maaliyad oo uu sameeyay raysul wasaarihii xilligaasi Cumar C/rashiid. Guddigaasi waxaa madax u ahaa C/risaaq Fartaag waxayna soo bandhigeen hal warbixin oo ka hadlaysay xaalada dhaqaale ee wadanka laakiinShariif Xasan oo ahaa wasiirka maaliyada ayaan ku farxin guddiga wuxuuna la kaashaday madaxweyne Shariif oo saaxiibkiisa ahaa in guddiga lakala ceyriyo.
E-Passport oo ganacsi laga furtay
Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay ayaacadeysay in baasaboorka cusub ee Soomaaliga uu noqday ganacsi laga taajiray iyadoo xitaa xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab loo sameeyay baasaboorka. Guddiga Qaramada Midoobay waxay xaqiijiyeen in nin ka mid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab la siiyey baasaboorka nooca diblomaasiga iyadoo ay u fududeeyeen saraakiil ka tirsan DKMG ah. Waxaa kaloo jira, sida warbixintu sheegtay inay jiraan dad ka tirsan Al Shabaab oo labo baasaboor heysta.
Mid ka mid ah ragga ugu sareeya kooxaha burcad badeeda ayaa isaguna la siiyey baasaboorka diblomaasiga oo leh sawirkiisa iyo magaciisa, waxaana gacan ka geystay saraakiil dawlada ku jira.
Warbixinta ayaa cadeysay in mudadii u dhexeysay 2007 illaa 2010 hal shilin oo kayimid baasaboorka cusub sameyntiisa uusan u xaroonin wasaaradda maaliyada ee DKMG ah, halka mudaddii u dhexeysay July 2010 illaa December 2011, lacag gaareysa US$1.5 million (Hal Milyan iyo Bar Doolar) oo ka soo xarooday bixinta baasaboorka la waayey meel ay ka baxday.
3- C/weli Maxamed Cali Gaas (Raysul wasaaha hadda ee Dawlada)
Guddiga qoray warbixinta waxay sheegeen in raysul wasaare C/weli Gaas uu maalin kasta waraaqo u diro xafiiska canshuuraha ee dekeda Muqdisho isagoo ka codsanaya in canshuurta laga dhaafo shirkado iyo shakhsiyaad uu ku sheego inay dawlada adeeg u qabanayaan.
Raysul wasaare Gaas waxaa lagu eedeeyay in xukuumadiisu ay heshay lacag gaareysa $15 milyan oo doolar (usd $15 Million dollars) oo ahayd deeq ka timid dawlada Imaaraadka Carabta UAE. Laakiin lacagtaasi markii la weydiiyey raysul wasaare Gaas wuu beeniyey wuxuuna sheegay in xukuumadii isaga ka horeysay ee Raysul wasaare Farmaajo loo dhiibay lacagtaasi oo uu cadadkeeda ku sheegay $10,000,000 (Tobam Milyan) isla markaana $3.5 milyan oo ka mid ah si khaldanu isticmaaleen, waa sida laga soo xigtay C/weli Gaas.
C/weli Gaas waxaa kaloo ku maqan hal milyan oo doolar (USD $1.000,000) oo ka timid dawlada Koonfurta Suudaan, taasoo xafiiska raysul wasaare Gaas uu qariyey halka ay martay.
Guddiga warbixinta qoray waxay sheegeen, in lacagta Koonfurta Suudaan ku deeqday horaantii sanadkan 2012 la soo marsiiyey shirkad lagu magacaabo Price Waterhouse Coopers, waxaana ujeedada lacagtaasi ayahayd in lagu teegeero dib u heshiisiinta iyo xasilinta goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab ee gacanta dawlada soo galay. Dukumintiyo ay heleen Guddiga Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin Soomaali ah ayaa xaqiijiyey in lacagtaasi ay soo gaartay dawlada waxayna warbixintu sheegtay in Raysul wasaare C/weli Gaas uu amray wasiirkiisa maaliyadda inuu lacagtaasi siiyo shakhsiyaad, xildhibaano iyo siyaasiyiin waaweyn, halka US$121,700 (Boqol iyo Kow iyo Labataan iyo Toddobo Boqol Kun Doolar) ay ku baxday xafiiska raysul wasaare Gaas oo kaliya.
Markii raysul wasaare Gaas la weydiiyey halka ay mareen lacagahan iyo in lagu bixiyey arimaha dib u heshiisiinta ma jirin wax jawaab ah oo laga helay.
4- Maxamed C/laahi Farmaajo (Raysul wasaarihii hore Dec 2010- June 2011)
Raysul wasaaraha hadda jooga C/weli Gaas wuxuu Farmaajo ku eedeeyay inuu si xun u maamulay lacag gaareysa $3.5 (Saddex Milyan iyo Bar oo doolar) taasoo qeyb ka ahayd $10,000,000 (Toban milyan oo Doolar) oo dawlada Imaaraadka Carabta UAE ugu deeqday xukuumadii Maxamed C/laahi Farmaajo.
Guddiga Qaramada Midoobay waxay xaqiijiyeen in ka sokow tobanka milyan ee doolar ee loogu deeqay xukuumadii Farmaajo, ay jirtay shan milyan oo doolar ($5,000,000) oo loogu deeqay xukuumada C/weli Gaas.
C/weli Gaas wuxuu Guddiga Qaramada Midoobay ee warbixintan qoray u sheegay in dawlada Imaaraadka ay bixisay toban milyan oo doolar lacagtaasoo loo dhiibay xukuumadii Farmaajo, hase yeeshee kaliya $6.500,000 (Lix Milyan iyo Shan Boqol kun doolar) la geeyay Bangiga Dhexe. C/weli Gaas wuxuu intaa ku daray in US$5,000,000 (Shan Milyan oo Doolar) oo ay bixisay Dawlada Imaaraadka loo dhiibay maamulkiisa taasoo gebi ahaanteed uu sheegay in la geeyey Bangiga Dhexe. Laakiin Guddiga Qaramada Midoobay waxay sheegeen inaan la xaqiijin karin sheegashada ah in lacagta shanta milyan la dhigay Bangiga Dhexe.
Sidoo kale waxaan la ogeyn sababta uu wasiirka maaliyada DKMG ah u sheegay lacag ka badan inta uu raysul wasaaruhu sheegay.
Eedeymaha ka dhanka ah Farmaajo illaa hadda waxba lagama weydiin, sida guddigu ay ku sheegeen warbixintooda.
5- C/raxmaan Maxamed Faroole (Madaxweynaha Puntland)
Guddigu waxay madaxweyne Faroole ku eedeeyeen inuu ka faa’ideystay shirkado shisheeye oo uu dalka keenay isagoo ku xadgudbay cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay horey u saartay Soomaaliya.
Guddigu waxay warbixintooda ku sheegeen in shirkadda African Oil oo madaxweyne Faroole heshiis horey ula galay ay keentay shirkad lagu magacaabo Pathfinder Corporation taasoo amaanka qaabilsan, waxayna shirkadan ka hawlgashaa gobolada waqooyiga Soomaaliya (Puntland)waxayna qeyb ka tahay kooxda “Puntland Exploration Security Unit” ooloogu talagalay amaanka goobaha laga baarayo shidaalka ee ku yaalla Puntland.
Kooxda “Puntland Exploration Security Unit” iyo shirkaddan Pathfinder Corporation ayaa la sheegay inay qalab militari u geeyeen Puntland iyadoo kharashka iyo mushaharkana ay bixisay shirkadda African Oil.
Guddiga waxay tilmaameen in madaxweyne Faroole uu heshiisyo la galay shirkado amaan uuna si cad ugu xadgudbay cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ay saartay Soomaaliya taasoo tirsigeedu ahaa Security Council resolution 733 (soona baxay sanadkii 1992).
Saracen iyo Puntland
Guddiga Qaramada Midoobay waxay sheegeen in Shirkadda Saracenoo ah shirkad ay leeyihiin calooshood u shaqeystayaal ka hawlgabay ‘Balackwater iyo CIA’ ay ka hawlgasho deegaanada Puntland iyadoo aysan jirin wax sharci ah oo ay ku joogaan. Saracen waxay leedahay in ka badan 1,000 askari ooku qalabeysan hubka culus iyo diyaarado waxayna toos uga amar qaataan madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, sida ku qoray warbixinta Guddiga.
Faroole markii la weydiiyey arimahan, waxay guddigu sheegeen inuusan u soo jawaabin isla markaana maamulka Puntland uu u muuqdo mid diidan shaqada guddiga caalamiga ah uu hayo.
Halkan ka akhri warbixinta Guddiga QM oo English
——————————————————————————————
Warbixinta Waxaa Tarjumay RBC Radio
Raxanreeb.com
















[...] More: FADEEXAD: Guddi Hoos Taga QM oo Banaanka Soo Dhigay Malaayiin Doolar oo Ay Xadeen Madaxda Soomaalida… [...]
tuugo yar yar ayay ka hadleen away xoolihii badnaa intaa kaliya haday ku simanyihiin ma xumaadeen
Waxani waa fadeexad waalan waxaan qabaa in labada shariif maxkamad lasoo taago waliba ayagana lasoo taago maxkamad faroole mahiiga iyo rag xilibaano ah oo lacagta wax ka cunay sidoo kale Jen. Gaafoow xoolahoodaana la cunaqabatayn lasaaro mida kale arinta gaas mugdi ayaa ku jira hadii ladhahay $15 Malayan ayaa laguu dhiibay waa inuu isa soo xisaabiyaa farmaajo ma u malaynayo inuu wax xaday laakiin baniiaadam wax walba kafilo marka waa in si laga fiirsadaa eedaymaha c.wali farmaajo usoo jeediyay. Ilaahow cadaalad nasii
koleeyba labo shariif waanu nacnay oo nu nacnay
[...] Continue Reading: FADEEXAD: Guddi Hoos Taga QM oo Banaanka Soo Dhigay Malaayiin Doolar oo Ay Lunsadeen Madaxda Soomaal… [...]
ASCaleykum , Hantidii wadanka Jamhuriyadda Somaliya intaas kaliya ma ahayn ragaan waala marsedey kadibna god dheer ayaa lagu ridey waxaa layskaga dhigey saaxiib dhow oo la shaqeynaya lakiin dhulkaa lagu jiidey maanta weji malaha oo Ilaah swt xarigiisa ayeey gooyeen umadiina aamin danbe ku qabi meyso, shantaba xabsi daa’in halagu xukumo hana lagu ciqaabo in la geliyo qolal aan qofku fariisan karin, injir,dhilqe,kudkude,jiir ama dooli iyo wariiri haloogu shubo qolalka aay seexanayaan ka dibna lug iyo gacan halaysku xiro dhuusadooda iyo xaarkoodana cunto haloogu dhigo wejigiin gubey maxeey busteeki iyo alfoorno isku cuneen xaaraan qofkii cuna asagaa ka war keenaya. Madaxweynenimo waala ceebeyey kuwaana hada u sharaxan ineey madax noqdaan shacabku ha ogaado in caalamu wuxuu somaliya ku aamini waayey aay arintaanoo kale ka mid tahay marka war majiro kuwaan oo ladhadhansiin waxeey kasbadeen hantidoodana lala wareego. illaahoow dalnabada iyo dada caafimaad qaba sc.
HADDII AY YIHIIN MADAX NADIIF AH WAA INEY SI DEG DEG AH ISKU CASILAAN SI AY ISAGA DIFAACAAN EEDEYMAHA LOO SOO JEEDIYEY OO AAN NOQON KARIN KUWO LEYSKA SOO QOREY MAXAA YEELEY HAY’ADAHA SOO JEEDIYEY WAA KUWO CAALAMI AH OO WELIBA AY U IDMATEY QARAMADA MIDOBEY UNKA.
WAA IN MAXKAMAD LA SOO TAAGO MADAXDAAN LA EEDEEYEY IYO INTII KALE OO KU LUG YEELATO XATOOYADAAN WEYN OO LAGU DHACEY HANTIDII QARANKA IYADOO KUMANAAN KUN OO SOMALI AH AY U DHINTEEN MACLUUL ISLA WAQTIYADAAS.
HADDII MAXKAMAD LA SOO TAAGI WAAYO WAXAA CADAANEYSA INEY BEESHA CAALAMKA AY LA OGTAHAY XATOOYADAAS IYO IN SHACABKA LAGU HAYSTO QORI CAARADDIISA, TAASNA WAXEY BEEN KA DHIGEYSAA DICAAYADAHA KU SAABSAN DIMOQRAADIYADDA LAGA DOONAAYO WADAMADA AAN AHAYN KUWA REER GALBEEDKA.
Wa fadeexad weyn…waa tuug qaran….vote for cabdi samatar,waa ninka kaliya oo wadani nadiifa.
Jebinta cunaqabataynta hubka ee soomaaliya waa dembi weyn , faroolena dembigaasuu galay waxaan rajaynayaa in maxkamada dembiyada caalimiga ah looga yeero.
waxaa muhiima in lacagaha dibada iyo gudahaba aykuhaystaan laga xayiro oo dawlada dhalandoonta lagu wareejiyo laguna xisaabtamo
ACWW:Waa arrin loo baahan yahay in somalidu ogaato waxa ay yihiin siyaasiyiinta somalida,waxa siyaasadda loogu kala ordayana ay tahay in wax la xado.
Sida ay ila tahay sidan ayay arrimuhu u kala culus yihiin waxaa ugu daran 2 shariif iyo Gen Gafow oo cadayn loo hayo.Waxaan ku xijin lahaa Pro Gaas oo isagu ay caddahay in uu wax isabada mariyay imisa shaqsi ama NGO ayuu canshuur dhaaf u sameeyay kana qaatay lacag?waxaa laga yabaa lacagta 2 shariif mid ka badan in uu dhacay wuuna ka aqoon badan yahay tiiyoo dadku sidaa aanay wax u fahmi karin.Farmaajo wuxuu iigu muuqdaa ninka ugu xatoyada yar iyadoo aan wax badan laga weydiinin eedaynta uu soo jeediyay Pro Gaas halkaas waxaa iiga soo baxay Gaas inuu ahaa 1-Nin xariif ah khiyaamay saaxiibkii siyasadda ku soo daray Farmaajo marka loo eego ankee Kamba;a accord oo uu oga baxay 2-In uu yahay nin dhanka xatooyada ka wada horeeya dhamaantood.
Faroole waxaan u arkaa budo gooni tuman oo gaar ah sababtoo ah waa maamul iskii u hol gala
CEEB LAHA ATURO
ilaahoow afartaan nin sharkooda na dhaafi ilaahoow aadaa waayne sharkooda na dhaafi ilaahay waxaan uga cudurdaaranayaa in sheekh shariif iyi shariif xasan aay diin ilaahay sheegtaan iyo dawladnimo faroole iyo gaasna sidoo kale ilaahaay haaynaga soo qabto
SOMALIDU 95 PROCENT WAA JAAHILIIN
bal is weydiiya gaaladani intay dad muslimiin ah
idinku direyso iyago imisay inaga dhaceen waa gaaladee
bal eeg hawada somalia oo keliya bil kasta waxa soo gala
30 millions sanadkiina billions lacagtaasi xagay mareeen
waxa i cadaatay somalidu inay gaalada u dhega nugulyiin
dalkaasaa dawlad laga rabaa ilaahay hainoo sahlo
UNta ma caruur bay noo maleeyeen ma hadday dhasheen labada shariif iyo ragga kale oo ay ku xuseen confidential letterka xitaa haday runtii tahay maxay mar hore noogu soo gudbin waayeen teer iyo markii ina c/rashiid uu is casilayey DHANKA KALE UN TU WAY XADDAAN DALKAN MISKIINKA AH IYAGABA AAWAY LACAGAHA MARITIME (CANSHUURTA BIYAHA) IYO AEROSPACE (HAWADA) IYO WALIBA DEEQAHA CAALAMIGA EE IYAGA LASOO MARIYO WAA UNTEE MARKA QARAMADA MIDOOBAY HAJOOJISO BOOR ISKU QARISKA HADAY KUWAN 5 MILLIION XADDEEN UNTANA WAXAY XADDAY BILLIONS $.
TUUGADA HA LAGU DARO QARAMADA MIDOOBAY IYADA LAFTIGEEDA OO MAGA SOOMAALI KU CUNAY LACAG GAAREYSA 900 MILYAM DOLAR 21 SANO EE LA SOO DHAAFAY, MARKA MAXAY KA RABAAN NIN 1 MIYAN QAATAY OO IYAGA MAY IS XISAABIYAAN DAAYEERADA MISE WARKU WAA 99 LAMA CANAANTA AYAA CAANIHII DAADIYEY0))
UN-KA WAA MUJRIMIINTA UGU WEYN EE UMADAHA AFRIKA IYO ASIA XOOLAHOODA CUNAY ADUUN IYO AAKHIRO RABBI HA SEEJIYEE…
kkkkkkkkkk waa iskahadlaysaan wax qarsoon baa kadan mida kale lacagahan oo dhan waxaa kabadan lacagta mihiga qaatay lamana sheegaayo somaliyana nin kasta oo loodhibo waa sidaan oo kale waa umad wada toogaa oo dalkooda dhacaaya khiyaamaaya waxaan u baahanhay dawlad milatari ah oo wadanka gacan bira kuqabata thanks allaah guul ama geeri
oo waxoo dhami hadey tuugo yihiin sidee yeelnaa?
waxa lagu eedeeyay iany cuneen deeqihii lasiiyay shacabka soomaliya ee laga soo qaaday shuubta kale ee inoo jir damqatay.
kuawan tuug lama orankaro… tuugaa ka xishooda miskiin derbi jiifa inuu baarto.
waa masiibada haysata ee aafaysay wadanka ay abaaraha macaluusha amnidarada burcadbdeeda cirleefayaasha sky.iyo iyagoo aan oran karo madaxada deeqmaaxadka ah..
24saac diyaarad bay saaran yihiin iyagoo u baratamay baryo( shame on you)!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Meeday sharaftii ummada Soomaliyeed>>>>Ilaahay Idin dufee….maa xishootaan…waliba ay rabaan inay isku sharaxaan lacagtiii ay lunsadeen…war ma Bakaarihii buu wadanku noqday!!
Shariifyo iyo faroole waa ogayniyo kuwa lamidaka ah….meeaya Farmaanjihii madax lasaaratay…mee Gaas CEEEBAY RUUGA DHIGATAY
Afartaan ka ducaysatee,waxaad sugtaan Afar kale oo ka daran oo boorso maran sita!!!!!!!balse waxaan leenahay Ilaahoow kuwo ka khayr badan noogu badel[[AAMIIN]] waxaan leeyahoo kale waa ismadhaanto iyo dhasheed.
SOMALIDA WAXAA KACARARAY WAXBAA LADHUNSADAY DADKA YAAN LACAAYIN LACAGAHA LA SHEEGIN WAALACGIHII AY XAMAR KU XOREEYENE
lacaguhu siyaalo badan ayay ku baxaan ragaana waa qaran dhan musuul ka
Horta mahiige qurunle iyo cali maxamed geedii liiska waa kamaqan yihiine xagee mareen mala cafiyay sxb waa yaabeeeee?
lacaguhu sababo badan ayay ku bixi karaan wax walbana in la shaaciyo ma ahan gaalduna inay wada ogaadaan ma ahan sirdoon maslaxaad soo maslaxid kala maslixid cadowka xataa qaarbaa la laaluushaa si ay dhanka dowlada usoo maran sirta soomaaliya cidina 100% ma ogaanayso hadaan doqon madax laga dhigin waxaa iyaga gaalada ka dhexeeya geeljire geela waa wada jirtaa waana kalajirtaa sida dad badani qirsanyahay marka laga reebo shariif baarlamaan madaxada dawladu waxay qabteen shaqo aad feecan xabadkay u dhigteen xabado bunbooyin iyo miino jidka laysu dhigo naftooda ayay u hureen toban million uma baahnin soomaalia ayaan u baahanay waana imaanaysaa mar dhow isha alaah
Waa loobaahnaa in bananaka la soodhigo Qaa imiinta oo dhan meel kasteey joogaan, Hadii qofkii xukunka loodhiibaba Ladaba gali lahaa oo waliba Lagu abaal mariyo xarig iyo hantidiisa oo lala wareego markii aay ku cadaato Lunsasho hanti qaran, Wa xaan qabaa inaan Soomali aan lagu soo celin Labada shariif, gaas & farmaajo. Lalana xisaabtamo mudan koodana la mariyo, Hala soodoorto Dad wadankaan & Dadkiisa dhibaa tada kasaara insha alah, Wax yaabihii uu qarankeenu uu burburay waxaa ugu weyneyd waa Cadaalad daro Meeshii lagu quusan lahaa masiibadii wadan keenu & Dadkiisa soomareen Hadeyba jirtaa most corruption Ceebeey tacal, Waana u hanbal yeeynayaa dhamaan Soomali media & qaramada midoobay, Qaas ahaan raxanreeb Hala daba galo Hana lasoo banaan dhigo Tuugoo dhan Meeshuu rabo haka joogo Soomalia
intaan yar ee soomaalida ku maqan la garaye hay’adaha UN-ta oo tan war bixintaan qortay ku jirto ma la isweydiiyay inta lacag magaca soomaaliyeed lagu soo qaaday ku maqan. Waxa meesha ka jiraa waa miskiin baa misko la fuulo leh, iyo ujeedo siyaasadeed oo xiligaan loogu soo aadiyay marka shacabku ha maskax furnaado.
Heymada madaxa Banan hadii run sheegeyso, war bixinta maxay Mahiige ugu reebeeen waayo asagaba malaayin lacag ah ayaaa ku maqan,,, waaa in la baraa siduu u maamuley lacagtii uu mas,uulka uu ka ahaaa ,,Kooxda lixda sharoolayaasha aaan haba yaratee wax naxariis an aan u heyn umadaaan muda 22 sanno ah dhibaaato dagaaalo iyo colaado ku jirey, Kooxdaaan lixda saxiixayaalka waa kooxda aan rabin in uu wadanka nabad noqdo, kooxdaan waxay u shaeeyaaan naftooda kaliya iyo koox yar oo qabiiilkooda ah,,,wadaniyad iyowax qabad lawayaal mudo kororsi aan dhamaad laheeen,Waa dambiilayaaal shacabkooda raba in ay dib ugu celiyaaan dagaaalo cusub oo hor leh, waxaana muuqda tusaalooyin iyo saansaan dagaaal sokeeeye waa sida cadow rabo kooxdaan dalaalinta ahna ay u fududeenayaan,waxay dhahaan dagaalada guul ayaan ka soo hoyney,ma aragteen hal qabqable diimeeed caan ah oo la diley ama la qabtey waa sheeeko riwaayad ah laga iibinaaayo caalamka shacabka waxay rabaan hogaaan wanaagsan oo daacad ah nabadna wadanka oo dhan ka abuuuro hadii wax yar oo wanaag ah ku jiro siyaasada way ka fadhiiisan lahayeen waayo umada dagaalo ma rabaan nabad iyo walaalnimo somalinimo iyo wadan jeceeel Mahiige maxaaa looga tagey lacagta asagaa shirar been ah ku qabtee
A/C
Ma mid, mise mid?
Mida koobaad shaki iigama jiro inay dadkan intooda badani wax xadeen haba lasii kala darnaadee. Waxaa kaloo aan caad naga saarneyn in dadna cadeymahooda la hayo, shaqsiyaadna lagu dufan tiryoonayo oo aan wax cadeyna haba yaraatee lagu hayn. Sidoo kale, In kastoo ay dad badan ola muuqato in ay labada Shariif ugu daranyihiin(In kastoo aan hubo inay aad u xunyihiin), hadana xaqiiqadu waa in shaqsiga ugu dadnimada xun uguna daran uu yahay ninka buuran (Ina Gaas). Asagaa ugu liita uguna JAAHILSAN. Qof sidiisa u indho la’ ma ahee cid kasta way arki kartaa hab dhaqankiisa foosha xun ee tuugnimada, nacamleynta cadawga, khiyaanada, iyo qabyaalada ku saleysan. Xitaa Aamiin Caamir baa arkay. Marka Aamiin Caamir ra’yigiisa loo fiiriyo, “Ina Gaas cuduradiisu dabo qabasho maleh”. Waa siduu Aamiin farshaxankiisa ku muujiyay.
Gaas waa ninka ka xishoon waayay xilligii abaarta iyadoo kumanaan caruur iyo waayeelba leh agtiisa gaajo iyo cudur ugu le’anayaan inuu wixii caalamku ugu tabarucay uu si xatooyo ah ugu wareejiyo Boosaaso. Oktoobar 5, 2011 wuxuu ka shaqeeyay markab imaaraadka ka imaanayay oo masaakiinta u siday bur, bariis, saliid iwm, inuu dekada Boosaaso u leexiyo. Waxaa ka horreeyay laba markab oo kale laakiin kani wuxuu ahaa kii soomaalidu ku baraarugtay.
Sidoo kale xilligii abaarta oo aheyd waqti aad iyo aad u adag ayaa waxaa Muqdisho kusoo barakacay dad aad u xanuunsan oo caruur iyo waayeelba leh. Ma jirin dhakhaatiir ku filan kumannaankaan tabaaleysan, hase yeeshee waxaa soo gurmaday Turkiga oo dhakhaatiir soo diray. Maalmo gudohood ina Gaas wuxuu qabyaalad iyo naxariis darro awgeed Turkigii intiisii badneyd u wareejiyay degmooyinka Puntland. Waxaa kale oo iga su’aal ah, ma ninka ka xishoon waayay birihii bololka ahaa ee dekeda Muqdisho yaalay inuu Boosaaso u raro baa wax kale ka xishoonaya? Oo waliba inta laga dhigay hadana marar kale isku dayay? Waa maya jawaabtu. Nin damiir leh oo dalka iyo dadkaan arkay dhex jooga oo fikiraya sidaan arkay uma buurteen, uma buufsanaadeen, umana daacoqurmeen.
Mida labaad
Soomaalidu horaybay u ogeyd tuugnimada nimankaan ee warbixintani wax cusub masoo kordhin. Kaliya waxay warbixintani qiimo la leedahay dadka dhagahoodu ajnabiga kaliya maqlaan, maxaa yeelay waqti dheer bay umada soomaaliyeed ka hadlaysay TUUGNIMADA iyo DADNIMO XUMADA Fuurrax, Sakiin iyo Afguduud.
Waxaa kaloo haboon in aan ku baraarugno in warbixintaan ujeed laga leeyahay. Waqtigaan doorashada waxaa loogu soo aadiyay in nalaka dhaadhacsiiyo kuwani waa tuugee iska ceyrsha, kadibna waji cusub oo ayaga kasii liita nala baro oo layiraahdo waa ceeb ka saliin ee kan doorta.
Hadaba waxaan ku talin lahaa in laga feejignaado kuwaan tuugadaa, sida Cabdi wali Fuurax, Shariif Afguduud, iyo Shariif Sakiin. Sidoo kalena laga feejignaado tuugo kale oo waji cusub oo aanaan horay u arag.
W.t
Dr tagsiile firdhiye faroole lacagta wax buu ka cunay maxaa war bixinta lagu soo diriwaayey. Ilaa gaas iyo sharmaake isagay meesha u joogene. Meeday lacagtii xeebaha somaliya meeday lacagtii burcad badeedka. Dr tagsiile ayaa liqay. Hadana gelydii cirka loo tuuro inuu afka u dhigto ayuu rabaaa.
Nimankan shariifyada isku sheega. Deeqdii caalamka ayey isbaaro u dhigteen waaba isbaaro qarsaan. Ilaa reer xamar waligii deynmaayo xaraan iyo bililiqo. Geedi ayaan ogeyn oo nairobi guryo ka dhistay intuu ahaa raiswasaaraha.
@ Haad
Haad iyo inta ku caqligaa waxaa hubaal Professor Abdiweli inuu yahay ninka beenta laga sheegayo aan u qalimin uguna nadiifsan waxaan oo dhamina waxaa weeye been abuur! Hal kaliya is weydiiya professor Abdiweli haduu rabo inuu wax xado muxuu u sameeyey GUDDI Ah Transparancy?? Muxuu ugula xisaabtay International community inay cadeeyaan waxa ay ku bixiyaan (1 billion Dollar) ka ay sanad walba ku qaataan magaca Soomaali?? Muxuu ugu dagaalamaywelina ugu dagaalayaa inuu soo cesho Hawada Somalia oo Malaayiin Dollar lagu qaata?? Waar caqli yeesha, ma nin tuugaa dadaalkaas oo kale keeni kara! Been abuur iyo waxaan caqliga gali karin baad isleedihiin ka faa’iidaysta dadyohow jirani. Ka fekera Su’aalaha kor ku xusan oo dhan markaas ka dib hadla haddii kale sidii qof nacayb uun xambaarsan oo uun leh wax uun mucaarad wixii uu maqlo isagoon hubsan run iyo been waxay yihiin iska hadla. Walaahi waa ninka soo mara historyga soomaaliya burburkii ka dib uguna nadiifsan una horseedi kara nabad iyo barwaaqo, lehna karti uu somalia ugu dagaalamo si ay u hesho xaqeeda ay aduunku siday rabaan ugu takri fashaan! Waa ninka kaliya oo International comunity la xisaabtami kara marka haday xataa been ka fidiyaan professor Abdi weli Allaha kor yeelee nin caqli leh waa fahmi karaa! laakiin Mucaaradna intaasuu ka faa’iideystaa…kkkk
ceeb caleeg soomaaliya dadkaan waa in la daldalaa dhamaantood duf u baxa xaqii umada sooomaaliyeed baa ku maqan naarta gaaala rabaan idinkaga baryaye lacagahii abaaraha masaakiinta ayagaa qaatay
ninka kaliya oo meeshaan wax lakgu heysan karo waa shariif sakiin
waxaa lagu heystaa
1 lacagtii contractiga dekeda
2c ontractiga airporka
3 contractiga passportka
4 contractga lacag daabacaada
wadankiiba ilaan ninkaaan baa heysta
3million iyo 5 million ay sheegayaan waxba maahan waxaa laga yaabaa in madaama ay dowladu xxog yareed lagu laaluushay oday dhaqameed iyo maleeshiyo beeleed
suaasha meesha taagan waxay tahay 300 million oo caalamku noogu deeqeen xagee qaramada midoobay geeyeen? somaliyeey nimankaan awliyo maaha laakiin waxa laga sheegayo waa wax kubixi karo hawlaha shaqo ee dowladu wado sida diyaaradaha shirarka baasiinka iyo laaluush lagu laaluushaya beelaha
Q/M ayagaa tuuga ah, Puntland iney sheekada ku soo daraana maaha maxa yeelay waa maamul ayagu gooni isu maamula oo aan ka amar qaadan Soomaaliya.
In aan is hubeeyo oo aan ciidamada dhisto Adeer tuuganimo maaha Puntland inta kuwa kale lacag xadayeen way is diyaarinaysay xag military maantana Waxaa u Diyaar ah ciidamo Iyo hub casri ah oo ay ku jiraan helicobters qumaatiga u kaca marka warka waaba dhoolo tus naxdin bay u tahay kuwa neceb Puntland kanaxoo nafta wa Adeer wa la is baran
@abdul,
adigu duf ku baxe wax hubso waayo maad ka hadashid sida group kaasi u maamulo xoolaha somalia magaceeda lagu qaato. Waar wax fahan oo dadka dambi ha ka galin adoon waxba hubin oo dad sharafle oo ummadda somaliyeed u dadaalay sid Professor abdiweli ha wasakheyn magacooda. Abdiweli wuu u jawaabay group kaas taasoo ku cadeyneysa inuu nadiif yahay iyadoon shakiba uga jirin ummadda soomaaliyeed badankooda marka laga reebo seef la bood mucaaradda ah raadinayana fursad uu wax uga sheego shakhsi sida adiga iyo wixii kula midda mooyaan.
Q/M iyagaa na walaaqa,
iyagaa na wareersha,
iyagaa badaheeniyo berigeena sunkeena,
iyagaa hubka laysku gubaayiyo
basanbaaska horbooda.
Q/M iyagaa baladay huriyeen
ubadkeena asiibtay,
oo sanadihii ina dhaafay
wadankeena holcaaya
iyagaa gigilaayay
oo madaxdeena dhamaan
midkii amarkooda ka leexda
iyagaa kala tuura
oo taladiisa bugeeya
ra’yigiisana diida.
Q/M iyagaa taariikhdii ina dhaaftay
Cadawgeena dhaweeya
oo hadba kii nadhakraaya
ciideena wanaagsan calankiisa ka taaga.
Q/M iyagaa dulmigay galayeen
madaxdeena daciiftay
hadba meel u jiheeya
ee inagaa garanwaynee
caano nooma hayaan.
Marka waxaan oran lahaa waxba yaan madaxdeena la cambaarayn,oo waxay ila tahay waxay wataan kuwo u nacameeya ee bal halayska sugo,iyadaaba war jiraaba cakaaro imaane .COM.
[...] Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada [...]
[...] Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada [...]
[...] Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa shaaca [...]
[...] Qaramada Midoobay ee nabadgelyada iyo Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen ayaa shaaca looga qaaday inta badan (Secret Bank Accounts) [...]
[...] Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa shaaca [...]
[...] Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa shaaca [...]
[...] amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah gelinka dambe si rasmi ah loogu gudbinayaa warbixin ka kooban 198 bog oo ay soo diyaariyeen guddiga u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea [...]
[...] Warbixinta oo ka koobneyd 198 bog ayaa shaaca ka qaaday malaayiim doolar oo ay lunsadeen madaxda ugu sareysa DKMG ah uuna ku jiro Shariif Xasan oo horeyu ahaa wasiirka maaliyadda DKMG ah. Waxay warbixinta si gaar ah u sheegtay hab dhaqanka Shariif Xasan oo la tilmaamay inuu meelo kala duwan faraha la galay sida mashaariicda baasaboorka, dekeda iyo garoonka Muqdisho iyo shaqooyin kale oo ganacsi uu ku jiro. [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa shaaca [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada saraarnews ayaa shaaca [...]
[...] Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa shaaca [...]
[...] Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Galcad24.com ayaa [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa shaaca [...]
[...] Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Madiina Media Network [...]
[...] Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada [...]
[...] Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa shaaca [...]
Yaa soomaali ah ? Yaa muwaadin ah ? Dowladnimo maxey tahay ? Maxey soomaali isku dagaashay ? Maxaa xal laga gaaray ? Hada mala qasaaray mise waa ????
[...] Soomaalida shaki ugama jirin, in Shariifyada iyo saaxiibadood ay ku mashquuleen sidii ay u kala qeybsan lahaayeen hantida shacabka, laakiin cadeyn looma hayn halka ay ku qarsadaan, nasiib wanaag waa la kashifay, sida ku cad warbixin faah faahsan oo ka soo baxday Guddiga Qaramada Midoobay ee nabadgelyada iyo Cunaqabateynta Hubka u qaabilsan Somaliya “UN Monitoring Group”. [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Moment Media [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Moment Media [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Moment Media [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakadaallceerigaabo ayaa [...]
[...] Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada [...]