Fanaanada Caanka ah Saado Cali Warsame Oo Shil Gaari ku Dhaawacantay
Garowe (RBC Radio) Fanaanada Saado Cali Warsame oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa goor dhow waxay ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Dhaawaca Fanaanadaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii sida la Sheegay gaari ka soo qaaday magaalada Gaalkacyo uu Shil kula galay magaalada Garowe.
Dhaawaca Saado ayaa lagu soo waramayaa in gacanta midig ay ka jaban tahay iyo qoortana dhaawac jug ah uu ka gaaray, waxaana la dhigay isbitaalka guud ee Garowe, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan magaalada Garowe oo Raxanreeb ay la hadlay.
Waxaa shilka ku geeriyooday wariye Maxamed Cali Cilmi oo Saado Cali ka soo raacay magaalada Nairobi iyo darawalkii baabuurkii ay saarneyd fanaanada.
Shilka ayaa ka dhacay meel qyaastii 60km u jirta magaalada Garowe halkaasoo gaadiidkii soo dhoweynayey ay kaga hortageen, waxaana sababta shilka lagu sheegay in baabuur nooca xamuulka qaada uu ku dhacay baabuurkii ay saarneyd fanaanada Saado Cali Warsame.
Saado Cali Warsame ayaa maanta ka soo degtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka hor intii aysan u gudbin magaalada Gaalkacyo oo ay ka degtay garoonka magaalada Gaalkacyo halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay maanta.
Waa socdaalkii ugu horeeyay oo Saado Cali ay ku timaado dalka gudihiisa tan iyo mudadii burburka oo ay in ka badan labaatan sano aysan sib ugu soo laaban.
RBC Radio












[...] Fanaanada Saado CaliWarsame oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa goor dhow waxay ku dhaawacantay shil gaari oo ka [...]
Allah naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo wiilasha dhintay,dadkoodiina samir iyo iimaan ha ka siiyo Saado Cali Warsamena Ilaheen ha caafiyo, waxii ku ku helaaya lama baajin karo.
alah war ===== sow ma barto siyaasada ======,
saada cali waa marwo wadaniyad ah oo soomaalia laga jecel yahay. maata ===== waxay ku bilaabeen Shaqadoodi ay caanka ku ahaayeen ,waa qofka oo layka dhigaayo in la jecel yahay oo shirqool lagu dilaayo.
===== barro ====== dhinac waxay ku leeyihiin waxaa nahay walaalo dhinaca kale wa ku shirqoolayaan , markay wax kaa rabaan ama dan kaaleeyihiin waa walaalkay ayey leeyiihiin markay dantooda helaana waa luggooyo iyo dhibaatayn . waxay caan ku yihiin shirqoolka .
ilaahay ayaa bad badiyey saado cali waa wadani laajiin waxay rabeen inay dilaan.
ILAAHOW caafimaad sii saada cali waa arin xag ilaahay ka qornayd ilaahay haw gargaaro
noom al daalim cibaada oo micnaheedu yahay qofka daalinka ah hurdadiisu waa khayr hadalkan waxaan ula jeedaa wariye ina cali cilmi oo galay hurdadii abadiga ahayd ayna ka raysanayso bulshada reer khaatumo oo uu probagando iyo hagardaamo uu ku waday isagana ilaahaygii abuurtay baa la xisaabtamaya
dhamaan dadka ku geeriyoodey allaha u naxariisto Aamiin Fanaandda qaran somaliyeed allaha caafiyo oo cadowgeeda ha jabo somalidiidka rabey iney dilaan waa ku fashilmeen dilka lalrabey Fananada Qaranka haddaba SNM oo ay ku cakirantahey kadib calanka somaliyeed oo la keeney UK iyo Cabdi Bile oo Calanka Somaliyeed cirka ku laalidoona iyo SNM oo walac iyo jaho wareer ku dhacey oo beentii ay dhabowdey Siilanyana looga fadhiyo inuu ka mid noqdo musharaxa u tagan Parlamanka JDS vivvo saado cali warse kanxow nafta waa vivvo Saado Cali vivvo somaliweyn
@ Ali
mawaadan xataa maalin rabadaan ah Illaahay ka baqeyn, haddan ma amaradii Eebbe baad puntland u saartay..kk Allaha ku caafiyo! Fanaanada Saado Ali Allaha Caafiyo waana ku mahadsan yihiin dadka soomaalinimadoodu sareyso ee reer puntland ee sida cajiibkaa saado u soo dhaweeyey! Idinku waa dadaasheen laakiin wixii dhacay arrin illahay awoodiisa leeyahay weeye oo Eebe qofkuu rabona wuu dilaa kuu rabonaha waa daayaa marka saado malaha cayshad baa dunida ugu harsan Allahana caafiyo kuwa u dadaalayana ee ah dhakhaatiirta puntland.
@ Ali
mawaadan xataa maalin rabadaan ah Illaahay ka baqeyn, haddan ma amaradii Eebbe baad puntland u saartay..kk Allaha ku caafiyo! Fanaanada Saado Ali Allaha Caafiyo waana ku mahadsan yihiin dadka soomaalinimadoodu sareyso ee reer puntland ee sida cajiibkaa saado u soo dhaweeyey! Idinku waa dadaasheen laakiin wixii dhacay arrin illahay awoodiisa leeyahay weeye oo Eebe qofkuu rabona wuu dilaa kuu rabonaha waa daayaa marka saado malaha cayshad baa dunida ugu harsan Allahana caafiyo kuwa u dadaalayana ee ah dhakhaatiirta puntland khayr Allaha siiyo
gacantu waa yartahee labada lugood baan jeclaan lahaa iyo afka oo isku burbura, waayo saado waa kabaxdey soohdintii fanaannimo waxay isku bedeshey siyaasi siyaasina mey gaarin fankiina waa ku mergetey meel dhexe ayey heehaabeysaa hadana Faroole oo ay horey shedaan baabuloow ugu sheegtey bey rabtey iney u soo afmiinshaareyso, labadii xaqdaro ku heshiisa xaqey ku kala tagaan walee maanta xaqii runta ahaa bey saado iyo wiilkey boqolka dolar u qortey sey gu adeegsato dadka sharafta iyo maamuuska mudan maantaba xaqii baa yimid wiilkiina waa xijaabtey iyna waa naafoowdey alle awood weynaa xaqana xarsoori okaa wiilkaa daraad bey saado qaad uqaadey bey been samee tiri dad buu lahaa weydilayaan allaase diley saado idaa hay kaxeyn be xoog ku kaxeysey iyadoo leh faroolaan lacag ka soo qaadeynaa aruurtiisii ka kaqeysey meel daran ka bax saadooy wiilkaana adaa ka danbeeyey wax kasta oo ku dhaca alla kuma cafiyo kuma bogsiiyo amiin.
khadijo
saado maxaad u habaari walaal waa ayaamo barakaysane ilaasho saadona ilaahay ha caafiyo
Dowlad la aanta Iyo sharci darada Ayaaa keentay in nin wabi oo gaari Sida gearka loo galiyo bartay uu isteerinka qabto
Illahay ha u booga dhayo horta waayo wa qof muslim. Waxa kale oo an ilahay uga baryaya iney garato rabigeyda naxarista badan sidu ogu digayo yacni waxa dhacay hadad si hoosa u eegto wa wax ruux ku waano qadan karo dadki nawaxideyda ahaa dhinta janadi allah ka warabshe iyana inkasto teeda wax ka harsan yihin misana waxad arkeysa ilahi untay inu marwo saado uu iga digasho fankan inti ku jirtayba wax ka keeni wayen
Illahay ha u booga dhayo horta waayo wa qof muslim. Waxa kale oo an ilahay uga baryaya iney garato rabigeyda naxarista badan sidu ogu digayo yacni waxa dhacay hadad si hoosa u eegto wa wax ruux ku waano qadan karo dadki nawaxigeyda fadhiyey way geeriyodeyn janadi allah ka warabshe iyana inkasto teeda wax ka harsan yihin misana waxad arkeysa in rabigi untay marwo saado uu oga digayo fankan inti horey oogu ku jirtayba wax ka keeni wayen ila qasaaro iyo qaatumo xumo moyaane qaarkoodna ay cidacadaha so faristeyn iyago hanunsan dhibtiisa iyo duli nimadiisa kaga qisodeyn
@ NINA
maxamed cali cilmi iyo saado cali maxaad ugu kala eexan wuxuu maxamed samayn jiray oo dhan saadona waa kula socotay raali bay kaga ahayd iyadaa waxaas uu samayay oo dhan ka dambaysay saas maa cadaaladaadu
khadija inaadeer miyadan xishonayn ,ilahay kabaqayn wale qof wanag san mahid ,ninka ale oof saday maxad sado ali oo iyaba khatar gashay ugu anaysay. . Teda kale adigu bal islayaab habaar badnidaa ma gablan ayad tahay , taada ku ekow qadarta rabina faraha kala bax . Xishoodna abyo dumar ayaad tahaye.
waxaa shir qool u idhagay faroole laakin ilaah waa kabad baadiyay
ilaahow badbaadi saado cali w faroole waa duli duli dhalay
hadba qofka dhaq dhaqaaqayuu dilaa sidii dr axmed xaaji cabdiraxman
Aamiin ilaah ha unaxariisto inamada dhintay waxay geeriyoden bil barakaysan oo shaydaanku xiran yahay fanaanadana ilaah ha caafiyo aamiin aamin runti markaste dhinaca xun laga fikiro waxan leeyahay aniga ahaan waa qadar qornayd ee shil loogu tala galay ma ahayn waayo marwo saado cidna dambi kama aysan galin cidnana ma cayrsanen ilaahayna ha caafiyo marlabad leeyahy
Ilaahay ha caafiyo marwo saado waxan kalo eebe wayne ka baryaya inu unaxaristo wariyaha somaliyed waxana iga talo ah inan qof dhintay wax laga sheegin in loo duceyo mooyaane ok
TO:Khadijo:walaal haddaad aragto qof lunsan waa loo duceeyaa ee lama habaaro,habaarku shaydaankuu ku sii dhaweeyaaye,marka Ilaahay waxuu yiri muslimku haysu duceeyeen bisha barakaysan,walaal adigu maxaad habaarka u jeclaysatay???miyaadan ogayn inaadan khayr ku hadlin??mise way kula fiicnaatay arintaasi?iska jir walaal waa xilli barako Alle lawaydiisto !!!!!!!!!!!!,
walaal maad ajar dalbatid illeen waa wakhti loo taagan yahay Cibaado e.
Inta dhimatayna Alle hawnaxariisto inta dhaawacantayna Alle haw booga dhayo,xaqana Alle hayna garansiiyo,
Horta ilaahay waxaan uga baryaya kuwa dhintay jannadii inuu ka waraabiyo waa bil ramadaane inta dhaawacantayna inuu caafimaadsho. waxaanna idinleeyahay waa ramadaane dambiga iska ilaaliya haddaad muslin tihiin. Hanoo horseedina cayda iyo aflagaadada iyo fitno iyo xumaan isla doonka bisha ramadaan awalba meeshaan cay baa loo furtay ee ogaada qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa.
murad waxaan arkay ama ogahay baan sheegay marxuumku siduu khaatumo u daba galay waad aragtay saadana khaatumo 2 dii isbuucba hees bay u samaysaa taa weeyr kala duwaanaantoodu
Karaahidi …….ayaa ku dhacay Saado waa in ay ka duceysata reer ………..