Fannaan Aweys Khamiis Oo Sheekh Isku Badalay [Warbixin]
London (RBC) Aweys Khamiis Cabdalla Mabuuto oo ka mid ahaa fanaanintii ugu caansanaa heesaha banaadiriga dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in uu joojiyay gabi ahaan heesaha, kaddib markii uu sheegay in uu ka soo laabtay dhabo qaldan oo ku socday, markii uu ahaa fannaanka.
Aweys Khamiis oo hadda ku nool magaalada London ee dalka UK, ayaa waxa wareysi la yeeshay mid ka mid ah TV-yada Af-Soomaaliga ku hadla, waxana uu sheegay in uu ka qooma-meenayo waqtigii dheeraa ee uu ku jiray fanka.
” Maanta waxa aan jeclahay in la iigu yeero Sheekh Aweys, maxaa yeelay waxa an ku taaganahay wadadii saxda ahayd, oo aan ku dhawaan lahaa illaah” ayuu yiri Sheekh Aweys.
Waa uu sii hadlay waxana uu yiri ” Waxa halkan i keenay kooxda Shareero, dhowrsano ayaan joogaa haddii aan ku dhaho ka waran lacag meel kama dhigan, oo waxa aan heli jirnay hal habeen dhowr kun oo dollar, xabad lagama hayo, laakin Al-Xamdu Lilaah, hadda waxa ii qorsheesan in aan aado dalka Sucuudiga, halkaasoo aan ku soo cimreesan doono dadbadeedna aan ku xajin doono” ayuu yiri markale.
Waxa uu diiday in heesaha uu lee yahay ama uu qaado in aan la dhageesan, magaciisana lagu xusin toona, isagoo sheegay in uu hadda wado qorshayaal uu ku doonayo in uu ku baab’iyo heesihiisa uu caanka ku ahaa’ sida uu hadalka u dhigay.
Aweys ayaa waxa ugu baaqay fannaaninta soo koreysa ee fanka ku cusub iyo kuwa jira in ay joojiyaan heesaha oo ay Alle u tooba keenan, si looga cafiyo ayuu yiri dambiga ay galeyn.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu diiday in uu nashiidooyin ilmihiisa ay ka codsadeen in uu qaado, laakin uu sheegay maadama ay ahayd mid qu’aanka lagu faaninaayo sidaas ayaan ku qaaaday” ayuu yiri
“Nashiidooyinka waxa ku jira kuwa aad illaah iyo nabi Muxamad la isugu simaayo waana dambi weyn “
Aweys ayaa waxa uu ku caan ahaa heesaha banaadiriga, waxana laga sii deyn jiray Idaacaddaha iyo Studiyaha ku yaala Soomaaliya iyo meelaha kale ee Soomaalida ku nooshay.
Waxa uu ku noolaa dalka isku tagga imaaraadka carabta, laakin waxa uu u soo wareegay magaalada London, waxana markii uu la hadlaayay TV-ga uu watay khamiis iyo camaamad, Garweyna waa uu lahaa, dhowr qof oo hablo iyo rag ayaa horey sidiisii kale sameeyay, waxana ka mid ahaa Qadro Daahir Cige oo ka mid ahaaa fannaaninta waaweyn ee hablaha Soomaaliya.
RBC Radio
——————-
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] Visit site: Fannaan Aweys Khamiis Oo Sheekh Isku Badalay [Warbixin] [...]
Mansha allah waa illahay mahadi hadii garaowsatay in aad wada qaldan ku socotay Kuwa hada ku jirna illahay ha u tobad kenan ha iska dayaan wadada foosha xun ay ku socdaan illahay waa qafuuru raxiim waa danbi dhaaf
maashaa Allah haddu illaah ku solonsiiyey wixii illah uu raali ka yahay
waa wax wanaagsan anaga oo dhan illah ha na tuso wadada xaqah,
camalna waxaa u wanaagsan kii illaah raali ka yahay.
Toobada rabi waa aqbal ilaa qofku mowdku soo wajaho. Aweys qamiis ilaahey ha kuu raaco danbigaa gashana hakaa cafiyo Aniga & intii ilaahey toobad weydiisanaysana Alaha naga cfiyo Aamiin
Waxaa mahad leh allaha soo hanuuniyey Aweys khamis.
Dhamaan fannaaniinta soomaalida ha ku daydaan walaalkooda Aweys oo ilaahay ha u toobad keenaan.
Alle waa dambi dhaafe naxariiste ah.
Masha Allah, haddaa min fadlilahi, Allow kuwa kalana soo hannuuni anakana na hannuuni wadankana noo aslaaxi.
Masha Aalaah Runtii waa wax Aad loogu farxo alahana kaa aQballo waxaana rajaynayaa walaalaha wali haye wadadii Aad ka soo laabatay in iyana ay ka soo laabtaan
ALLIHII Towbada kusoo waafiyay Walaalaha kale ee Sheydaanka ilduufay Towbada ha Waafajiyo. Khaatimadeenana Allaah ha wanaajiyo Inshaa Allaah.
Allaahu akbar ….. subxanahu watacalaa asagaa ciddu doono hadeeyo mashaa allah akhii ku raxeeso macaanka iimanka unna mahad celi Allahii kaso saaray mugdiga e nuurka kukeenay …. annaga iyo inta islaam ahna Raxmaanka hannagu irzaaqo HIDDAYAH amiiiiiiiiiiiin ….. hannii’an lakka akhil kariim
Waxaa kaloo wadadan maray SOORAAN oo masaajid london ku yaal muddim ka ah iyo Jareerre oo muddo hore saan sameeyay.
Alxamdu lilaah maasha allah ilaahey hakaa aqbalo
Allah waxaan ka baryayaa inta camalkaas ku jirta oo dhan in uu hadeeyo oo wadada saxda ah tuso. AMIIN AMIIN!