Farriin: Gurmad Qaran. W/Q OSSA


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Farriin, Gurmad Qaran
Ardayda (OSSA) iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio, USA
codkadhalinyarada@gmail.com
Luulyo 13 2012

Tuesday, June 26, 2012

Farriin ku Socota Oday Dhaqameedyada Soomaliyeed ee ku Shiraya Muqdisho

Ardayda (Ohio Somali Student Association)  iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee deggan Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ay u diraayaan baaq ama fariin loogu magac daray “Gurmad Qaran” oday dhaqameedyada Soomaaliyeed ee ku shiraya Muqdisho.

Baaqaan ama farriintaan ayaa hadafkeedu yahay in ardayda iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio ay xusuusiyaan odayaasha dhaqanka ee Soomaliyeed in ay ka shaqeeyaan sidii ay Soomaaliya uga bixi laheyd dhibaatada labaatan jirsatay. Mar haddii dib u dhiska Gole Shacab ee Soomaaliyeed oo xalaal ah loo xil saaray odaaysha Soomaaliyeed, ardayda iyo dhalinyarada Gobolka Ohio waxay ku baaqayaan in ay odayaasha dhaqanka  soo xulaan dadka laga helo tilmaamaha soo socda:

  1. Dad lagu yaqaanno Alle ka cabsi iyo dhowrsanaan
  2. Dad lagu yaqaanno waddaninimo iyo midnimo.
  3. Dad xil kas ah dareemayana mas’uuliyadda dushooda la saarayo
  4. Dad leh kartida iyo aqoonta ay ubaahantahay mas’uuliyadda xildhibaannimo
  5. Dad aaminsan midnimada, caddaaladda iyo sinnaanta ummadda Soomaaliyeed
  6. Dad aanan ka qeyb qaadan dagaaladii sokeeye
  7. Dad aanan lagu aqoon musuqmaasuq iyo lunsasho hanti guud

Ardayda iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio waxay xusuusinayaan odayaasha Soomaaliyeed in tallaabada ay qaadi doonaan, wanaag iyo xumaan, ay baal ka geli doonto taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Haddii ay odayaasha Soomaaliyeed soo xulaan dadka tilmaamha kor ku xusan lagu yaqaano, waxay noqon doonaan kuwo wanaag iyo qaranimo dhaxalgal ah uga taga ummadda Soomaaliyeed. Balse haddii taas la waayo, Soomaaliya waxay ku sii jiri doontaa sidii ay aheyd labaatankii sano ee la soo dhaafay iyo si ka sii xun, iyadoo sharaf xumo adduun iyo aakhiro ay ka raaci doonto odayaasha Soomaaliyeed.

Ardayda iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee reer Ohio waxay u rajeynayaan odayaasha Soomaaliyeed in ay shaqadooda sidii la rabay ay uga soo bixi doonaan iyagoo wax walba iyo wixii ay soo gooyaanna, xummaan iyo wanaag, ay Alle hortiis la tagi doonaan maalinta qiyaamo, inta ka horeysana dadka Soomaaliyeed ay la xisaabtami doonaan.

Wabillaahi Towfiiq

Ardayda (OSSA) iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio, USA

Fadlan ku soo dir wixii fikir ah codkadhalinyarada@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Share

Leave a Reply