Galmudug oo Berito Doorasho Ka Dhacayso Iyo Madaxweyne Caalin oo Ka Digay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Maxamed Axmed Caalin

Gaalkacyo (RBC) Xildhibaanada maamul goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday kin maalinta berito [Arbacada] ee bisha 1-da Agoosto ay qabsanayaan doorasho madaxweynaha maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Kulan ay isugu yimaadeen baarlamaanka maamulkaasi iyo xubno odayaal iyo siyaasiyiin ah ayaa si rasmi ah loogaga dhawaaqay qabashada doorashada berito waxaana illaa hadda shaaciyey inay ka qeybgalayaan tartanka doorashada madaxtinimada afar musharax oo ay ka mid yihiin Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Shukri oo labaduba horey uga mid ahaa qabqablayaashii dagaalka ee looga awood roonaaday Muqdisho.

Dhanka kale madaxweynaha haatan ee maamulkaasi Maxamed Axmed Caalin oo ka mid ah lixda saxiixayaasha qariirarada loo yaqaano ‘roadmap’ ayaa hadal uu soo saaray xalay wuxuu kaga digay in doorashadaasi la qabto, isagoo sheegay inaysan sharci ku fadhin doorasho madaxweyne oo xilligan kadhacda deegaanka Galmudug.

Caalin wuxuu sheegay inuusan aqoonsan doonin xitaa haddii madaxweyne cusub la doorto maalinta berito, taasoo muujineysa in qalaanqal siyaasadeed uu kasoo fool leeyahay maamulka Galmudug.

Illaa hadda guddiga doorashada iyo xildhibaanada Galmudug ayaa ku adkeysanaya qabashada doorashada dhacaysa Arbacada berito waxaana aad loo adkeeyay amaanka koonfurta Gaalkacyo oo xalay iyo shalayba lagu arkayey ciidamo hubka culus wata oo magaalada dhex socda.

Dhacdooyin hore

Sanadkii 2008 ayaa madaxweyne Caalin doorasho ay ku tartameen isaga iyo Axmed Shariif waxay dhalisay buuq fara badan taasoo ugu dambeyntii keentay in xal ay odayaal beeleed gaareen loogu gartay in Maxamed Axmed Caalin uu noqdo madaxwrynaha maamulka Galmudug.

Isla sanadkan horaantiisii ayaa baarlamaanka Galmudug ay ku dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen madaxweyne Caalin inkastoo markii dambe maxkamada sare ee maamulkaasi u xukuntay inuu isaga yahay madaxweynaha.

Lama oga sida markale xaaladan soo wajahday madaxtinimada madaxweyne Caalin ay u dhamaan doonto haddii doorashada ay qabsoonto berito.

 

RBC Radio

Share

Tags:

6 Responses for “Galmudug oo Berito Doorasho Ka Dhacayso Iyo Madaxweyne Caalin oo Ka Digay”

  1. khadija says:

    waxaan maqli jirey bil sadex guraaga waa kaa saartaa tukalena kuma geyso caalin taas ayaa heysata faroole baa beredisii ka saarey maantana dibad wareeg ka dhigey faroolena gobolkiisii buu ku noqdey caalinoow maalintii bey uu ekeyd inaad ku gacan seeyrto balse maanta calaacal kuuma banaana. cabdi qeybdiidna faroolaa watey oo lacagta burcada siin jirey adaana laguu adeegsanayey balse maad garan hadana faroole ayaa u fududeeyey in uu kursigaadii ku fariisto ama uu haweysto ka xaaxaabi.

  2. garowe says:

    waa ku daayay ninkaani waayo isagu waxa uu kasoojeedaa beel aan dagaanba ulahayn gaalkacyo nimanka meesha iskuhays taana waa waa reer gaalkacyo amaba aan dhoho waa /………….isna waa .,,,,,marka waa kudaayay ni kaani

  3. xasan says:

    war armey baraxley isku laayaan qolyahan moryaantaa —- war tifaftirow warkeyga ha kala Jarine sidiisa usoo daabac ileen qabiil ma magacaabine

  4. BALDI says:

    KU: KHADIJA. CALIN FROOLE WAX KADHIGAY LAKIIN ASAGAA WAX NUQONWAYEY. SIYASADU SAXIIB JUGTAA MALAHAN EE WAA LASKUDANGARAA. WAXAAN HADAAN NAHAY BELAHA BRAXLEY WAXAAN QABSAN WAYNAY INAAN DADKALE KU EDAYNO MAHAAN. CAALIN WALIGIIS 10 BERI KUMA HUYAN GALMUDUG!! TASAA KUU CADAYNAYSA INUU YAHAY LOOSER. FROOLE DADKIISII DRD AYUU ARUURSADAY ANAGANA ANGUDAN GARAY. IS HOW IT WORKS. BEELAHA PUNTLAND WAA LALA SHAQAYSTAA WAANA LAYSKA ILALIYAA. WORK UP

  5. [...] dhammaan wax garadka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug inay kaallin weyn iska saaran siddii loo soo afjari lahaa khilaafka ka dhex jira isaga maamulka hadda talada [...]

  6. [...] dhammaan wax garadka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug inay kaallin weyn iska saaran sididdii loo soo afjari lahaa khilaafka ka dhex jira isaga iyo  madaxweynayaasha hada [...]

Leave a Reply