Galmudug Oo Shaacisay Xiliga La Qabanaayo Doorashada Madaxtinimada


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo (RBC) Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug ayaa daaha ka rogtay xiliga rasmiga ah ee la qabanaayo doorashada madaxweynaha ee maamulkaas, oo dhowr jeer uu ka yimid khilaaf iyo muran baahsan.

Shir jaraa’id oo ku qabtay koonfurta Gaalkacyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug Shiikh Axmed Shiikh Yuusuf Jimcaale (Ilka Dahab) ayaa waxa uu sheegay in kowda bisha August ee sannadkan la qaban doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.

“Waxa aan idiin sheegaya in kowda August ee sannadkan ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, isla markaana waxa xiligaas ay u dhamaatay maamulka hadda jira xilka waa uu wareejinayaa” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda.

Waxa kaloo uu sheegay in ka hor la sameen doono xubnaha baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug.

Si kastaba, madaxweyne Caalin ayaa la sheegay in uu saluugsan yahay in doorashada madaxweynaha ay dhacdo kowda August, waxa dhowr jeer uu sheegay in qorshahaas ay wadaan xubna doonaya in ay noqdaan madaxweyne.

Waxa hadda deeganadda Galmudug olale ballaaran ka wada shaqsiyaad doonaya in ay hoggaamiyaan maamulka Galmudug ee ka dhisan dhul badan oo ku yaala gobalka Mudug, gaar ahan koonfurta Gaalkacyo.

Waxa xubnaha ugu cad-cad ee doonaya in ay xilkan qabtaan ka mid ah Cabdi Xasan Cawaala Qeybdiid, oo horey taliyaha ciidanka Booliska ka soo noqday Soomaaliya iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug hadda Cabdisamad Nuur Guuleed iyo dad ka yimid qurbaha.

RBC Radio
————————
Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Share

Tags:

2 Responses for “Galmudug Oo Shaacisay Xiliga La Qabanaayo Doorashada Madaxtinimada”

  1. [...] More: Galmudug Oo Shaacisay Xiliga La Qabanaayo Doorashada Madaxrtinimada [...]

  2. [...] See the article here: Galmudug Oo Shaacisay Xiliga La Qabanaayo Doorashada Madaxtinimada [...]

Leave a Reply