Garowe: Madaxweyne Faroole iyo DKMG ah oo Isku Mari La’ Tirada Ergada Uga Qeybgaleysa Shirka Dastuurka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe (RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo dawlada KMG Soomaaliya ayaa markale ku kala booday tirada ergada madaxweyne Faroole maamulkiisa uu u dirsanayo shirka ansixinta dastuurka ee lagu wado in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Warar naga soo gaaraya Garowe ayaa sheegaya in madaxtooyada Garowe ay ku sugan yihiin in ka badan 100 ergay oo madaxweyne Faroole u soo xulay inay uga qeybgalaan shirka ansixinta dastuurka kuwaasoo la filayey in saaka ay u dhoofaan magaalada Muqdisho, hase yeeshee DKMG ah ay ka diiday tiradaasi inuu Faroole soo dirsado.

Nabadoonada iyo isimada beelaha gobolada Mudug, Bari, Sool, iyo Karkaar oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho ayaa iyagu gudbistay liiska ergooyinka beelahooda iyagoo sheegayin liiska uu soo qoray madaxweyne Faroole uusan metelin beelahooda islamarkaana beel kasta uu ka masuul yahay isinkeeda taasoo madaxweyne Faroole uu ku gacanseyray.

Magaalada Garowe waxaa galabta gaaray wasiirka dastuurka ee xukuumadda KMG  C/raxmaan Xoosh Jibriil, si uu u dhex dhexaadiyo khilaafka cusub ee ka oogmay DKMG ah iyo maamulka madaxweyne Faroole oo kamid ah lixda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka loo yaqaano.

War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya inwasiir C/raxmaan Xoosh uu hadal kooban warbaahinta siiyey markii uu gaaray Garowe uuna sheegay inuu wadahadal la yeelanayo madaxweyne Faroole.

Ergada Garowe oo 30 laga rabo

Wariyaha Raxanreeb ayaa sheegaya in diyaarad loogu talagalay inay qaado ergada Garowe ka soo ambabaxaysa ay haatan taagan tahay garoonka magaalada Garowe, iaskla markaana DKMG ah ay u sheegtay madaxweyne Faroole inuu diyaarada soo saaro 30 xubnood oo uga qeybgala shirka ansixinta dastuurka, maadaama beelaha gobolada Sool, Mudug, Karkaar iyo Bari ay gaar u soo xusheen ergadooda.

Lama oga in dalabkaasi madaxweyne Faroole uu yeeli doono, waxaana maanta kulamo xiriir ah ay ka dheceen madaxtooyada Garowe iyadoo laga dooday arintan ka dhex taagan DKMG ah iyo madaxweynaha Puntland oo illaa hadda ku adkeysanaya in ergada Muqdisho joogta aysan metelin beelaha Puntland.

 

Faahfaahinta kala soco Raxanreeb.com

Share

Tags:

19 Responses for “Garowe: Madaxweyne Faroole iyo DKMG ah oo Isku Mari La’ Tirada Ergada Uga Qeybgaleysa Shirka Dastuurka”

  1. faroole waa inuu ================ oo kale ergadooda soo xula belaha kale ayaga isku tashanayee

  2. MAXAMAD says:

    RAMADAN KARIIM,

    ninka TFG-da ay u soo dirtay garoowe ilama ahan ninkii ku haboonaa ee meesha is afgarad ka oo hoyn lahaa, waanse wada dhawri doonaa

  3. PUNTLANDER says:

    dhab,ahaantii ninkaan anagana waa nahoojiyay dadkii kale oo soomaaliyeedna waa hoojiyay. marka hadii aynu nahay puntland aanu iska qabano ninkaan dowlad soomaaliyeed doonimayo anaga beentaas ayuu rabaa inuu nagulajoogo oo waxuu rabo markasta lafuliyo.

  4. kkkkkkkkkkkkk qabyaalada qurunka ah iska daaya raxanreeb aad ku kala saaraysaan reer puntland
    faroole isgaa madaxweyne ka ah ama caaya ama ceebeya waa kan idin xukuma

  5. khaatumo-kheyr says:

    Faroole waa ;;;;;;;;;;;;; qaswada ah ,waa nin goorwalba sida foodlayda muran iyo niic wada.

  6. cawaale says:

    kkkkkkkkkkkkkk duqonino daawo male

  7. Gaalkacyo says:

    Kkkkkkkkk 30 ayaa laga rabay oo 100 ayuu diyaarsaday nin waalan ayaa wax u dhiibanay ma xisaabta ayuunan aqoon mise caqli xumo ayuu sidan u yeelayaa??
    Miyuunan odeyn in isimada gobolada kale magacyadoodii gudbiyeen oo isaga looga fadhiyo uun beeshiisa garoowe xubnahoodii? Mahiga ayaa howsha dhameyn doona ileen Soomaali Soomaali waxba kama dhageystee

  8. darwiish yare says:

    faroole jar iska tuurbuu wadaa walahay, waar beelahaa gobolada sool mudug karaar iyo bari isimadoodii ayaa matalaya unasooxulay ergooyinka asixinta dastuurka ee faroolow beeshaada uunbaa lagaa rabaa inaad usoo dirsatid , talo farakuuguma jirtee , , macangagnimo loomabaahna iyo jar iskaxoorid
    faroole isagaa geed isku xidhaya , oo isagoo qaawan istooganaya kkkkkkkkkk

  9. Rebublican guard of puntland says:

    Tan faroole ayaa soconaysa Adeerayaal . Isagaa u qaadikaraa cadka daska ku nool sool sanaag Bari nugaal Mudug buudoodle Iyo wixii la mid ah ////////////// yaraha ku nool Puntland asagaa mas uul Ka ah AMA Oday ha diraan AMA

  10. Libaax-libaax DHalay says:

    Waa yaab! dadku wax ma gartaan, bal adinku waxaad ka warantaan odayaasha inta ummad dhan magacooda iyagoo huwan oo masalaya maamul dhan oo soo dirsaday markay Xamr yimaadeen iska fariistay iyagoo wax talo ah kula soo noqon maamulkii soo dirsaday.

    Bal ka waran Ra’iisal wazaaraha intuu odayaashii gooni ula showray yiri list iska soo qorta anigaa idin socodsiinaya laakiin waxaan rabaa inaad i sharaxdaan aniga, balse kawaran odayga liisaska ay gudbiyeen oo dhan ay yihiin wiilal ay iyagu adeer u wada yihiin oo aan wax shuruud ah loo fiirin!

    War Farole wax kalaba ha lagu caayo laakiin waa nin run ahaan waxyaabo badan ka fahamsan xaqiiqda, waxaana muuqda inuu go’aansaday in Soomaaliya dowladnimo gaarto, waxa lagu haystana waa teenii buu diiday oo keliya, anigu waxay ila tahay ninkaas Soomaali ha taageerto, hadalo been ah oo la qurqurxiyayna waxba sheegi maayan.

  11. haaheey says:

    FAROOLE WAA IN LA HUBIYAA INUU CAAFIMAAD QABO…WAAYO QOF FIYOW SIDAN OO KALE UMUUSAN DHAQMEEN AYAAN FILAYAA….MAALIN WALBA WAA IN LA SASABO ODAYGA AHAHAHAHHAHA

    Khaatumo ayadaa ka masuul ah SOOL, SANAAG, IYO CAYN (SSC) AYAGAANA SOO XUSHAY, WAREEJIYAYNA LIISKOODA. FAROOLE WAXAA LAGAAGA BAAHANYAHAY INAAD BEESHA CIISE MAXAMUUD IYO GAROWE AAD 30 KASOO XAADIRISID INSHAA ALLAAHU, HADII KALE U.N., U.S.A, E.U., A.U., WAXAY KUG DHEJIN ‘QASWADE’ OO WAAD KA SHALAYN

    ASC

  12. kadiid says:

    raxanreeb alle maxaa puntland xasard iyo waxaan lagaranayn kula dhex wareegayasaan adeer faroole asagaa wadanaka xukumo wuxuu sheegana soconya ciyaal baa tihiine iska daaye faroole asagaa idin xukumeee!

  13. FARATELO says:

    ASCaleykum Ninkii Maygaag ahaa waxaan ka wadaa Mahiiga haloo sheego asaguu wax ka maqlayaa muxuu noogu fiirsanyaa muu qabto ama ka hadlo arintaan mise waa lagu sii ceebeynayaa asaguna mafahansana, teeda kale waa ceeb in shacabka Somaliyeed oo dhan kusoo fiirayaan adigana aad isku haysatid nin guulwade ah waa masiibo, hada wuxuu u muuqdaa nin lagu shaqeysanayo oo taako u dhiganaya qaranimadii Jamahuuriyada Somaliya. Dhibaatada iyo shidada Somaliya allaha ka saaro Qaranimo iyo Qabiilna meel mawada galaan Alloow dal nabada iyo dad caafimaad qaba sc.

  14. Mahamed says:

    waan ku salaamayaa subeerow warkaad sheegtay waa runta somalido waxay ku maahmaadaa
    (Dameer aan saaranahay dhuusadiiso wax igama tarto) nimanka kala ordaya ama wax qoraya
    faroole waxba ka qaadi maayaan . bal waxaan la yaabanahay burhaan iyo xasan dadka ay
    masalayaan , Aaway Ragii shaaribada miiqi jiray mawaxaa u dameeyey in magicii
    [[[[[[[[[[[[[[[ uu dhaafsado shilin, waxaan ku sheegayaa faroole puntland asaga ayaa wax laga waydiinayaa Raxanreeb iyo burhaan ,iyo xasan ============== waxba laga waydiinmaayo.

  15. xassan Waayeel says:

    Hodayaasha iskaqortay ergada iyaga ayaa gardaran waayo Puntland dowlad weyaan Faroolena isaga ayaa madaxweyne ka ah, raga qoraalada qoraya mawaxay rabaan isbarbar yaac iyo dowlad laáan , anagu hadii aanu shacabka nahay waxaa namatala dowlada odayaasha iska yaacay waa nimankii lashaqaysan jiray hogaamiye kooxeedada, marka anagu madoonayno fawdo ee waxaanu doonaynaa kala danbayn iyo dowladnimo. Waan ognahay maamulka Faroole inuu maamul debacsan yahay lakiin hadana madownayno fawdo ee isaga ayaanu kugaaraynaa dowlad weyn reer kala haga leh.

  16. nai says:

    waxaa ila haboon in la tixgaliyo maamulada jira hadda waxaan aragnaa isimo iyagu iskood isu magacaabay waa in la ilaaliyaa kala dambeeynta hada wax dasuurka loo sameynayaa in la helo kala dambeen iyo nadaan hadii maamulkii haystay kala dambeenta lagu sameeyo dacfaruur sidee loo helayaa nidaam dowladda puntland waxay leedahay maamul waa in lagu qadariyaa maamulkooda loona daayaa in ay iygagu soo xushaan ergadooda lagana daayaa gacamo gacmeynta kuwa leh anagaa soo xulanay ergadayada soo maaha puntland waa in maamulkoodu u soo xulaa hadii maamulkooda lagu tixgalin waayo waxaan maamulka puntland kula talinynaa waa in ay xiirirka u jartaa dowlada ku meel gaarka ah dowlada ku meel gaarka ah waxay dowlad ku tahay jiritaanka puntland.puntland cidii tixgalkin weyda maxay tixgalinaysaa koox hunguri doon ah oo aan meela ka shaqeyn kuwa hada xamar iska magacaabay waxay sharaf ku leeyihiin puntland tixgalinta yaan laga tagin wixii arinkaas ka taliyey ha ka noqdo ayaan leenahay,ha jiro maamulka puntland iyo madax weynahooda Dr-cabdiraxmaan mahamed mahamuud(Faroole)iyo barlamaanka puntlandba ha noolaadeen.wa bilaahi towfiiq.

  17. nur kid says:

    raxan reeb waa warside aad u fiican kana hadla wixii jira

  18. darwiish says:

    nafeey nin ku jecel ku waa faroole waa laga hoos guuray garoowe howtaliyo dadka intii kale tashade
    intaa u dhaafi maayo odayga waa ramadaan wax kale ayaan dhihi lahaa???????????????????????????????

  19. John says:

    Waxa isweydiin leh, Su’aasha ah, haddiiba ay dhacdo in markaasi Atoore Baadiyo laga Hoos Baadiye … ma dhici karta, in markiiba uu Madaxa Hoos u Fooraariyo isla markaasina uu yiraahdo :- “Xalaal Caleyk”… ?, mise waxa uu soo Istaagi kara :- “Ma Dhici karto iyo Sidee u Dhici karta”… Si markaasi uu inagana Qorta isku kaaya galiyo … !

Leave a Reply