DAAWO SAWIRADA: Gen. Maxamed Nuur Galaal Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax u Taagan Xilka Madaxtinimo Ee Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Gen. Maxamed Nuur Galaal oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada wadanka Soomaaliya.
Maxamed Nuur Galaal ayaa waxaan waydiinay sababta keentay inuu isi soo sharaxo, wuxuuna sheegay markii uu arkay xaalada wadanka in uu go’aansaday in uu noqdo musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.
Gen. Galaal ayaa wuxuu intaasi uu ku daray in wadanka haatan uu qabo dhibaatooyin badan loona baahanyahay dad diyaarsan oo wadaniyiin ah isla markaana u istaaga samatabixinta wadanka.
Wuxuu sidoo kale uu sheegay in haatan dhulka iyo Badaha Soomaaliya boob baahsan lagu haayo, ayna ka hadlayn madaxda dowlada Soomaaliya.
Maxamed Nuur Galaal ayaa wuxuu sheegay in dastuurka cusub haatan ay ku jiraan waxyaabo badan oo qaldan oo wax u dhibaya qaranimada wadanka Soomaaliya, ayna haboontahay in laga fiirsado qodobada Dastuurka.
Gen. Maxamed Nuur Galaal ayaa wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, waana markii ugu horaysay oo uu ku dhawaaqo in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ee Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














Hada ………. oo jufo ………. ka tirsan ah, baa sadex nin iska soo sharaxday, atleast nin awoodooda ha isku geeyeen, hadii kale waa talo xumo, iyo kala daadsanaantii ………. haysay for past 21 yearskii la soo dhaafay.
waa yaab howl gabkii usha ku tukubayey oo nasashada u baahnaa oo mar keliya u wada hanqal taagay madaxwenanimo,habar iishana madaxweyneey rabtaaa taas ogaada..
NINKAAN DAGAALADII SOKEEYE AYUU KA QAYB GALAY. SOO TII LA YIRI DOWLADA KAMA MID NOQON KARAAN DAD DHIBAATO GEYSTAY??????
ALOW ALLE MUSHARAXOW XAALQAADO!
NINKAN LEH WAAN IS SHARAXAYAA SOOW GALAAL MAHA WAA NINKII ISAGOO JENAN AH ETOPIA UJAAJUUSI JIREY SOOW MAHA?
ADUUNOOW XAALKAA BE ,JEN. GALAAL NIN KA XUN UMA MALEEYNAAYO INUU JIRO
kanaa ka roon ninkii xuduuda Soomaaliya ee badda qayb u gaynlahaa Kenya si uu waxuun u saxiixo
madaxwaynaw ba karaamadii ayeey ka qaadeen galaal oo qabyaalda calanka usida ayaa oranaya murashaxbaan ahay war orad oo gurcel inta dagtid iska cibaadayso alaa kariim 80 jir raba hada mar labaad dhib ugaysto shacabka somaliyed
KKKKKKKKKKK Gen dad la laayo wadankii ma joogaan dadkii waa wax qaxay wax dhamaaday iyo in yar oo waalan sidee wax ku waddaa?Cajiib ninkan miyuu waashay war meesha dad ma joogaan askari dad laaya waan naqaan ee iska seexo saaxiib
Sida dad badan ogyihiin, general Galal, wuxuu danbiyo qaran ka galay dadka iyo dalka soomaaliyeed…
Wuxuu ahaa ( double agend ). u shaqeeya Somalia iyo wadamo cadow u ahaa shacabka somaliyaba. Wuxuu ka mid ahaa ragii fashiliyay dagaaladii 77dii isagoo ka mid ahaa saraakiisha u sareeysa ee ciidamada dagaalka galinayay.sirtana siinayay ciidamadii Xabishada ee dagaalku naga dhaxeeyay…Wuxuu ka qeeyb ka ahaa dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay…wuxuu ka mid ahaa rag lagu eedeeyay in uu lacago ka qaatay shirkado ajaanib ah si uu u fududeeyo in shirkadahaasi sunta Nuclearka ku aasaan xeebaha soomalia.. General Galal in xil u ordo maha ee waa in maxkamad la soo taago, so he can face the crime he committed against his people…
mid kasta oo ka mid aha a dadkii ku fashilmay in ay dawladii afwayne toosiyaan oo ay somali hogaamiyaan iyo caruurtoodii uun baa meesha cararaya ee maan somali geesi u dhalan 30 sano ee u dambaysay? cajiib !!! taas baa la isleeyahay ha is raacdo
Ramadanka ha la yas elaaliyo cibaadadana hala badiyo aanka faa’iideysana bisha kheyrka leh
somalidan layabay waligood meesha dabayshu usocoto mafahmaan war oda yashan in aan cidna doora nayn way ogyihiine lakiin waxay raban labadii cod oo ayhelaan in ay iibsadan oo ay ka iibsadan nin kii markaas cod badan ama ay is leeyihiin waxbaadka helayasaan meesha tuuga isugu tagtay madaxnimooy xaalqaado 200 oo madax wayne xagee lagu arkay.
Jen galaal kuwo lacuna ayaa wadanka qabtay oo 30 sano xabashi la shaqeynayay qaarkoodna hada lashaqeeyaan marka maxaa kaligii hoon ku xiray hadaan su’aashaas ka jawaabo waa qabyaalad soomaali lafaha kagashay marka calafkiisuu qabaaye yaan lagu mashquulin waa muwaadin soomaaliyeed. Qabyaalad Maya maya marabno walasltinimo iyo wadajir haa haaa.
galaal intuusan madaxnimo damac ka gelin dabiyadii uu sameeyey ha ka hadlo ummad soomaaliyeed ayuu wax ka sheegey xasuuqoodiina dad wax magarato ah u isticmaalay sanadku markuu ahaa 05-29-1991
war hedhe cajuuskan xagee u socdaa caqli nin wayna ma hayo sida kii alla hownaxariistii c/laahi yuusuf xagee wxa gaynayaa orod tusbax qaado aan talo ku siinaya khaatumda all qaadye sow hogaamiya kooxoodkii kuma jirin kan xagii wadaan yaa soo toosiyay war odayga sariirtiisa ku celiya idimkaa yaqaan meeshaa ka soo toosiseen kkkkkkkkkkkkkk wadan ka waa madaxwayne ka ah gaas hadii kale bull alla hasiiyo taas cirka how guudho dhulka yaysan iman
Saraakiisha Qalabka sida ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Booliska Soomaaliya wixii u dhimanaa ee uusan dilin ayuu rabaa inuu qaarijiyo. maxkamad ayaa lagu soo taagi doonaa Gen. MUNGAB ayaana xukumi doona kiiskaaga waana lagu daldali doonaa musharaxnimadaada maahane. Dagaal ooge dhiig yacab ah weeye Galaal markaas buu leeyahay wadaniyiin baa loo baahan yes wadaniyiin waa loo baahan yahay balse adigu wadani ma tihid waxaad tahay xasuuqaaye.
WAR NINKAAN CEEB KALE MA LEH LAAKIIN REER ABTIGIIS AYAA ASAGOO YAR MINDHAA XUMEEYEY, NACAYB ………….AYAA KU WAYN SIDA CAYDIID iyo ABDIQASIM.
KKKKKKKKKK MUJRIM WALBA MADAXWEYNUU RABAA TOLOOW MA LACAGTAA SHARIIF XADAY BAA LAYS YIRI IDINKANA WAAD XADI KARTAAN ILEEN WADANIYAD KA FOG KUWAAN AAN ARKEE.
dagaal ooge ayaa musharax isu soo taagay,soomali weey u dhamaatay
kan iyo kuwa la mid ah haddii laga aqbalo musharaxnimada, kuwa nocaas
waa in la soo istaajiyaa makaxmad caalami ah.
Ee dadood indha fura ee iska jira dadka noocaas oo kale.
Madaxii Mooryaanta yaa isa soo sharaxaayo? waa yaab.
U got my vote , maxa loogu didaa muwadin somaliyed waye hadii danbi qabo inta hada sharaxanba danbi waa qabtaa daaya odayga ha ordee guul galaal
General Galal lol For President . Dilagi weyna .